Xafladii Caleema saarka Madaxweynaha cusub oo la soo gabagabeeyey iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka si rasmi ah ula wareegay ( DAAWO SAWIRDA )
Waxaa goor dhow la soo afjarey xafladii caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya
Prof.Xasan Sheekh Maxamuud waxaana halkaasi khudbado kala duwan ka jeediyay Madax caalamka ka kala socotay iyo waliba madaxda Soomaalida.
Xaflada waxaa ugu horeyn khudbad ka jeediyay Ra’iuisulwasaarihii hore Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas kaasoo ugu horeyn amaanay shaqadii ay soo qabatay dowlada uu ka midka ahaa isagoo rajeeyay in dowlada cusub ay halkaasi ka sii wado.
“Dowlada cusub waxaan u rajeyneynaa inay sii wado wixii aan bilownay”ayuu yiri C/weli gaas.

Sidoo kale madaxweynihii hore shariif Shekh Axmed ayaa xaflada ka hadlay waxaana uu si rasmi ah ugu wareejiyay xilka madaxweyaha cusub ee Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale madaxweynihii hore shariif Shekh Axmed ayaa xaflada ka hadlay waxaana uu si rasmi ah ugu wareejiyay xilka madaxweyaha cusub ee Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horeyn salaamay mas’uuliyiinta ka socotay beesha caalamka Madaxweynaha dalka, Mudaneyaasha baarlamanka iyo dhamaan ka qeyb galashaasha munaasabadda caleemasaarka.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa u mahadceliyay ka qeyb galayaasha munaasabada waxa uunta tilaamay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah maadaama laga baxay KMG loona gudbay dowlad dhamestiran.
Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan sugida amaanka dalka lana shaqeeyaan ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku wareejiyay Madaxweynaha cusub Qabyo Qoraalka Dastuurka, Calanka Soomaaliya iyo waxyaabo kale, markii uu Sheekh Shariif ku wareejiyay Hidiyadaha Madaxweynaha cusub ayaa waxa ay Kooxda Baanbeyda ay Garaaceen Asaataanta Calanka waxaana dadkii ka qeyb galay ay qaadeen Heesta “Soomaaliyeey Tooso”.
dhanka beesha caalamka dhamaantood waxaa ay si isku mid ah u muujiyeen taageerada ay Dowlada cusub la garab istaaghayaan sidii dowladii horeba u saacidi jireen.
Ugu danbeyn Madaxweynaha cusub ayaa jeediyay khudbadiisii ugu danbeysay isagoo ugu horeyna salaamay dhamaan ka qeybgalayaasha oo ay ku jireen wufuud heer caalami ah oo maanta ka soo qeybgashay xaflada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi u ah shacabka Soomaaliyeed maadaama mudo ka badan 40 sano lagu doortay dalka gudahiisa Madaxweyne ay yeelato Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Prof Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo maanta ay dhaceysay caleemasaarkiisa ayaa ka hadlay gabagabada goobta ay ka socotay munaasabada waxa uuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay u tahay maalin weyn maadaama dalka ay ka dhacday doorasho xor ah.
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed dadaalkii uu u soo galay xasiloonida wadanka waxa uuna Madaxweynihii hore ku tilmaamay in uu wax badan ka badalay amaanka caasimada iyo gobolada dalka.
Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeexay in dowladda ay muhiimadda Koobaad siineyso amaanka iyo xasiloonada lana dhisayo hay’adaha garsoorka si shacabka ay u helaan cadaalad.
Sidoo kale Madaxweynaha mar uu ka hadlayay shaqa la’aanta ka jirto dalka ayaa sheegay in dowlada uu Madaxweynaha ka yahay ay shaqo u abuureyso dadka danyarta ah waxa uuna shacabka u balan qaaday in ay ku noolaanayaa amaan iyo nabad galyo buuxdo.
Mar uu ka hadlayay madaxweynaha xiriirka ka dhaxeeyo wadamada caalamka iyo Soomaaliya waxa uuna ugu baaqay beesha caalamka in ay ilgaar ah ku eegaan dalka, waxa uuna intaa raaciyay in ay dib u bilaabanayaan wada hadladii u dhaxeeyay maamulka Soomaaliland iyo dowladda.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



War-bixin sir Xiiso Leh: Duuliyeyaashii Shisheeye Iyo Kuwii Somaaliyeed Ee Qaybta Libaax Ka Qaatay Duqayntii Dhinca Cirka Ee Loo Gaystay Somaliland.Magacyada saraakiisha iyo duuliyayaasha
VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )