Jan. Gaafow:Ninka AJnibiga ah waxaaan kala hadalnay dalkiisa waxaana 24 saac gudahood u gudbin doonaa London Bacdamaa aan lagu tilamaami karin Alshabaab iyo Alqaacida ..( DAAWO SAWIRADA )

3/28/2012 7:41:00 P

Ninkaan ayaa sitay qalab fara badan oo ay ku jirto daroogo dahguhuna u diran yihiin ayna ka laalaado katiino muujineysa kirishtan..



Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyada Dowladda KMG ah Jan. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in nin ajnabi ah oo shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha Muqdisho uu doonayay inuu ka barbar dagaalamo ururka Al-Shabaab laguna qabtay gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.


Jen Gaafow ayaa sheegay ninkaasi halka haatan lagu hayo, isagoo sheegay inay ku wareejiyeen ciidamada AMISOM, bacdamaa uu sitay qalab fara badan oo walxaha qarxa laga sameeyo, isagoona sheegay inay haatan socoto baaritaano la xariira socdaalkiisa.


"War ninka ajnabiga ah ee doonayay inuu Shabaab ku biiro ma lahayn astaan Muslimnimo labada dhegood ayaana u durnaa" ayuu yiri Jan. Gaafow oo sheegay in ninkaasi ay qabteen ciidamada sirdoonka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.


Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Dowladda KMG ah waxa uu sheegay in ninkaasi uu jaha wareeray, isagoo sheegay inuu doonayo inuu ku biirayo ururka Al-Shabaab una socdo magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose.


Ninkaan ayaa isagu intii aanay kaxeynin ciidamada AMISOM waxaa gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho su'aalo ku weydiiyay ciidamada Dowlada KMG ah iyo weriyeyaal, isagoona si cad u qirtay inuu Soomaaliya u yimid inuu taageero islaamka kismaayo ku nool.hase yeeshee isagu diinta quraanka waxba kama yaqaan sidoo kalan quraanka ma garanayo.


Taliyaha hogaanka socdaalka Janaraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud ayaa sidaa darteed u sheegay saxaafada in sii joogitaanka shaqsigaan uu faaiido u laheyn dadka iyo dalka somaliya balse ay haboon tahay in dalkiisa loo musaafuriyo.













 



FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com