Ganacsade Al-jaabiri oo xoolaha ka dhoofin jirey gobolada dalka qaarkood oo lagu eedeeyey ......

9/13/2012 2:30:00 P

Maxakamada magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa dacwad ku soo oogtay ganacasade dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Sacuudiga,


kaas oo xoolaha nool ka dhoofsan jiray deegaanada maamulka Somaliland, kaas oo ay magaciisa ku sheegtay Sulaymaan Binu Saciid Ibnu Cabdoo Al-Jaabiri, waxayna maxkamaddu sheegtay in dacwad madini ah ay ka taalo ganacsadahaasi Maxkamadda magaalada Hargeysa.

Maxakamada ayaa sheegtay in Al-jaabiri lagu amrayo inuu ku yimaado maxakamada horteeda muddo 53-cisho ah, wuxuuna qoraalka ku goodiyey in haddi Al-jaabiri uu maxakamada horteeda ku imaanwaayo mudadaas loo qabtay inuu ka qaadi doonto talaabo sharicga waafaqsan oo la xidhiidha dacwaddiisa, waxaana la sheegay in Al-jaabiri loo heysto xoolo nool oo uu dhowr jeer dib ugu soo celiyey markab ka qaaday dekadda Bebera, sidoo kalena waxaa la sheegay inay dawacweeyeen ganacsatada xoolaleyda ah.
Ganacsade Al-jaabiri oo ah ganacsade weyn oo Sacuudiyaana ayaa magaalada Berbera ku leh laba Maxjar {Quarantine Centres} oo xoolaha la dhoofinaayo wadamada carabta caafimaadkooda lagu sii baadho.Aljaabiri ayaa ka mid ah ganacsatada waaweyn ee xoolaha ugu badan dalka sacuudiga u iibgeeya.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com