Khilaafka wariyaasha Qurba joogta Muxuu salka ku hayaa ?!!!!

1/22/2012 11:51:00

Khilaafka wariyaasha Qurba joogta Muxuu salka ku hayaa ?!!!!


1. Sad bursi
2. Dhaqaalo
3. Dabaalnimo
4. Qabiil
5. Ku qadimeysidee
6. Aqoon daro

Ururka Suxufiyiinta Qurba Joogta Soomaaliyeed ee loo yaqaano marka lasoo gaabiyo SEJASS ayaa ah urur looga dhawaaqay dalka Kenya sanadii 2009-ka bacdamaa dalka Somalia ay kasoo yaaceen tiro wariyaal ah sababo la xiriira amaankooda, waxa ayna isku waafaqeen suxufiyiintii xiligaasi ku sugneed dalka Kenya in ay yeeshaan hogaan mideysan oo xuquuqdooda usoo dhiciya lana xiriira ururada aduunka ee difaaca xuquuqada Wariyaasha si uu ugu dhaadhiciyo xaalada dhabta ah ee Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan gaar ahaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Waxaana hogaan loo doortay Maxamed Cabdulaahi Siidii oo xiligaasi ka mid ahaa wariyaashii kasoo cararay magaalada Muqdisho ayadoona hogaankaasi uu ahaa mid dhisan walow waxba yuusan qaban balse ay ku qanacsanaayeen wariyaashii ku sugnaa magaalada Nairobi. Sidii ayaa xilkaasi hayay 2009- 2010 bartamihiisa waxa uuna helay deegaaneysi ay u sameysay hey’ada qoxtooda aduunka UNHCR oo xiligaasi dalka ka qaaday tiro wariyaal oo sababo amaan u joooga dalka Kenya.

Wariyaashii ayaa waxa ay sameysteen kusime xiligaasi ayadoona ilaa dhamaadka 2011-ka uu ahaa Ururka mid sii liicayay maadaama uusan laheyn hogaan dhab ah oo ururka horkaco, waxaana dhamaadka sanadka 2011 iyo bilowgii 2012 ka soconayay magaalada Nairobi abaabul loogu doonayo in dib boorka looga qaado waxqabadka ururka oo markiisa horaba ahaa mid loo dhisay wariyaasha qurba-joogta Soomaaliyeed.

01- January – 2012  … Maalin murugo leh

Waxaa la iisoo diray ilaa dhowr warqado oo ku saabsan kasoo qeyb galka munaasabad lagu maamusayo laguna mideynta Wariyaasha Qurba joogta Soomaaliyeed ayadoona xiligaasi aysan iisuura galeynin ayaan cudur daar usoo diray gudigii waday xaflada waxaana ii suuragashay inaan imaado 3-cisho ka dib oo aan dalka Kenya ka maqnaa, markii xafladii lagu igu cazuumay ay isku badashay muuqaal aan waligey ka fileynin wariyaasha waxa ayna ii aheyd maalin mugdi ah. Wariyashii ayaa waxa ay u kala qeybsameyn labo qeybood oo waliba qaab qabiil ah ayadoona labada dhinac midba midka kale uu ku eedeynayay in kaga xaq badanyahay in ay hogaamiyaan Ururka balse ma dhicin in la isku tanaazulo oo muuqaalkii ayaa isku badalay sidii 1990-kii xiligii dagaalada ee loo kala qeybsamay Hawiye & Daarood.

Durba waxa ay laba dhinac kala sameysteen xaflado u gaar ah ayadoona mid waliba uu magacowday hogaamiye taa oo ay noqotay in Uruka uu noqdo mid laba qeybood ah, rag iska dhicin badan wariyaashii waxa ay ku guuleysteen in ay munaasabadohooda uga hadlaan tacadiyadii ka dhacay dalka iyo wariyaashii lagu dilay dalka mudadii 1992- 2012.

Waxaan ku dhiirtay in aan dabagal ku sameeyo cidii ka danbeysay falkaasi iyo halka fakarka asalkiisu uu ka yimid anigoo kaashanaya aqoonta aan u leeyahy wariyaasha ku sugan Nairobi dhamaantooda iyo qibradeyda Saxafiyanimo.

 8-10-January ee sanadaan wxaa kacay gudi kumeel gaar ah oo ka damqaday waxa ka soconaya Nairobi waxa uuna ahaa hadafka gudiga sidii la iskugu keeni lahaa wariyaashii ku kala tagay Ururka Suxufiyiinta Qurba-joogta balse nasiib xumo howlihii gudigaasi waxa ay noqdeen mid fashilmay oo ay wax kasoo naasa cadaan waayeen.

17-January isla sanadkaan sidoo waxaa kacay gudi kale oo ka madax banaan labada dhinac ayadoona ujeedooka uu ahaa ahaa isna gudigaasi mideynta wariyaasha waxaana horboodayay rogcadaayaal badan oo ay ka mid yihiin: -

1. Abdirahman Fure British
2. Hassan Ali Gesey

Waxa uuna ahaa kulankaasi mid labada dhinac ay is horfadhiisteen ayadoona ay ka doodayeen mudo dheer bal waxa la isku heysto iyo waxa ay kala tabanayaan laba dhinac waxaana laba dhinac ee Ururka uu u kala jabay kala hogaaminayay Maxamed Cusman New York oo ahaa wariye kasoo shaqeeyay Idaacada Horn Afrik Muqdisho iyo Abdi Qafar /shire oo isna ahaa wariye horay uga tirsanaa Idaacada Bar-kulan, waxa uuna ahaa kulankaasi mid qaatay waqti dheer balse aanan waxba ka soo bixi. 

‘’ arinta ayaa ka bixi weysay kaliya horta lo’da beerta maxey ka doontay maadaama labada dhinac mid walba uu watay ajandooyin u gaar ah oo lama taabtaan, dhanka Abdi Qafar uu hogaaminayay ayaa ugu danbeyntii gudigii ay sheegeen in ay kasoo horjeesteen in si kumeel gaar looga dhigo in uu sii hogaamiye Ururka Abdi rahman British ay ka biya diideen halka garabka kale ee New York ay qaateen arintaasi waxaana meesha ka qarxay cadaawad hor leh oo durba waa lagu kala qalab qaatay oo fashil ayuu isna kusoo idlaaday.

24-saac ka dib arintii khilaafka ayaa cirka isku sii shareertay ayadoona dhinac ka mid ah uu xitaa magaca iska badal oo magacii hore ku darsaday naash-naash taa oo ka wada yaabisay dhamaan wariyaashii ku sugnaa gudaha dalka Kenya.

Aan bal ogaano taariikhda labada dhinac ragga kala horkacayo iyo sida ay saxaafada ku soo galeen anigoon iga aheyn ihaaneen balse kaliya baaritaankeyga uu ii keenay inaan lugta la galo aana qodo halka sarta ay ka qurantay.

Waa kuma C/qafaar shire.. Taariikh kooban!!!

Inta aan ka aqaano ama aan kusoo helay dabagalkeyga wariye C/qafaar Shire waa nin dhalinyara ah oo da’duusa ay u dhaxeyso 25-30 sano jir waxa uuna ka mid yahay wariyaasha wax ku bartay dalka Kenya oo kama mid ah wariyaashii soo cararay waxa uuna kasoo shaqeeyay Idaacada bar-kulan oo ay maalgaliso UN-ka ayadoona halkaasi uu ka ahaan contractor reporter oo ma uusan aheyn wariye si buuxda ugu shaqeeyo Idaacada waxa uuna idaacada ka ahaa producer ama soo saare, bartamihii 2011 maamulka idaacada ayaa waxa ay go’aansadeen in laga ruqseeyo C/qafaar shaqada ka dib markii ay kusoo baxeyn eedeemo loo soo jeediyay oo ay ka mid aheyd arimo la xiriira dhanka shaqsiyada ahaan isagoo xiligaasi dhaafay xadkii wariyenimo oo uu ka hadlay arin khilaaf balaaran ku dhax abuurtay baarlamaanka Somalia arintaasi oo aheyd masuuliyiin ka tirsan DKMG Somalia oo iibsaday ama gatay domain-ka dot so (.so) waxa uuna C/qafaar meel fagaara ah ka sheegay in idaacada uu uga tagay arimo u gaar ah balse ma aheyn arinta sida Abdi qafar uu u dhigay.

Waa kuma Maxamed Cusmaan New York Taariikh kooban!!!

Wariye Maxamed Cusmaan New York waxa uu ka mid ahaa wariyaashii ka howlgali jiray sanadii 2005 wixii ka danbeeyay Idaacad Horn Afrik waxa uuna ka mid aha Macalimiinta Saxaafada ka dhigi jirtay magaalada Muqdisho oo xiligaasi uu ku lahaa Machad lagu barto Saxaafada wax uuna soo saaray wariyaal badan oo haatan magac ku leh saxaafada Somalia, inta aan ka ogahay New York waxa uu ahaa taariikh ahaan ruux sumcad weyn ku leh bulshada Soomaaliyeed igama aha amaan balse waxaan cadeyn kara arintaasi wariyaasha Soomaaliyeed oo inta aan ka aqaano kama aqaano C/qafaar.

New York kama uusan mid aheyn is qabqabsiga dhanka hogaanka mudooyinkii ugu danbeeyay ee saxaafada balse hada oo si kumeel gaar ahaan loo caleema saaray ayay ku wada qanacsanaayeen wariyaasha Qurba-joogta Soomaaliyeed inta laga helayo hogaan loo mideysanyahay oo doorasha ku dhacda.


21- January Maalinta Warbaahinta Somalia

Waa maalin loo aqoonsaday in ay noqoto maalinta warbaahinta Soomaaliyeed waxaana magaalada nairobi ka kala dhacay laba xafladood oo ay soo kala abaabuleen labada dhinac ee isku heysta hogaanka Ururka ayadoona mid walba uu iskiisa u xustay isgoo xiligaasi usoo bandhigaya warbaahinta wixii dhacay iyo tacadiyadii loo geystay wariyaasha.

Wixii hore wax soo dhaaf!!!

Munaasabada maalinta 21- Janaayo ayaa waxa ay u dhacday qaab fool xun ayadoona labada dhinac u kala dhigteen qaab Qabiilee Hawiye & Daarood waana mida keentay in arinta ay kasii darto ayadoona xitaa ay dhanc ka mid ah ay ka qeyb galeen Xildhibaano u dhashay goboladooda waliba si cad qaab qabiil balse aan waayay cadoomo kale oo aan idin ku qanciyo waxaana rajeynaa inaan helo sawiro muujinaya arintaasisi keydka aan u galiyo.

Weerarkii ayaa meeshiisa kasii socday oo waxa mid walba uu soo daabacday warbixinta meesha ay ka guseyso oo aan ula jeedo dhan walba waxa ay website-yada soomaalida ku soo dhaabaceyn muuqaaladooda iyo munaasabadooda taa oo ku tusineysa xaalada halka ay mareyso.

Magacyo kala gadisan Iskuna mid ah !!!

1. Somali Exiled Journalist Association.  SEJASS oo ahaa Ururkii ugu horeeyay oo looga dhawaaqo dalka Kenya ayna yeeshaan wariyaasha qurba joogta Soomaaliyeed. Waxaana haatan u hogaan ah Maxamed Cusmaan New York si kumeel gaar ahaan.

2. Somali Exiled Journalist Network Association.  SEJNAS oo ah mid rag iska dhicis ahaan loo sameeyay laguna dhawaaqay khilaafka ka dib sida ay u muuqato ka dib markii uu fashilmay wada hadalo badan oo lagu doonayay in lagu dhexdhexaadiyo waxa ayna hogaan u doorteen C/qafaar Shire oo ah mashiinka haatan walaaqaya SEJNAS.


Ku qabso ka qadi meysid..

Horay ayaan u maqli jirnay hebel-land balse maanta ayay soo gashay saxafada Soomaaliya waxaan horay u jiray khilaafyo badan oo soo kala dhaxgalay Ururo kale oo u gaar ahaa saxafada sida NUSOJ oo haatan iyada qudheeda laba dhinac ah layaabna ma leh maxaa yeelay wadanka oo dhan ayaa ah mid fowda ah maadaama aysan jirin wax talaabo ka qaadayo marka ay dhacaan falalka ceynkaan oo kale.

Koox waliba waxa ay ku Qanacsantahay go’aankooda mana jirto mana dhici doonto cid u tanaasusho dhanka kale maadaama dhan walba uu aaminsanyahay in midka kale uu dhacayo, tusaale ahaan hadii aan soo qaato dhaman wariyaashii dhintay waxa ay ahaayeen kuwa u badnaa dhanka Koonfurta hadii aan ka dhigno qaab deegaan arinta taa oo dhanka reer Koonfureedka ay aaminsanyihiin.

Dhanka kale ee Puntland waxa ay aaminsanyihiin in dhamaan qalabka warbaahinta ay gacanta ku hayaan reer Koofureedka taa oo aysan intaan wax ka badan aysan fiirsan karin waana mida haatan keentay in kala jabka iyo khilaafka ay keenaan sida lagu shaaciyay bayaan si kumeel gaar ahaan loo soo saaray oo lagu sheegay in eeda markaan in ay u janjeerto dhanka reer Puntland.

Dalka Somali ayaa haatan waa ka jira in ka badan boqolaal Radio Station iyo TV local iyo waliba International ba leh kuwaa oo waqtigooda inta badan kusoo bandhiga wararka ka jira dalka Somalia gaar ahaan una gudbiya aduunka kale, waxaana hormar noogu filan olalihii ugu danbeeyay ee aanan loo kala harin ay qaadeen wariyaasha Somalia sidi looga hortagi lahaa abaartii ku dhuftay koonfurta dalka Somalia oo lagu guuleystay inteeda badan in la gargaaro, waxaana sidoo kale jira Malaayiin website-yo Soomaali ah oo update ah kuwaa oo iyana ka hadla wacyiga Soomaaliya ha ahaadaan kuwa ku dhisan qaab deegaan ama qaab Qabiil waxa ayna ku shaqeeyaan wacyi aad u adag oo haatan dalka ka jira.

Muuqaalka kasoo socda haatan labada dhinac ayaa ah mid hadii xal loo waayo sii foogeyn doono fikirka ay kala qabaan labada dhinac taa oo mudan in ay soo kala dhaxgalan cid waliba oo wax ka qaban karta arintaan oo cadaawad hor leh abuuri dooonto oo dagaalka xitaa markaan uu galo dhanka Saxaafada.

Aqoonta waa furaha koobaad ee xalinta khilaafka waxaana aaminsanahay in labada dhinac aysan heysan aqoon ku filan xiligaan taa oo aan ula jeedo in khilaafka ay ayaga xalistaan ka hor inta aysan ogaan shacabka waana mida haatan igu abuurtay in aaan soo ogaado wacyiga dhabta ah ee ka danbeeya khilaafka oo haatan aan idiin bidhaanshay.

 

Sources: waxaan inta badan wax kasoo xigtay wariyaasha labada dhinac iyo kuwa ka baxsan iyo anigoo haatan gacanta ku hayo fariimo hanjabaad iyo hadal xumo ay ku jiraan, sidoo kale sawiro muujinaya waxa aan ka hadlay ee ah arinta Qabiilka waxa ayna noqon doonaan kuwa aan ku keydiyo goob muhiim ah oo hadii loo baahdo aan horkeeni karo maxkamad waana lala xisaabtami doonaa cida ka danbeysa khilaafkaasi oo haatan bulshada ay u jeedo.

 

_______________________________________________________________

Mohamed Ibrahim Ayaanle
Freelance journalist, investigate journalist, member of East African journalist, Arabic journalist Association
Worked at : GBC Radio & TV, ETN TV, Tusmo Radio, contractor Kuwait news agency, owner and editor of Somalpost.com
Ayaanle19@gmail.com
Phone: +254-7-28862688
Nairobi –Kenya



FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com