Warbixin dheeraad ah oo ka soo baxaysa qaraxii ka dhacay Muqdisho ee ay ku dhinteen siyaasiyiin, wariyeyaal iyo dad kale.(DAAWO SAWIRADA NAXDINTA LEH iyo VIDEO )
Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee xalay maqribkii ka dhacay Maqaaxi ku taala Gurigii Hooyooyinka ka soo horjeedka Tiyaatarka Muqdisho ayaa dadka ku dhintay ay tiradooda sii korodhay
Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee xalay maqribkii ka dhacay Maqaaxi ku taala Gurigii Hooyooyinka ka soo horjeedka Tiyaatarka Muqdisho ayaa dadka ku dhintay ay tiradooda sii korodhay
waxaana la sheegayaa in 18 ruux ay gaarayaan dadka dhintay.
Labo qof oo naftood ku xirxiray walxaha qarxa ayaa waxay ka geysteen maqaaxidaasi labo qarax oo daqiiqado is xigxigay fuliyey qaraxyada.
Dadka dhintay ayaa isugu jira saxafiyiin, siyaasiyiin, shaqaalo hay’ado samafal, shaqaalaha Maqaaxida iyo dad shacab ah,
waxaana dadka dhintay ka mid ahaa Liibaan Cali Nuur oo ahaa Madaxa Wararka Telefishinka Qaranka, C/sataar Daahir Sabriye oo ahaa Madaxa Barnaamijyada Idaacadda iyo Telefishinka Qaranka, C/raxmaan Yaasiin oo ahaa agaasimihii Idaacadda VOD ee magaalada Muqdisho.
waxaana dadka dhintay ka mid ahaa Liibaan Cali Nuur oo ahaa Madaxa Wararka Telefishinka Qaranka, C/sataar Daahir Sabriye oo ahaa Madaxa Barnaamijyada Idaacadda iyo Telefishinka Qaranka, C/raxmaan Yaasiin oo ahaa agaasimihii Idaacadda VOD ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale dadka ku dhintay qaraxaas ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan aan wali la dhaarin oo lagu magacaabo Maxamed Xersi Dhuunkaal, Siyaasiga Maxamed Yarow oo horay u soo noqday Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, labo shaqaale Hey’ad Samafal, saddex shaqaalaha baarka iyo dad kale oo shacab ah oo maqaayadda ka qaxweynayay.
Qaraxaa oo ay geysteen labo ruux oo ismiidaamiyay ayaa waxaa la sheegayaa in mid ka mid ah uu is qarxiyey markii uu qaraxa koowaad dhacay isagoo dadkii soo cararay ee argagaxsanaa u istaagay albaabad hore ee maqaaxida si aanay qofna uga baxsan, waxayna saraakiisha ciidamada dowladdu sheegeen in uu jiray mid kale oo bambooyinka gacanta ku hubeysnaa oo isna Bamam tuuray kaasoo la sheegay in uu baxsaday.
Wariyayaasha Qaraxa ku dhaawacmay oo tiradooda iyagana gaarayay ku dhawaad 10 ruux ayaa waxaa ka mid ahaa C/qaadir Axmed Timoos oo Radio Muqdisho u shaqeynayay, Maxamed Bishaar oo Radio Mustaqbal u shaqeynayay, Maxamed Xuseen Jentelman oo Radio Muqdisho u shaqeynayay, C/kariin Guutaale oo Radio VOD u shaqeynayay, C/llaahi Maxamed Cali (Suldaan) oo Radio Kulmiye u shaqeynayay iyo kuwo kale.
Goobta qaraxa ka dhacay ayaa waxay ahayd Maqaaxi ay inta badan ku kulmaan wariyayaasha xilliyada ay wararka raadinayaan iyo marka ay shaqooyinka soo gutaan si ay ugu kala war qaataan, iyadoo sidoo kale ay isugu tagi jireen siyaasiyiin iyo shaqaalaha dowladda iyo weliba dad rayid ah.
Qaraxan oo ah midkii ugu qasaaraha badnaa ee goob kaliya ka dhaca tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa jiray in xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho madaafiic lagu garaacay habeen hore, weerarkaasoo dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.




VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )