Ismaaciil hure buubaa oo ah Siyaasi ka soo jeeda Maamulka Somaliland oo ka mid noqday musharixiinta u tartameysa xilka MadaxweynenimadaSoomaaliya ( DAAWO SAWIRADA )
Musharaxaan munaasibad afuru iyo casho ah muqdisho ku qabtay wuxuuna sheegay hadafkiisa siyaasadeed isaga oo intaa ku daray uu yahay musharax u tartamaya qabashada jagada madaxweynenimo ee dalka
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ahna siyaasi rug cadaa ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii ka dambeeyay burburka ka dib ee KMG ahaa Ismaaciil Maxamuud Hurre {Buubaa} ayaa si rasmi ah ugaga dhawaaqay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya inuu yahay murashax u taagan xilka Madaxweynenimada Soomaaliya oo ay haatan u taaganyihiin u tartankiisa ku dhawaad 20-murashax oo qaarkood ay hadda xilal kala duwan ka hayaan dowladda KMG ee haatan jirta.
Xaflado balaaran oo uu uga dhawaaqayey musharaxnimadiisa Ismaaciil Maxamuud Hurre {Buubaa} ayaa waxay habeen hore siyaabo kala duwan uga kala dhaceen magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, iyadoo xafladdii ka dhacday magaalada Muqdisho uu uga qeybqaatay qadka taleefanka, wuxuuna sheegay in markii uu arkay xaaladda cakiran ee uu dalku marayo uu isku soo taagay xilka Madaxweynenimada Soomaaliya si buu yiri uu dalka iyo dalka Soomaaliyeed uga samatabixiyo dhibaatada heysata mudada dheer, wuxuuna intaasi ku daray inuu wax badan oo hormar ah uu dalka ku soo kordhin doono haddii uu ku guuleysto doorashada Madaxtimimada Soomaaliya.
“Waxaan aaminsanahay inaan ahay ninka keliya ee mideyn kara goob qur ahna isugu keeni kara gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfurta ee Soomaaliya, dhib badan ayey dadka kala tabanayaan, sida aad la socotaan dalka Soomaaliya waxaa dilay hogaan xumo, nin kasta oo la soo doorto waxa ugu horeeya ee uu diiradda saaraa sidii uu lacag u kasban lahaa iyo inuu u dhego nuglaado hadalada ka soo yeeraya beesha caalamka ee uma nego-nuglaadaan hadalada dadka Soomaaliyeed uga imaanaya, aniga waxaan idiin balanqaadayaa haddii aan ku guuleysto xilka Madaxweynenimada Soomaaliya inaan ku shaqeeyo rabitaanka dadka” ayuu yiri Ismaaciil Maxamuud Hurre {Buubaa}.
Si kasta oo ay ahaataba Ismaaciil Maxamuud Huure Buubaa waa ninka keliya ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee Soomaaliya oo isku soo sharaxay xilka Madaxtimimada dalka, mana dhici jirin 21-kii sano ee la soo dhaafay in siyaasi ka soo jeeda deegaanada maamulka Somaliland uu isku soo sharaxo xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, wuxuuna Mr. Buubaa uu qeyb ka noqonayaa murashixiinta faraha badan ee u taagan xilka Madaxweynenimada Soomaaliya oo haatan olole kala duwan ka wada gudaha dalka.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )