" />

VIDEO QaraxyoIsmiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay ayna ku geeriyoodeen wariyayaal iyo dad kale

9/20/2012 11:48:00


Ilaa 2 qarax oo ismiidaamin ahaa ayaa gilliy goob saxafiyiin iyo dad kale ay ku shaahayeen oo ka soo horjeedo golihiim murtida iyo madadaalada ee national tiyaatarka ee magaalada muqdisho.

Jugta qaraxa ayaa marqura laga warhelay iyo uuro madow oo cirka isku shareertay.
Qaraxa hore ayaa ka dhacay gudaha baarka halka midka 2aadna uu ka dhacay goobtii lagu qaxweynayey halkaa oo ay ku sugnaayeen wariyayaasha geeriyootay iyo dad kale .
Qaraxyadaan ismiidaaminta oo ahaa labo isdba joog udhacay ayaan inta la og yahay waxaa kun geeriyooday 3 wariye oo kala ahaa cabdisataar daahir sabriye iyo liibaan cali nuur oo labaduba ka tirasanaa wariyayaasha tv-ga idaacada qaranka iyo c/raxmaan yaasiin oo ahaa agaasimaha idaacada radio xamar .waxaana sidoo kale ku geeriyooday 5 ka mid ahaa shaqaalihii maqaayada iyo tiro kale oo ku u dhaaftay ilaa 14 ruux ayna ka mid ahaayeen ragii ismiidaamiyey
Waxaana jiro tiro intaasi aad uga saraysa balse dadka ku waxyeeloobay qaraaxyadaan ayaa u badnaa wariyeyaasha oo ay ahayd goob ay isugu imaan jireen. 

Allaha u naxariistee, qaraxyadaasi dadka ku dhintay waxaa ka mid ah Liibaan Cali Nuur oo ahaa madaxii wararka ee Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, Cabdi Sataar Daahir Sabriye oo ahaa madaxii barnaamijyada Telefishinka Qaranka, Cabdiraxmaan Yaasiin oo ahaa agaasimahii Radio VOD, waxaana ku dhaawacmay wariyeyaal kale iyo dad rayid ah oo aad u tira badan, kuwaasi oo la geeyay goobo caafimaad.

Markastaba waxaa isa soo taraya tirada dhimasho iyo dhaawac ay geysteen qaraxyadani
Inta badan qaraxyada iyo dilalka ayaa saameyn weyn ku yeesha qeynaha kala duwan ee bulshada haba ugu badnaado wariyayasha

Warar kale oo xiiso leh halkaan ka aqriso.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

Fikirkaaga hoos kadhiibo:





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com