Hayadda South Central Aids Commission (SCAC),oo Xustey Maaalinta AIDS-ka Adduunka Halku dhiga Sannadka ( DAAWO SAWIRADA )
In la Waayo Qof Cusub oo uu ka Dhaco Xanuuka HIV . In la waayo Faquuqid iyo Takoorid . In la waayo Qof u Dhinta Xanuunkaas
Xaflad si heer sare ah loo soo Agaasimey isla markaana lagu Xusayey Maalinta Aids-ka Adduunka kuna beegneyd 1-da December 2012 ayaa wqxaa lagu qabtey Hatel Amabasadoor ee Magaalada Muqdisho waaana ka qaybgaley Xildhibaano , Masuuliyiin ka soctey Hayadaha Caalamiga ah , kuwa la shaqeeye Hayadda South Central Aids Commission (SCAC),Culamaudiin, , Dhalinyaro , Haween , dadka la Nool Xanuunka HIV iyo Marti Sharaf kale .
Ugu Horeyn waxaa halkaa Warbixin ka soo Jeediyey Gudoomiyaha hayadda SCAC Axmed Maxamed Jimcaale oo si faahfaahsan ugu dheerdaadey Waxyaabihii u qabsoomey Sannadkii tagey iyo Caqabadihii ka Horyimid isagoo sheegey in Dadka la nool Xanuunka HIV ay u baahan yihiin Daryeel Dheeraad isagoo farta ku fiiqey Dowlada Federaalka oo uu sheegey in ay si aad ah uga gaabiyeen Wax u qabashada dadkaas aad ugu Nugul
Mudane Jimcaale Waxaa uu sheegey in Sannadkaan uu Halku dhigo uu yahay in Saddex Qodob Xooga la saaro waa mida u horeysa, in la waayo Dad Cusub oo uu ku dhaco Xanuunka HIV-ga , In la waayo Faquuqid iyo Takoor loo geysto dadka Xanuunka Xamabaarsan iyo In la waayo dad u dhinta Xanuunka HIV , Sidoo kale waxaa uu sheegey in loo baahan yahay in lagu dhaqmo Oraahda Oroneysa ( Si Wanaagsan u Ogow , Si Wanaagsan u Noolow ) Waxaa uu sheegey in dadka qaba Xanuunkaas ee Sannadkii Tagey 2011 Caalamka waa 34 Milyan Dadka uu ku dhacay ee qaadey waa 2 Milyan iyo Bar Dadka u Dhintey waa 1 Milyan iyo Todobo Boqol oo qof ,
Waxaa kaloo halkaas ka Hadley Nasteexo Faarax Cilmi oo ka mid ah Dadka la nool Xanuunka HIV waxayna sheegtey in Dowlada Federaalka Soomaaliyeed aysan meel marin balan qaadyo ay hore u sameeyeen , waxayna u soo jeedisey Dowlada Cusub in ay Il gaar ah ku eegto Dadka la nool Xanuunklaas maadaama ay yihiin dad aad u jilicsan una baahan daryeel Joogto ah , waxay si gaar baaq ugui jeedisey Xildhibaanada Baarlamaanka maadaama ay yihiin Wakiilada Shacabka Soomaaliyeed mid jiran iyo caafimaad qaba iyadoo ugu baaqdey in ay Mushaarkooda qayb aad u yar ugu Tababrucaan Bahda la nool Xnauunkaas.
Xildhinaana Cismaan Libaax oo ka Hadley Munaasabadaas maalinta Caalamiga ah ee HIV/AIDS –ka ayaa waxaa uu balan qaadey in Cabashada ka soo yeertey dadka la nool Xanuunklaas uu u Gudbin doono Baarlamaanka Soomaaliya si ay u helaan Daryeel Dhinac waliba leh , isago sheegey in maanta wixii ka Dambeeye in uu jeebkiisa tababruc ka Bixin doono kuna dhiirigelin doono Saaxiibadiisa kale ee ay ku wada jiraan Barlaamaanka
Waxaa kaloo halkaa ka Hadley Xubno ka socdey Wasaarada Caafimaadka, Hayada WHO , Hayadda IOM, Hayada OSPAD , Gudoomiayaha Dalada Dadka la nool Xanuunka HIV waxayna dhamaantood ay sheegeen in ay Daryeel Buuxa u fidin doonaan Dadkaas la nool Xanuunkaasi iyagoo ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed in ay dadkaas daryeelaan islamarkaana waxaa halkaas lagu soo bandhigey Account Lambar oo ah 5051 ee Xawaalada Dahabshiil hadaba shacabka Soomaaliyeed waxaa lagu Wargelinayaan in Account-kaas wixii ay Awoodaan ku ridaan si loogui Daryeelo dadka la nool Xanuunkaas
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )