Xukumada Cusub oo sheegtay in dib loo eegi dooono dhamaan goboladii iyo dagmooyinkii uu magacaabay shariif Sheekh Axmed
ariamaha doodu ka tagan taagan tahay ayaa waxaa ka mid ah dagmooyinkii uu magacabay ,darajooyinkii uu bixiyey madaxweynihii hore iyo hadii ay jiraan hanti doowladeed uu sahqsiyaad siiyey
Wasiirka arriamaha gudaha ee dowladda cusub ee Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay markii ugu horeysay in go’aan kama dambeys ah laga gaari-doono goboladii iyo degmooyinkii ay magaacwday dowladdii KMG aheyd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed, wuxuuna intaasi ku daray wasiirku in Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay arrintaasi go’aan ka gaari-doonaan, isla markaasna uu jiri-doono sida uu yiri nidaam cusub oo loo sameynayo gobolada iyo degmooyinka dalka.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha ku saabsan waaxda socdaalka gaar ahaan wararka ku aadan in baasaboorka Soomaaliya uu gacanta u galay dad ajnabi ah iyo saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab, waxaana isagoo arrintaasi ka hadlaya uu yiri wasiirku “Baasaboorka Soomaaliya waa mid la isku haleyn karo hadda, wuxuuna buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa, markii la i magacaabay goobihii ugu horeeyay ee aan tagay waxaa ka mid ahaa waaxda socdaalka waxaana baaritaan ku sameeyay sida uu u shaqeeyo baasaboorka Soomaaliya iyo eedaymaha loo jeedinayo waaxda socdaalka, waxaana ogaaday in Baasaboorka Soomaaliya uu yahay xilligan mid la isku haleyn-karo”.
Wasiirku wuxuu difaacay dhaqaalaha ka soo xarooda baasaboorka oo uu sheegay in sanduuq gaar ah oo ay dowladdu leedahay ay ku dhacaan, isla markaasna aysan jirin lacago la lunsado, isagoo aan soo hadalqaadin eedaymo horay loogu jeediyey in lacagaha dowladda qaarkood la lunsado, gaar ahaan kuwa baasaboorka.
Dhinaca kale wasiirka mar la weydiiyey arrinta magaalada Kismaayo oo uu muran badan ka taaganyahay maamul u sameynteeda ayaa waxa uu sheegay in Jubbada hoose iyo gobolada kale ee dalku ay isku mid yihiin, isla markaasna loo wajihi-doono maamul u sameynta Kismaayo sida gobolada kale ee dalka loo wajaho, gaar ahaan kuwa soo gala gacanta dowladda Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in maamulka loo sameynayo Kismaayo ay ka tashanayaan dowladda iyo dadka goboladaasi degan.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )