Excontarolka Afgooye oo gaadiidku ku marayaan si nabad ah mana jirdho wax lacago ah oo laga qaadayo

12/2/2012 9:55:00 A

Maalmihii ugu danbeeyey ayaa waxaa soo badanayey qaadida jidgooyooyinka iyo shiraraka lagu tageerayo Go,ankii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud


Wararka haatan naga soo gaaraya Ex-control Afgooye ayaa waxay  sheegayaan in ciidamadii dowladda ee ku sugnaa nawaaxiga  halkaasi ay ka socoto howlo lagu qaadayo isbaaradii lacagaha lagu qaadan jirey isla makrnaa lagu sugayo amaanka guud .

Taliyaha cidamada Dowmada ee excontrolka Afgooye ayaa saxaafada u sheegay in ciidamadu amaanka sugayaan isaga oo intaa ku daray in cidamadii deegaanka ama dowlada hoose ee xamar fuliyeen amarkii madaxweynaha isla markaana albaabad iskuugu dhuftray xafiisyadii buushashka ka sameysnaa ee lagu qaadi jiray lacagaha leejada ah wuxuuna intaa ku daray in ay soo qabqabteen ciidamo ku howlanaa falala amaandaro.
Axmed Yare oo ah Afhayeenka ciidamada Ex-control Afgooye ayaa inoo sheegay in ay qabteen ciidamo gaadiidka baad ka qaadi jiray kuwo kalena ay baxsadeen hase ahaatee ay haatan ku raad joogaan.
Dhanka kale ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ilaa iyo Afgooye waxay ka wadaan howlgalo aad iyo aad u xoogan islamarkaana ka dhan ah ciidamada Isbaarada halkaasi ku qaata.

Warar kale oo xiiso leh halkaan ka aqriso.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

Fikirkaaga hoos kadhiibo:





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com