Warsaxaafadeed R.W. oo booqasho hal maalin ah ku tegay magaalada Beledweyne kulamona la qaatay qeybaha bulshada iyo saraakiisha (DAAWO SAWIRADA)
RaÃisul Wasaaraha oo booqasho hal maalin ah ku tegay magaalada B/weyne kulamona la qaatay qeybaha Bulshada iyo saraakiisha Ciidamada
Muqdisho, January 6, 2012------Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo dhowaantan ay ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ay kala wareegeen Al shabaab, waxaana socdaalkan oo qaatay hal maalin galabta 6-dii maqribnimo ay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa garoonka Aadan-cadde International ka qaaday isaga iyo wefdigiisa labo diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca ah (Helicopter) waxaana abaara sagaalkii subaxnimo ay ka degeen garoonka Ugaas Khaliif Airport halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen saraakiisha dowladda ee Gobolka Hiiraan, kuwa Itoobiya iyo xubno isugu jiray odayaal iyo waxgarad reer Hiiraan ah.
Wefdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Qorsheynta Mudane Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Jahweyn, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Mudane Cabdulqadir Maxamed Dhicisow, taliyaha ciidanka Xooga dalka Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini iyo agaasimaha guud ee Xafiiska R/wasaaraha Mudane C/raxmaan Warsame (Burhan).
Wefdiga ayaa markii ay ka degeen garoonka waxaa si diiran ugu soo dhoweeyey saraakiik kala duwan, odayaal iyo waxgarad waxayna yimaadeen magaalada iyaga oo ku hakaday Jaamacadda Hiiraan University halkaasoo ay kulamo iyo qado kula qaateen qeybaha kala duwan ee reer Hiiraan, waxayna kala hadleen sidii loo xoojin lahaa ammaanka iyo kala dambeynta horeyna loogu sii wadi lahaa howlaha xasilinta iyo nabadeynta dalka ee ka bilawday gobolada koofureed. Waxaana sidoo kale r/wasaaruhu uu ku wareejiyay saraakiisha dowladda daawo ay ugu tala galeen in la geeyo Isbitaalka guud ee magaalada si loogu daweeyo cid kasta oo ay howlgalada socdca wax ku noqda.
Odayaasha iyo waxgaradka reer Hiiraan ayaa wacad ku maray inay is garabtaagayaan howlaha iyo qorsheyaasha dowladdu wado waxayna xuseen inay ka go’antahay in gobolada koofureed iyo gobolka Hiiraan uu helo maamul loo dhanyahay oo dadka degaanku raali ka yihiin, waxaana loo balan qaaday in loo dhisi doono maamul ay soo xuleen odayaasha, ugaasyada, waxgaradka iyo qeybaha reer Hiiraan.
a’iisul wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka Ugaas Khaliif ayaa xusay in ujeedada booqashada magaalada Beledweyne ay aheyd sidii kor loogu qaadi lahaa taageerada howlgalada ka bilawday goboladan, gaar ahaana Hiiraan kuwaasoo uu sheegay inay sii socon doonaan dhowaana ay ka xoreyn doonaan ciidanka xooga dalka oo taageero ka helaya dalalka deriska la ah Soomaaliya dhamaan gobolada ay xooga ku heystaan AlShabaab.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta soo booqdo magaalada Beledweyne oo ah magaalo facweyn muhiimad gaar ahna u leh Dowladda Soomaaliyeed, waxaana u mahadcelineynaa dhamaan ciidankii Qaranka ee xoreeyey magaalada waxaana rajeynayaa in sidan oo kale loo wada xoreeyo magaalooyinka dalka ee ay xooga ku heystaan kooxaha nabadiidka ah” ayuu yiri Dr. Cabdiweli intii uu ku sugnaa B/weyne.
Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho halkaasoo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen golaha Wasiirada, qaar ka mid ah xildhibaanada, saraakiisha ciidanka iyo haweenka gobolka.
- DHAMAAD -

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )