Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Ka Qayb Galay Dibad Bax Lagu Taageerayo Xukuumadiisa ( DAAWO SAWIRADA )

11/8/2012 4:33:00 P

Isu soo baxaan ayaa waxaa garwadeen ka ahaa haweenka ku dhaqan magaalada Muqdisho waxayna ku muujinayeen tageerada ay u hayaan xukuumadda cusub waxayna fariin u direen Xildhibaanadda Baarlamaanka




















Khamiis, 08, Nov, 2012….Banaanbax uu soo qaban qaabiyey Gobolka Banaadir laguna taageerayo xukuumadda cusub oo ay ka soo qayb galeen kumanaan qof oo ka kala socday xaafadaha Gobolka Banaadira ayaa lagu qabtay Garoonka Ciyaaraha ee Koonis waxaana goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, Ururada Haweenka, Saraakiisha Ciidanka, Barbaarta Gaashaaman, Fanaaniin iyo Bulshada Qaybaheeda kal duwan, l.


Isu soo baxaan ayaa waxaa garwadeen ka ahaa haweenka ku dhaqan magaalada Muqdisho waxayna ku muujinayeen tageerada ay u hayaan xukuumadda cusub waxayna fariin u direen Xildhibaanadda Baarlamaanka taas oo ka turjumaysa sida weyn oo ay u taageersan yihiin shacabka Soomaaliyeed tirade yar ee golaha wasiirada.

Gudoomiyaha Haweenka Soomaaliyeed Marwo. Batuulo Sh. Axmed ayaa goobta ka sheegtay in xukuumadaan cusub si weyn u taageersan yihiin haweenka Soomaaliyeed saami wanaagsan ay ka heleen, taas oo aan looga baran inay ka helaan xukuumadihii ka horeeyey oo wasiiradu ka tiro badnaayeen xukuumadaan, waxayna hoosta ka xariiqday Marwo Batuulo inaysan harsan doonin ilaa iyo inta laga ansixinayo xukuumadda.
Sidoo kale gudoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane: Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in isabadlkii ka dhacay dalka uu saamayn ku yeeshay dhamaan hay’adaha dowaladda.
“Waxaa dalkaan caado ka noqotay in la yiraahdo muraayada iskama dhex arko, habel ayaa laga tagay, looma dhama, dhamaan arimahaas waxaa soo afjaray isbadalka dalka ka dhacay, waxaan kula dar daarmayaa Xildhibaandda Baarlamanka iyagoo fiirinaya kulana xisaabtamaya barnaamijka ay xukuumadu u keento inay danta guud fiiriyaan oo ay ansixiyaan xukuumada cusub oo aan dalka horay looga baran in la dhiso xukuumad sidaan u tiro yar, waxaana makhraati ka tihiin in xukuumadiihii hore oo tirada badnaa laga dhaxlay Dib u dhac, Karti Xumo, Khilaaf aan Dhamaanayn, Colaad, Xatooyo, Dhaqaalo Xumo, iyo Cadaalad Daro”
 Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu go’aan saday inuu ka dhabeeyo isbadalka kana shaqeeyo sidii dalka loo hormarin lahaa iyadoo caqabad kasta oo timaadana looga gudbayo is qancin iyo wada tashi, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey in Xildhibaanadda Baarlamaanka ay xukuumadiisa ansixin doonaan iyagoo tixgalinaya dareenka shacabka iyo barnaamijka xukuumadu u dajisay in wax looga qabto dhibaatooyinka ragaadiyey dalka.

Warar kale oo xiiso leh halkaan ka aqriso.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

Fikirkaaga hoos kadhiibo:





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com