Ganacsade C/qaadir Cosoble oo maanta shaaciyay inuu yahay musharax Madaxweyne (DAAWO SAWIRO)
Munaasabad ballaaran oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, Xildhibaanadii hore ee Baarlamaankii KMG ahaa, odayaasha dhaqanka, haweenka,
Munaasabadda oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu soo bandhigay musharaxnimada jagada Madaxweynaha ee uu isku soo taagay Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali Jimcaale oo ka mid ah Xildhibaanada cusub ee dhowaan loo dhaariyay Baarlamaanka Soomaaliya iyo qorshaha ku aadan haddii uu guuleysto waxyaabaha u qorsheysan inuu ka qabto dalka Soomaaliya.
.jpg)
.jpg)
barbaarta gaashaaman iyo musharaxiin ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu qabtay Hotel Naasahablood2 ee magaalada Muqdisho.
Mas'uuliyiinta iyo madaxda ka hadashay munaasabadaas waxay sheegeen in burburkii dowladdii Milateriga kaddib uu dalka Soomaaliya soo maray marxalado kala duwan, kuwaasi oo isugu jiray dagaallo, burbur iyo barakac shacbiga Soomaaliyeed ku reebay musiibo aad u xun oo ay ka dhalatay gaajo, macluul, barakac, dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed isla markaasna dowladihii isaga dambeeyay 22-kii sano ee ugu dambeeyay ee soo maray dalka intii awoodooda ah la isku dayay in wax la qabto, hase yeeshee maanta dowladda xilligeeda dhammaaday waxay soo gaarsiisay shacbiga Soomaaliyeed meel laga tallaaba-qaadi karo, sida iyadoo dalka gudihiisa lagu doortay Xildhibaano Soomaaliyeed oo asaas u ah jiritaan dowladnimo, iyadoo tallaabadani ay ammaanteeda leeyihiin odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo soo xulay xubnaha Baarlamaanka ee saldhigga u ah dowladda rasmiga ah ee Soomaaliya.
Musharaxa jagada Madaxweynaha isku soo sharxay maanta Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo isna ka hadlay munaasabadaas ayaa sheegay in haddii uu ku guuleysto jagada madaxtinimada dalka wuxuu sheegay inuu wax weyn ka qaban doono arrimo badan oo ay ka mid yihiin:-
Nabadgelyada
Caafimaadka
Dib u dhiska
Dib u heshiisiinta
Maamul-wanaagga
Caafimaadka
Dib u dhiska
Dib u heshiisiinta
Maamul-wanaagga
Isagoo sheegay in qodobadaasi ay asaas u yihiin jiritaanka dowladnimo, wuxuuna yiri: "Haddii la i doorto afarta sano ee soo socota waxaan ku dhaqaaqi doonaa tallaabooyin cadcad oo kor u soo qaadi doona dhaqaalaha dalkaan burbursan, kuwaasoo ay ka mid yihiin: Mashaariic kala duwan, kaabayaasha dhaqaalaha dalka, horumarinta waxbarashada, dejinta qorshe kor loogu qaadayo dhaqaalaha gobolada iyo degmooyinka dalka si isku filnaansho loo gaaro.
Waxaa kale oo musharax C/qaadir Cosoble inuu wax ka qabanayo arrimaha amniga, "Amni-darrada waxay caqabad ballaaran ku tahay soo noqoshada qaranimada ummadda Soomaaliyeed, waxaana iga go'an inaan dhiso ciidan howl-kar ah oo leh agab hufan, dhaqaale iyo daryeel ku filan, tababaro lagu xaqiijinayo cadaalad iyo nidaam garsoor iyo waliba qorshe mideysan oo looga hortago falalka dembiyada ka dhaca badda iyo berriga" ayuu yiri Musharax C/qaadir Cosoble.
Waxaa kale oo musharax C/qaadir Cosoble inuu wax ka qabanayo arrimaha amniga, "Amni-darrada waxay caqabad ballaaran ku tahay soo noqoshada qaranimada ummadda Soomaaliyeed, waxaana iga go'an inaan dhiso ciidan howl-kar ah oo leh agab hufan, dhaqaale iyo daryeel ku filan, tababaro lagu xaqiijinayo cadaalad iyo nidaam garsoor iyo waliba qorshe mideysan oo looga hortago falalka dembiyada ka dhaca badda iyo berriga" ayuu yiri Musharax C/qaadir Cosoble.
Xildhibaan Musharax C/qaadir Cosoble waxaa kale oo uu sheegay in waxyaabaha uu qabanayo haddii uu ku guuleysto tartanka arrimaha dhinaca sharciga, kaasoo uu sheegay inuu yahay kan ugu sareeya dalka, hanti-dhowr Qaran oo la xisaabtama Dowladda, Ku dhaqanka habka wada tashiga, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta iyo inay ku shaqeyso dowladiisu rabitaanka shacabka iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Dhinaca kale munaasabaddaasi ayaa Barbaarta gaashaaman waxay ku soo bandhigeen ciyaaro hidaha iyo dhaqanka ah, shiribyo, guurow iyo maansooyin aad u soo jiitay dareenka ka qeyb galayaasha munaasabadaasi.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )