Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (Dr.Ashhad​) oo Bogaadiyey Madaxweyna​ha Cusub islamarkaa​na sheegey in uu yimid Waqti loo Baahnaa

9/13/2012 2:26:00 P

“Muddo Sagaal sanno ayaa sugayey is bedelkaan in uu yimaado , waxaanaii muuqata fursado badan oo aan DowladdaCusub kula Shaqeyn kara maadaama aanahay aqoonyahan doonayo in uu Dalkiisa u abaalguda islamarkaana aan ahaa qof wax ku soo bartey Canshuurtii dalka” ayuu yiriCabdulaahi Sheikh Xasan oo intaaraaciyey.


Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (Dr.Ashhad)  oo Bogaadiyey Madaxweynaha Cusub  islamarkaana sheegey in uu yimid Waqti looBaahnaa.

Dr Cabdulaahi Shiikh Xasan Caddow (Dr Ashhad ) oo ka mid ahAqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa si weyn uga Hadley is bedelkii ka dhacay Dalkagaar ahaan Doorashadii Madaxweynaha ee uu ku soo baxay Xasan Shiikh Maxamuudwaxaana ugu horeyntii uu Bagaadin u Direy Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya oouu sheegey in uu yahay Aqoonyahan yimid Waqti loo baahnaa.
“Muddo Sagaal sanno ayaa sugayey is bedelkaan in uu yimaado , waxaanaii muuqata   fursado badan oo aan DowladdaCusub kula Shaqeyn kara  maadaama aanahay aqoonyahan doonayo in uu Dalkiisa u abaalguda islamarkaana  aan ahaa qof  wax ku soo bartey Canshuurtii dalka” ayuu yiriCabdulaahi Sheikh Xasan  oo intaaraaciyey.
“Waxaan kula Talinayaa Madaxweyne Prof Xasan Shiikh Maxamuud in uu soo magacaabo Raiisul Wasaare karti lehoo dalka ka badbaadin kara dhibaatooyinka uu ku jiro ee dhinaca Nabada , Dib uheshiisiinta iyo Dhaqaalaha waxay Jiritaanka Dowladaada ku xiran tahay hadbasidaa u soo xulato Raiisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya”
Dr Cabdulahi Mar uu ka hadlayey arrimaha  Gobolka Banaadir waxaa uu u soo jeediyeyMadaxweynaha Cusub in uu isbedel ku sameeyo islamarkaana  tixigelin ka siiyo dadka reer Banaadiriga maadaamamuddo dheer lagu sameynayey Dulmi iyo Cadaaladdarro weyn , waxaa uu sheegey in  uu doonayo in aqoontiisa ku biiriyo arimahaGobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha Bulshadda iyo sidii dib loogu soo dhisilahaa kaabayaashii Gobolka Banaadir taasina waxay  u baahan tahay la tashi dheer.
Ugu Dambeyntii waxa uu sidoo kale Dr Cabdulaahi  Bogaadin u direyMadaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed   isagoo sheegey in uu wax weyn ka qabtey arrimahaAmaanka iyo dib u soo celintii kala dambeyntii waxaa uu sii raaciyey”Doorasho kam dhacdeen  Magaalada Muqdisho adiga ayaa sabab u ahaa inay taasi ay suurta gasho, dadaalkaasina waa mid uusan hilmaami doonin ShacabkaSoomaaliyeed  Taariikhda ku xusi doonto”
W/D AmiinYuusuf Khasaaro


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com