Somalida Qaxootiga ah ee Ku Nool Dalka Ethiopia Oo ka Cabanaya Culeysyo Kasoo wajahay Dowladda Dalkaasi.
Mid ka mid ah Qaxootiga Somalida ah ee Jooga Adis Ababa Isla Markaana helay Viisahiisii Safarka ayaa la hadlay Saxafiyiin aan ka mid ahaa waxa uuna sheegay in uusan Awoodin xitaa lacagtii uu ku jaran lahaa Saas oo ay tahayna ay dowladda Ethiopia ugu dartay culeys ah in uu bixiyo 15,000 kun oo birta dalkaasi ah taas oo ay ku sheegeen Ganaaxa.
Dalka Ethiopia waxa uu ka Mid yahay wadamada Dariska la ah Somaliya oo ay u Qaxeen Malaayiin Somali Qaxooti ah waxii ka danbeeyay Sanadii 1991-kii Xiligaas oo uu Dalka Somaliya Bur Burka ku Bilowday waxaana Somalidaasi Qaxootiga ah badi ay Dageen Xerooyin Qaxooti oo ay Sameeyeen Hay’adaha UN-ka u Qaabilsan Arimaha Daryeelka Qaxootiga Caalamka.
Dadkii Dagay Xeryaha Qaxootiga ee Ethiopia ku yaalay oo ahaa kuwo leen suge yaal ah si ay u Gaaraan Dalalka Yurub iyo Ameerika una Helaan Nolol ka duwan tii ay ku jireen ayaa waxa ay badi ku jireen Xaalad Walaac ah Maadaama Qaarkood Sharuudo Agad lagu Xiray Dhoofitaankooda.
Sidaas oo ay tahay hadana waxaa Dowladda Ethiopia ay bilowday Qaawaaniin cusub oo ku wajahan Somalida dalkaasi jooga Marka ay fiisaha Dhoofkooda helaan Taas oo keentay in ay Qeylo dhaan Afka furtaan.
Sharcigan ay soo Rogtay dowladda Ethiopia ayaa ah in qof walba ee hela Viisahiisa saafarka laga qaado lacag dhan 15,000-Kun oo Birta lacagta dalkaasi laga isticmaalo ah taas oo u Dhiganta $825-Dollarka Mareykanka ah taas oo ay ku sheegeen in ay Tahay Lacag Ganaax ah Qofkii Bixin waayana uusan ka Baxeynin Dalkaasi.
Mid ka mid ah Qaxootiga Somalida ah ee Jooga Adis Ababa Isla Markaana helay Viisahiisii Safarka ayaa la hadlay Saxafiyiin aan ka mid ahaa waxa uuna sheegay in uusan Awoodin xitaa lacagtii uu ku jaran lahaa Saas oo ay tahayna ay dowladda Ethiopia ugu dartay culeys ah in uu bixiyo 15,000 kun oo birta dalkaasi ah taas oo ay ku sheegeen Ganaaxa.
“Magaranayo sababta loo Ganaaxayo qof Qaxooti ah oo asigaba Magan galyo ka helay dal shisheeye ah mana awoodaan hadii daacad loo hadlo Qaxootigan in ay iska bixiyaan Tikid iyo lacagta ganaaxa ah”ayuu ku Cataaway qofkani ii waramay waxa uuna sheegay in ay codsi u dirayaan dowladda Somaliya hadii ay awoodo in ay arimahaasi kala hadasho.
Sidoo kale waxa uu ii sheegay in ay sii badanayaan dadka u xayirmaya bixinta lacagtaas darted isla markaasna aan awoodin ee xaalad wal wal ah ku nool ayaga oo heysta visa ay sugayeen sanado badan.
Ugu danbeyn Dadkan Somalida ah ee u xayiran Bixinta lacagahaasi aysan awoodin ayaa waxa ay cod dheer codsi ugu dirayaan dowladda somaliya iyo Beesha caalamka Gaar ahaan hay’adda Q.M u Qaabilsan Qaxootiga aduunka ee magaceeda loosoo Gaabiyo UNHCR.
Mohamed Husein
Khartoum Sudan

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )