Xaaji Maxamed Yaasiin oo ah musharaxa u taagan xilka madaxtinimadda Soomaaliya oo Muqdisho si heer sare ah loogu soo dhaweeyey ( DAAWO SAWIRADA )

6/8/2012 5:12:00 AM

Xaflad si weyn loo soo agaasimay laguna tageerayo musharraxa madaxtinada wadanka soomaaliya mudane xaaji mohamed



Xaflad si weyn loo soo agaasimay laguna tageerayo musharraxa madaxtinada wadanka soomaaliya mudane xaaji Mohamed yaasin ayaa lagu qabtay Magaalada Muqgadishu ,xafladdaan oo lagu taageeraayo musharax haaji Mohamed yaasiin ayaa waxaa sooqabanqaabiyay taageerayaashiisa .


munaasabadda waxa lagu daah furay aayadaha qur’aanka kariimka ah, ka horna intaan xafladdu si habsami u bilaabmin waxa isaguna kasoo qayb galayaasha uga warbixiyay ujeeddada iyo hadafka loo qabtay xafladda Mid ka mid ah taageerayaashiisa oo hormuud u ahaa gudiga  qabanqaabada ee xafladda wuxuuna Nusharaxa u rajeeyay inuu ujeeddadiisa iyo hadafkiisa ku guulaysto,intaas ka dib waxaa microfoonka lagu soo dhoweeyay xildhibaan maxamed Cumar Dalxa sagoo si guud uga warbixiyay taariikhda iyo sooyaalka musharrax AL-Xaaji mohamed yaasiin,wuxuuna u mahadceliyay dadkii soo qabanqaabiyay xafladda isla markaana sahlay inay sida quruxda badan udhacdo.


Xildhibaanka ayaa ku dheeraaday isla markaanaa faahfaahin ka bixiyey Wuxuuna shegay sida uu ugu faraxsanyahay kasoo qaybgalo xafladdaan lagu taageerayo musharrax haaji Mohamed yaasin.marti sharaftii kale oo iyaguna kelmadaha wanaagsan meesha kasoo jeediyay waxayna ku nuuxnuuxsadeen Waxyaalaha looga baahanyahay musharrax Mohamed yaasiin inuu u qabto bulshada soomaaliyeed khaasatan dhallinyarada haddii uu ku guulaysto xilka madaxtinnimo ee doorashada lagu ballansanyahay inay dhacdo bisha agoosto ee sannadkaan aynu ku jirno,waxana uu u rajeeyay musharraxa inuu noqdo mid dalkiisa iyo dadkiisaba u horseeda nabad iyo degganaansho,

Sheekh Maxamed Yaasiin iyo wafdi balaaran oo uu hoaaminayey ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey garoonka diyaradaha ee adan cade international airport ee magaalada Muadishu .


Sheekh Ayaa u soo diyar garoobey sidii uu uga qeybgali lahaa tartanka doorashada xika maxadweynenimo ee dalka waxaana Sheekh Maxamed Yaasiin Imaciil gagida diyaraha ee Mugadisho ku soo dhaweeyey xubno ka tirsan labada gole ee dowlada KMG Somaliya ,siyaasiyiin ,aqoonyahano saraakiil milatari dhalinyaro iyo haween


Musharaxa Sheekh Maxamed Yaasiin Ismaaciil ayaa la geeyey halkii u ka dagi lahaa magaalada Mugadishu waxaana xaflad soo dhaweeyn ah loogu dhigay halkaa isaga oo hadalo ka jeediyey


Sheekh Maxamed Yaasiin ayaa shaaca ka qaaday in dalku soo gaaray xiligii la qaban lahaa tartanka doorashada xilka madaxweynenimo isaga oo intaa ku daray in shacabka loga baahan yahay in ay doortaan cidii samata bixin loaheyd shacabka ay dagaaladu dashadeen isla markaana soo celin kara sharaftii iyo karaamadii ay lahaayeen shacabku ,


Magaalada Mugadisho ayaa waxaa ku soo badanaya musharaxinta u tartameysa xilka madaxtinimo ee dalka waxaana maalinba maalinta ka danbeysa sii kordheyso tirada musharaxiinta

















 



FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com