Kulan 3 geesood ah oo xalay qasriga madaxtooyada ku dhaxmaray Shariif Axmed jawaari iyo Xasan Sheekh Maxamuud
Kulan sedex geesood ahaa ayaa xalay ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia kaasoo dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ,
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Inkastoo shirku ahaa mid saxaafadu dibad joog ka ahayd ayaa hadana wararka hoose ee la helayo waxay sheegayaan in laga wada hadlay isbadalka ku yimid dowlada iyo sida shariif looga baahan yahay inuu Madaxweynaha cusub Dr.Xasan sheekh la shaqeeyo inta uu kala qabsanayo maamulka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof.Maxamed Sheekh Cusmaan oo rug cadaa ah ayaa la sheegay inuu ku dadaalayay sidii shaqadii madaxtooyada ka socotay ay u sii shaqeyso dar darna loo gelin lahaa sidaa daraadeedna uu ka codsaday Madaxweynihii hore inuu la gacan siiyo madaxweynaha cusub oo wali aan xilka wareejin.
Madaxweyne shariif oo wali qasriga madaxtooyada maamulaya kuna sugan ayaa xalay si weyn xafiiska madaxtooyada waxaa uu ugu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka halkaasoo ay wadahadalo gaar ah ku qaateen.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweynaha cusub uu aad ugu amaanay shaeiif horumarkii uu ka gaaray dhanka amaanka iyo horu socodka kale ee dowalada KMG ahayd.
Madaweynihii hore Shariif ayaa isna balan qaaday inuu la shaqeyn doono madaxwenaha cusub islamarkaana uu diyaar ula yahay inuu gacan ka siiyo wax kasta oo isaga uu uga baahan yahay.
Kulanka xalay ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee madaxweynaha cusubi uu la yeeho madaxweynihii hore marka la eego 24 saac kadib markii la doortay.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )