Shirkii Suxufiyiinta Afrika ee Amniga Suxufiyiinta oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa iyo Cumar Faaruuq Cusmaan iyo wafdi uu hogaaminayay oo .... ( DAAWO SAWIRADA )
Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay shirweyne looga hadlaayo Amniga Suxufiyiinta Qaarada Africa.
Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay shirweyne looga hadlaayo Amniga Suxufiyiinta Qaarada Africa. Kulankan oo ay si wada jir ah usoo abaabuleen Ururka Suxufiyiinta Africa ee loo yaqaano FAJ, midowga afrika iyo hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobay waxbarashada, dhaqanka iyo saxaafadda ee UNESCO ayaa waxaa kasoo qeyb galay wafuud ka kala socota 52 dal oo qaarada Afrika.
Shirkan oo ay sidoo kale kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin ka kala socotay QM iyo Midowga Afrika ayaa waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay looga hadlay sidii amniga suxufiyiinta Qaarada Afrika loo sugi lahaa loona cirib tiri lahaa dambiyada aan la ciqaabin ee ka dhanka ah Suxufiyiinta Qaarada Africa.
Xaaladda ka jirta dalalka Soomaaliya, Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo, Mali, Nigeria iyo Tunisia ayaa si qoto dheer looga hadlay maadaama ay yihiin dalalka loogu dhibaateyn badan yahay suxufiyiinta Afrika.
Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Afrika ahna Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan kaasoo sheegay in dhibaateynta iyo colaada lagu hayo suxufiyiinta Afrika ay sii kordheyso ayna ka jirto dalal badan ee qaarada Afrika dhibaato khatar leh oo aan loo dulqaadan karin.
Cumar Faaruuq waxaa uu sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay dalka loogu dilka badan yahay suxufiyiinta qaarada Afrika. Dalka Eritrea ayaa waxaa uu noqday halka lagu xabsi badan yahay suxufiyiinta Afrika, ayuu sheegay Cumar Faaruuq.
“Siyaasadda ku dhisan xag jirnimada iyo caburinta ayaa waxaa ay noqotay mid si joogta ah loogu isticmaalo suxufiyiinta Afrika. Tani waa midda aan ka arkayno dalkeyga Soomaaliya iyo dalka Nigeria oo bilihii ugu dambeeyay noqday meel lagu dhibaateeyo suxufiyiinta” ayuu ku daran Cumar Faaruuq.
Ahmed Max’ed Max’ud (Axmed Shaam) oo ah Xoghayaha Arrimaha Shaqada ee ururka NUSOJ ayaa kulanka kasoo jeediyay khudbad uu kaga hadlayay dhibaatada loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed.
“Dilka, xariga iyo cadowtida loo qabo wariyaasha Soomaaliyeed ayaa si aad ah usii korortay bilihii ugu dambeeyay”ayuu Axmed Shaam u sheegay shirkan asaga oo matalayay Ururka NUSOJ iyo dalka Soomaaliya. “Ma jirto cid loo xiray ama loo ciqaabay dhibaatada ay suxufiyiinta Soomaaliyeed u geysteen awadeed,” ayuu ku daray Axmed Shaam oo ay u wada istageen dhamaan ka qeyb galashaayasha shirka oo aad uga xumaa dhibaatada lixaadka leh ee loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Cumar Faaruuq Cusmaan iyo wafdi uu hogaaminayay oo ka
kala socday ururka suxufiyiinta adduunka ee IFJ, hay’adda UNESCO iyo ururka ururada shaqaalaha ee magaceeda loosoo gaabiyo ee ITUC ayaa kulan gaar ah oo ay albaabada u xiran yihiin la qaatay guddoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping si ay ugu wadahadlaan sidii si deg deg ah wax looga qaban lahaa dhibaatada sii kordheysa ee soo wajaheysa suxufiyiinta qaarada Afrika.
Gunaanadkii kulanka ayaa waxaa laga soo saaray qorsho howleed ay si wada jir ah u fulin doonaan ururka suxufiyiinta Afrika ee FAJ, Ururka suxufiyiinta Adduunka ee IFJ, midowga Afrika, hay’adaha QM oo ay ugu horeyso UNESCO. Cumar Faaruuq Cusmaan iyo guddoomiyaha midowga Afrika ayaa lagu wadaa in ay horgeeyaan qorshahan shirka QM ee looga hadli doono amniga suxufiyiinta adduunta ee dhawaan dhici doona.
Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa sidoo kale waxaa uu kaga qeyb gali doonaa bisha soo socota horaanteeda magaalada Algeriya ee dalka Algeriya shirka suxufiyiinta Carabta oo isna looga hadli doono amniga suxufiyiinta dalalka Carbeed maadaama Soomaaliya ay xubin ka tahay Jaamacadda Carabta.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



War-bixin sir Xiiso Leh: Duuliyeyaashii Shisheeye Iyo Kuwii Somaaliyeed Ee Qaybta Libaax Ka Qaatay Duqayntii Dhinca Cirka Ee Loo Gaystay Somaliland.Magacyada saraakiisha iyo duuliyayaasha
VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )