Hogaamiyaha Isbaheysiga nabada Soomaaliyed (SPA) ioo si diiran Muqdisho loogu soo dhaweeyey iyo xisbiyo ka horjeestay qodobadadii ka soo baxay shirkii lagu qabtay Gaalkacyo ( DAAAWO SAWIRADA )

3/29/2012 2:30:00 P

Isbaheysiga nabada Soomaaliyed iyo qaar ka mid ah asxaabta siyaasadeed ee mudooyinkan dambe ka abuurmay dalka Somalia oo shir jaraaid



ku qabtay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney ka soo horjeedaan qodobadii ka soo baxay shirkii dhowaan saxiixayaasha qorshaha road mabka ku yeesheen magaalada Gaalkacyo.

 
C/llaahi Shiikh Xasan gudoomiyaha isbaheysiga nabada Soomaaliyed oo ka mid ahaa masuuuliyintii shirkaas jaraaid ka hadlay ayaa sheegay in qodobadii ka soo baxay shirkaas aysan wax dan ah ugu jirin ummada soomaaliyed ayna soo saareen shaqsiyaad ka tirsan DKMG Somalia iyo maamulada dalka oo aan meteli Karin masiirka shacabka.
 

“Qodobada ka soo baxay shirkii lagu qabtay Gaalkacyo waa kuwo aan u adeegeyn maslaxada shacabka Soomaaliyed, shan nin oo qol isku xiratayna ma ma meteli karaan Soomaalida aayaheedana ma go’aamin karaan waana laga soo gudbay xiligii Somalia ay arimaheeda ka talin jireen shan iyo wax la mid ah, waxaan leenahay umada ha la soo dhex dhigo talada iyadaa aayaheeda ka tashaneysee” ayuu intaa ku daray C/llaahi Shiikh Xasan.
 

gudoomiyaha Isbaheysiga nabada Soomaaliyed ayaa ku eedeeyey wakiilka QM ee Somalia inuu noqday mid u adeegaya oo kaliya dowlada KMG Somalia balse aan dan ka laheyn inuu dhegeysto fikirka iyo talada axsaabta siyaasaddeed ee ka jirta dalka, taasina waxaa uu sheegay iney keeni karto kala qeybsanaan hor leh oo siyaasadeed.
 

Dhinaca kale waxaa ka hadlay shirkaas jaraaid Axmed Aw-Aadan oo ah gudoomiyaha xisbiga Sahan Qaran iyo Bile oo ka mid ah masuuliyinta xisbiga hiil Qaran oo sheegay in ilaha dhaqaalaha dalka loo gacan geliyey shaqsiyaad ka tirsan kooxda Aala-Shiikh si ay uga faa’iideystaan mudada ka dhiman xaalada kala guurka ah, iyagoo tusaale u soo qaatay dekeda Muqdisho oo ay sheegeen iney dhibaatooyin badan ku hayaan.











FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com