Maalinta Aidska Aduunka oo dalka iyo dunida laga xusay

12/1/2012 2:53:00 P

inta badan barnaamijyada nocaan oo kale ah ayaa lacago badan xusidooda looga cunaa hey.adaha UN ka iyo kuwa kale oo ka shaqeeyo arimaha bulshada


1- december oo loo asteeyay maalinta Aidska Aduunka Ayaa barnaamijo wacyi gelin ah iyo Munasabado lagu maamuusayay maalinta cudurka dilaaga ah H.I.V  Aids-ka waxaa lagu qabtay magalada muqdisho.

Munaasabad uu soo qabanqaabiyay ururka ladagaalan ka Aidska ee Scac oo loogu dabaal degayay maalinta Adiska aduunka ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowlada iyo ururo ay ku midoobeen dadka la nool xanuunka iyo masuuliyiin ka kala socotay ururada bulshada rayidka ee ka howlgala gudaha dalka.
Munaasabada oo ay qudbado ka jeediyeen Masuuliyiintii kala duwanaa ee ka qeyb galay ayaa qaar ka mid ah dadka la nool xanuunka oo halkaasi ka Hadlay waxay baaqyo kala duwan u jeediyeen Bulshada Somaliyeed iyagoona ka codsaday madaxda dowlada inay daryeelaan oo ay dhaqaale u ururiuyaan dadka la nool xanuunka.
Dhinaca barnaamij balaaran oo wacyi gelin ah oo lagu maamuusayay maalinta aidska aduunka ayaa qoysaska barakacayaasha waxaa loogu qabtay xarun lagu quudiyo dadka Barakacayaasha ah oo ku taala agagaarka Tarabuunka ee  Magalada Muqdisho.
Barnaamijka oo qoysaska barakacayaasha lagu barayay sida looga hortagi karo qaababka lagu kala qaado iyo ka hortaga faafida cudurka.
Masuuliyiintii musanabada ka qeyb galay oo halkaasi qudbado ka jeediyay ayaa waxay ka warbixeen  ujeedada Barnaamijka Wacyi gelinta.
 inta badan barnaamijyada nocaan oo kale ah ayaa lacago badan xusidooda looga cunaa hey.adaha UN ka iyo kuwa kale oo ka shaqeeyo arimaha bulshada

Warar kale oo xiiso leh halkaan ka aqriso.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

Fikirkaaga hoos kadhiibo:





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com