Shirkad Dowladu ku eedeysay Aflagaado madaxeed,in aysan hagaag u bixinin Canshuuraha qaranka,iyo in ay ku xadgudubtay sharciga dalka ( DAAWO SAWIRAD)

12/28/2011 5:39:00

shirkadda SKA oo shaqeyneysay muddo hal sano ka badan aanay bixin wax canshuur ah, isla markaana aanay haba yaraatee wax tixgelin ah siinin waddooyinkii shariga ahaa.



Dowladda KMG ah ayaa eedeyn u jeedisay shirkadda SKA ee ka howlgasha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, iyadoona arrimaha lagu soo eedeeyay shirkadaasi ay ka mid tahay aflagaado ka soo yeeray madax ka tirsan shirkadda SKA, ku xagudub sharciga iyo inaysan bixin canshuuraha ku waajibay.


Warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shirkadda SKA oo shaqeyneysay muddo hal sano ka badan aanay bixin wax canshuur ah, isla markaana aanay haba yaraatee wax tixgelin ah siinin waddooyinkii shariga ahaa.

Sida ku cad warqadda Wasaaradda Dekedaha, Gaadiidka badda, cirka iyo dhulka ee tirsigeedu yahay X/AGG/450/2011 taariikhdeeduna tahay 25/12/2011 iyo warqadda Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee tirsigeedu yahay Summad /001/64WGW/011 taariikhdeeduna tahay 28/12/2011 isla markaana labada wasaaradood ay uga hadlayaan xadgudubka dhinaca sharciga la xariira ee shirkadda SKA ka waddo dalka.


Eedeymaha ku wajahan shirkadda SKA ayaa imaanaya xilli madax ka tirsan shirkadaas ay aflagaado u geysteen dowladda KMG ah ee Soomaaliya xilli magaalada Duba ay ku lahaayeen shir ganacsatada.


Aflagaadada Dowladda Soomaaliya ee ay u geysteen madaxda shirkadda SKA waxaa ka mid ahaa in TFG-da ay ku shaqeyso musuqmaasuq iyo laaluush, hadalkaasi oo uu sheegay mas'uul ka tirsan shirkadda SKA oo haba yaraatee aan wax caddeymo ka bixin eedeymihiisa mas'uul ama madax ka tirsan Dowladda KMG iyo marqaatiyo muujinaya hadalkiisa.


Haddaba labada Wasaaradood ee Dowladda KMG ah warqadaha ay ka soo saareen dhibaatooyinka shirkadda SKA ku heyso dalka iyo ku xadgudubka sharciga Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo ay soo saareen hoos ka akhriso.

wararka SKA halkaan ka aqriso www.somalisan.com/



FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com