" />

VIDEO Ciidamada Dowlada KMG oo Garabka helayo kuwa Midowga Africa ee AMISOM oo gudaha ugalay degmada Afgooye.

5/25/2012 7:46:00 P


wararkii ugu danbeeyey ee dagaalada oo gaaray dagmada Afgooye

Wararka ka imanaya goobaha dagaalka ayaa xaqiijinayo in ay ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM gaareen dagmada Afgooye isla maraakana ay gudaha u galeen xaafadaaha qaarkod tii yoo aan wax dadgaalka ah ka dhicin .

saraakiisha ciidamada isku dhafka ee AMISOM iyo kuwa Dowlada ee hogaaminaya dagaalada ay ku Jiraan Ciidamada xarakada Alshabaab ayaa sheegay goor sii horeysay in ay gudaha u galeen dagmada Afgooye waxaan la xirrinay dad ku sugan dagmada Afgooye oo arintaa inoo xaqiijiyey wuxuuna warku intaa ku darayaa in ciidamadu wax iska cabin ah kala kulmin gacan ku dhigida dagmada Afooge oo saacado uun hada ay ku sugan yihiin


arintaan ayaa ka danbeysay ka gadaal markii ay sheegeen saraakiisha Alshaab in ay sanmeeyeen dib u gurasho goob dagaal.
Gudaha magaalada Afgooye ayaa xaalad kacsanaan ah ku jidha waxaana laga maqlayaa risaas goos goos ah iyo qaraxyo aan la garaneynin halka y ka dhacayaan
Dagalka ayaa galaya maalin tiisii 4 aad waxaana dhanka dowlada sheeganeysaa in ay guulo ka gaareen inkasto ay jirto dhimasho iyo dhawac soo garay dhinacyada dagalada ku lugta leh iyo dad shacab ah intaba
Cidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ayaa wacad ku maray in ay dagaalka joojin doonin ilaa ay dalka ka sarayaan ciidamada xarakada Alshabaab waxayna dagalka ka soo bilaabeen wadada maka mukarama waxaana warar qaarkood sheegayaan in ay wadada aad shalaambood iyo markacaday ay ciidamadu u jiheysteen

Warar kale oo xiiso leh halkaan ka aqriso.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

Fikirkaaga hoos kadhiibo:





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com