Bandhig loo samaynayay Buug Saxaafadeed Cusub oo ka dhacday Karachi, Pakistan ( DAAWO SAWIRADA )
Bandhigga Buug Saxaafadeed Cusub
Xaflad lagu daah furayay buug ay kuqoran yihiin casharo iyo tababarro saxaafadeed , laguna qoray Afka Soomaaliga ayaa lagu qabtay magaalada Karachi ee Koonfurta Pakistan.
Buuggan oo lagu magacabo “ Wehelka Weriyaha” , waxaa qoray C/qaadir C/laahi Cismaan (Farayaamo), waana buug, tabobar saxaafadeed si faah faahsan uga hadlaya qodobo saxaafaxaded oo wax tar u leh saxafiyiinta Somaaliyed.
Kulankan lagu daah furayay buuggan cusub oo ay kasoo qayb galeen, qaar kamid ah waxgaradka iyo ardayda kunool magaalada Karachi ee Pakistan ayaa lagu soo bandhigayay faa’iidada buuggan u leeyahay saxafiyiinta Soomaaliyeed ee mihnaddooda saxaafadeed jecel.
Qoraaga buuggan C/qaadir Farayaamo oo sharaxayay sababta ku dhalisay qoridda buuggan ayaa marka hore u mahadceliyay shirkaddii buuggan daabacday ee SCANSOM PUBLISHERS oo uu sheegay inaysan wax shuruud ah ku xirin daabacaadda buugga markii ay garawsatay codsigii ahaa caawinta saxafiyiinta Soomaaliyeed.
Qoraagu wuxuu dhinaca kale sheegay in markii uu arkay baahida loo qabo in saxafiyiinta la siiyo tabobar wax ku’ool ah oo kusaabsan dhinacyada, qoraalka aasaasiga, qoraalka warka , anshaxa saxaafadda, doorka saxafiga , sixidda khaladaadka farsamo ee soo laa laabta uu bilaabay aruurinta buuggan , wuxuu kaloo xusay in khibradda dheer ee uu saxaafadda u lahaa iyo fursad jaamacadeed oo uu helay inay ka caawisay in arimaha ay saxafiyiintu aadka ugu baahan yihiin inuu ogaado , soona bandhigo.
C/qaadir ayaa xusay in waqtiga uu buuggani kusoo aaday ay tahay mid baahi wayn loo qabo, asagoo ka dhawaajiyay in saxafiyiintu ay aad ugu baahan yihiin buugag noocan oo kale ah, tabobaro ka duwan asagoo soo jeediyay in qaabka loo qabto tabobarada saxafiyiinta la tayeeyo, isla markaana la qiimeeyo in saxafiyiintu casharada sidii la rabay u qaateen, ee kaliya lagu ekaan in casharadii la baxshay .
Dhinaca kale kasoo qayb galayaashii kulanka Daahfurka Buugga ayaa fursad muhiim ah ku tilmaamay in buuggan saxaafadda ka hadlaya uu wax wayn ka badali karo tayada saxafiyiinta Soomaaliyeed ..
Waxay sidoo kale saxafiyiinta Soomaaliyeed ku dhiiri galiyeen inay tallaabadan oo kale qaadaan, kana faa’iidaystaan qodobbada kuqoran buugga oo u muuqda kuwo la jaanqaadaya marxaladda maanta iyo baahida saxafiyiinta.
Qaar kamid ah kasoo qayb galayasha ayaa dawladda Soomaliya usoo jeediyay inay muhiim tahay in la laba laabo xirfadda saxafiyiinta , si booska ay uga baxdo , khaladaadka farsamo iyo midka sharci ama anshax ee ay saxafiyiintu la yimaadaan.
Qoraaga buugga mar lawaydiiyay qaabka buuggan lagu gaarsiin karo dalka Soomaaliya ayuu sheegay in waqti dhow la gaarsiin doono magaalooyinka waawayn ee Soomaaliya marka xigana la fududayn doono in qof walba oo saxafi ah uu helo.
Aadan Suxeyfa
Karachi, Pakistan

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )