VIDEO DR Xabeeb oo dad horey u waashay dib ugu celiyeyqoysaskodii ka dib karkii ay caafimaadeen warbixin dhinacyo badan taabaneysa iyo ka qeybqaado marshuura hal qof katiinada ka fur (DAAWO SAWIRADA )

1/20/2012 7:07:00 A


Dr Xabeed "Bukaanada waxay isugu jiraan kuwo geedo ku xiranaa 12 sanno ,7 sanno,kuwaas oo aan helin jirin Goob u bukaanku ku saxarado,qubeys,iyo jimicsi halka qaarkoodna ehelada bukaanadu diidaan in xariga silsilada ah laga furo taaso jirkiisa waxyeelo geersiisa ".

Inkasto oo ay sii kordheyso dadka ay dhibatada iyo xaaladaha nolol xumo ku heysato qeybo ka mid ah Magaalda Muqdisho isla markaana uu muujiyey dadaal dheeraad ah xabeeb mental hospital Bolaal la ildaran bukaanada dhimirka ayaa maamulka ispitalka waxaa ay ku dhaliileen wax u qabad la.aanta dadka garayaa ilaa 25000 kuwaas oo daryeel la.aan iyo cuduro geedo ugu xirxiran iyada oo aana ka warqabin xukuumada KMG Somaliya xaaladahoda caafimaad.


Maaulka ayaa ku eedeeyey wasarada caafimaadka in aysan wax u qaban bukaanda ay soo riteen cudurada dhimirka kuwaas oo ku dhibaateytsan Gobolada dalka iyo caasimada Muqdisho .

Munaasibad loogu magacdaray ka qeybqaado mashruuca  xariga ka fur Bukaan dhimirka la’ oo micnaheedu yahay dhaqaale ku tabaruc ispitalka xabeeb mental hospitaal ayaa laguqabtay xarunta ispitalka ee Magaalada Muqdisho ,waxaana xafladaan ku mantaaneysanaa deeq ispitalka la gudoonsiinayey kana koobneyd $605 oo ay soo dhiibtay Xabiibo farax Qeyre taasi oo ka soo uruurisay gabdhaha wax ka barta dugsiga Alnuur ee barsahda quraanka kariimka ee dalka Swadan .

Waxaa xusud mudan in mid ka mid ah bukaanada uu haayey cudurka dhimirka  mudo 3 sano ahna silsilado ay ku xiraan iyo 5 quful oo qarkood la waayey furiyaashoodii qeyskiisii dib loogu  celiyey isaga oo caafimaaday wuxuuna sheegay in uu haatan shiqadiisii darawalnimo u dib u bilaabi doono .

Abuukar Maxamuud Guure Shiiqow ayaa hooyadii iyo isaguba isku dul ooyeen Dagmada wadajir ee gobolka Banadir waxayna sheegtay hooyo Anbiyo Maxamud Maxamed in ay aad ugu faraxsan tahay iyada oo xasaafada tustay qolkii uu u xiraan jirey waxeyna u mahadcelisay alle ka sokow Dr Cabdiran cali Cawaale oo kolkii hore goobta uu ku xiraa ka saarey isaga oo sheegay in cudurka dhimirku la mid yahay cudurada kale ee la daaweyn karo .

Dr Cabrixmaan oo ka warbiyey bukaanada xerooyinkiisa ku tiro oo tiro ahaan garaya 223 bukaan oo qaarkood laga keenay goobo miyi ah .

Dr Xabeed “Bukaanada waxay isugu jiraan kuwo geedo ku xiranaa 12 sanno ,7 sanno,kuwaas oo aan helin jirin Goob u bukaanku ku saxarado,qubeys,iyo jimicsi halka qaarkoodna ehelada bukaanadu diidaan in xariga silsilada ah laga furo taaso jirkiisa waxyeelo geersiisa “.

Dowlaay Xasaney haweeney lagu magacaabo ayuu xusey in uu ka daaweeyey mudo lixbilood ka dibna qeyskeedii ay ku laabtay xili ay todobo sano geed kula xireyd silsilado iyo qufulo la waayey furayashoodii wuxuuna goobta ku soo bandhigay tii yoo gableyshimbir la ciyareyso qeyskeedii heshayna caafimadkeedii .

Munaasibada oo aheyd mid si weyn loo soo agasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay fanaaniin abwaano dalka gudihiisa iyo dibadaba caan ka ah sida abwaan Maki Xaaji Banaadir Buurfuule iyo mu.alif Axmadey cabdigashaan waxayna fariin u direen bulshada Somaliyeed iyo hay.addaha Deeqa bixiya in ay maalkoda ku kaalmeeyaan xeryaha ay ku jiraan dadka qaba cudurada dhimirka iyaga oo xusay in la daaweyn karo sida cudurada kale ee qofka bini adamka ah ku dhaca .

Labadaan abwaan ayaa aad u dhiiri galiyey Dr xabeeb iyo howsha uu bulshada u haayo waxayna u duceeyeen dhabdha dugiga Barashada Quraan kariimka ee alnuur dalka Swaden oo iyagu soo garsiiyey Deeq lacageed gareysa $605 waxaana ay soo wakiisheen  Xabiibo faarax Qeyre
Dr Cabdiraxmaan Cali Cawaale oo ah madaxa ispitalka xabeed mental hospital ayaa ku soo bandhiga munaasibadaan dad qabay curuka dhimirka kuwaas oo mudo geedo silsilado ku xiraan hatan ka bogsoday taakuleyna ka helay qaar ka mid ah muxsiniinta Somaliyeed balse dhaliilay wasaarada Caafimadka ee xukuumada KMG Somaliya waxqabad la.aan iyo inaysan ka warqabin dadka qaba cudurada dhimirka ee ku sugan guud ahaan dalka Somaliya .
Xaalada Bukaanada qaba cudurka dhimirka ayaa ah mid aad u liidataa waxaadna ku arkeysaa intooda badan in ay aad ugu baahan yihiin gurmad ay ka helaan walaalahoda Somaliyeed ,waxaana bukaanda la keenaa goobaha cudurada dhimirka ee Dr xabeeb iyaga oo ku xirxiran silsilado waxyeelo xoogan garsiinaya jirkooda ayna ka muuqato dhiif iyo rafaad aad u ba.an
Dr Xabeed ayaa sheegay in uu ku guuleystay in uu katiinadaha ka furo tiro badan oo ka mid ahaa dadkii uu soo ritay cudurka dhimirka haatan si aacdi ah u wato howlahoodii shaqo bulshadana ka mid yihiin
 

 



FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com