Aabbe Cabdirisaaq Wuxuu weli Taageeraa Kooxda Chelsea oo uu Wiilkiisii uu Jeclaa ku Naftiisii ku Waayey ( DAAWO SAWIRADA )
Marka la fiirio Ciyaaraha waxaa la dhehi karaa waa Balwad waxayna mararka qaar ay keenaan Dil gaar ahaan dhinaca Taageerayaasha oo iyagu is dila kuwa kale iyagaa nafta iska gooyo
Ciil Dartii marka Guuldarro soo wajahdo Kooxda markaa ay Taageerayaan , iyadoo taasi jirto ayaa sannadkii 2005 waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dhacdo la yaab leh ka dib markii wiil lagu Magacaabo Maxamed Cabdirisaaq Maxamed oo taageero weyn u ahaa Kooxda Chelsea ay isku dhaceen Wiil kale oo isna taageero u ahaa Barcelona ,Gacan ka hadalkaa waxa uu sababey in uu geeriyoodo Maxamed Cabdirisaaq ka dib markii lagu dhuftey Feer .
Aabhii dhaley Maxamed Cabdirisaaq ayaa xiliigii la diley wiilkiisa waxaa uu isna Waqtigaas Cadeeyey in uu taageero u yahay Kooxda Chelsea taageeranimadii wiilka uu isaga la wareego mar aan weydiiyey Sababta uu isna Taageero ugu noqdo kooxda Chelsea maadaama uu wiilkiisii ku naf waayey" Waxaan doonyaa in aan halkaa ka sii wado teegeerida Kooxda Chelsea Waqtigaas ayaa Bilaabey in aan noqdo Taageero weyn oo ka tirsan Kooxda Chelsea "Waxaan weydiiyey sow lagama yaabo in adigana Naftaada ku weyso maadaama wiilkii aad jecleyd uu naftiisii Khaaliga ahayd ku waayey wuxuu ku jawaabery "Waxaan Wiilka u badeley waxay tahay sidii Dhalinyarada ugu dhaadhicin lahaa in aan la isku dilin Ciiyaaraha oo aan naf loo goyn oo arrintu ku ekaato taageeranimo keliya waxaana kuu sheegayaa in Xitaa aan Cafiyey wiilkii diley Wiilkeyga "
Sow Xasuus kuuma reebin kulankii dhawaan dhexmarey Kooxaha Chelsea iyo Barcelona ee Horyaalada Yurub "Haa waxay i Xasuusisey Ciyaartii labada wiil isku dileen ,hadana waxaa ku hilmaamey Murugadaa Guushii ay gaartey Kooxda Chelsea , waxaanaa rajeynayaa in Sannadkaan Kooxda Chelsea ay noqopto Horyaalka Qaarada Yurub maadaama Kooxda ay sugeysa Koobkaas Muddo dheer
Maxaa ugu baaqeysaa Kooxda Chelsea iyo Masuuliyiinteeda maadaama wiilkaadii aad jecleyd uu Naftiisii ku waayey Taageerida Kooxda Chelsea "Wxaaan ugu baaqayaa Masuuliiyiinta Kooxda in ay sii laba laabto dadaalka ay ugu jirto hanashada Koobka,anigana haddii ay suurtagal tahay in Maamulka Chelsea uu ii fududdeeyo in aan si toos ah u daawado Ciyaarta dhexmareysa Kooxda Chelsea iyo Kooxda Bayer Munich ee dhici doonto 19 May wuxuuna ku soo gabagabeeyey Aabe Cabdirisaaq oo markaa Xirnaa Funaada Buluuga ah ee ay Caanka ku tahay kuna Asteysan Shirkadda SAMSUNG ee Kooxda Chelsea, waxaana wajigiisa laga dheehanayey Farxad isagoo ku qaylinayey Guul Kooxda Chelsea iyo koobka oo loo Hoyo Stanford Bridge (Chelsea Food Ball Club) hadaba Cidii dooneysa in ay la xiriirto Aabbe Cabdirisaaq waxay kala soo xiriiri karaan .
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )