VIDEO Isbaheysiga Nabada Soomaaliyeed Ujeedo:Oo Xaalada Dalku Marayo Warsaxaafadeed Ka Soo Saaray ( DAAWO SAWIRADA )
Gudoomiyaha Isbaheysiga nabada Soomaaliyeed siyaasiga C/llaahi Shiikh Xasan oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dhaliilo kala duwan oo ku saabsan dhinacyada siyaasada, amaanka iyo arrimaha bulshada u soo jeediyey dowlada Somalia isagoo dhinaca kale u soo bandhigay talooyin.
C/llaahi Shiikh Xasan ayaa intaa ku daray in Isbaheysiga Nabada Soomaliyeed markii uu arkay xaalada dalku marayo ee dhinacyada Amniga, siyaasada dibada iyo tan gudaha, markii uu arkay karti darada Madaxda talada la wareegtay ee looga fadhiyay iney isbedel keenaan uu go’aansaday inuu farta ku fiiqo qaladaadka jira si loo saxo.
Isbaheysiga nabada Soomaaliyed oo dhaliilay waxqabadka dowlada Somalia, talooyina u soo jeediyey Waxaa gacanta kabaxay qeybo badan oo dalka ka mid ah; sida gobolada Jubooyinka oo ey gacanta ku heyso Dowlada Kenya iyo Jabhada Raas-kambooni oo aan dowladda Federaalka ka mid aheyn
Isbaheysiga nabada Soomaaliyed oo dhaliilay waxqabadka dowlada Somalia, talooyina u soo jeediyey Waxaa gacanta kabaxay qeybo badan oo dalka ka mid ah; sida gobolada Jubooyinka oo ey gacanta ku heyso Dowlada Kenya iyo Jabhada Raas-kambooni oo aan dowladda Federaalka ka mid aheyn
“Madaxweynaha waxaa uu kursiga ku tegay 4.5 iyo doorasho Baarlamaani ah ee kuma imaan nidaamka asxaabta badan waxaa nasiib daro ah in ragga hadda xubnaha ka ah xukuumada ay u badan yihiin hal xisbi taasna waa qalad loo baahan yahay in la saxo” ayuu intaa ku daray C/llaahi Shiikh Xasan
Dhinaca kale, Siyaasiga C/llaahi Shiikh Xasan ayaa shirkiisa jaraaid ku sheegay in amaanka goobaha ay dowladu gacanta ku heyso uu soo xumaaday wixii ka dambeeyey markii isbedelka siyaasadeed uu ka dhacay dalka.
“Illaa hadda ma jiro qorshe amaanka la xiriira oo dowladu soo bandhigtay, waxaana la marayaa in saddex wasiir gaar ahaan kuwii amniga qaabilsanaa sida wasiirkii arrimaha gudaha iyo Gaashaandhiga oo Marko tegay lagu weeraray jidka ayna sababtay in ay ku soo laaban waayaan xamar, dayuurad Helicobter ahna lagu soo qaaday, sidoo kale xalay waxa madaafiic dhacayey waan maqleynay, waxaad moodaa iney luminayaan madaxda fursad gacantooda gashay oo dhiig badan uu u soo daatay” ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan.
Gudoomiyaha Isbaheysiga nabada ayaa dhinaca kale sheegay in madaxda dowladu ay waxba ka oran waayeen talaabadii Kismaayo looga soo celiyey wafdi ay halkaas u direen taasoo uu sheegay iney aheyd guul daro siyaasadeed oo weyn.
Gudoomiyaha Isbaheysiga nabada ayaa dhinaca kale sheegay in madaxda dowladu ay waxba ka oran waayeen talaabadii Kismaayo looga soo celiyey wafdi ay halkaas u direen taasoo uu sheegay iney aheyd guul daro siyaasadeed oo weyn.
“Waxaa gacanta ka baxay qeybo badan oo dalka ka mid ah; sida Jubooyinka oo ay gacanta ku heyso dowlada Kenya iyo Jabhada Raas-kambooni oo aan dowladda ka mid aheyn. Shabaab waxay aheyd Jabhad, jabhad, kale ayaana hadda meesha saameyn ku leh arrintaas waa arrin khatar ku ah midnimada Soomaaliya iyadoo aan ognahay in 9-kii November laga soo celiyey Kismaayo wafdi dowlada federaalka ah u dirtay dowladuna arrintaa si cad ugama hadlin, marka waa iney kala cadeeyaan Kismaayo in Kenya lagu daray iyo in kale” ayuu intaa ku daray C/llaahi Shiikh Xasan.
Gudoomiyaha Isbaheysiga nabad Soomaaliyed C/llaahi Shiikh Xasan ayaa talaabo wanaagsan ku tilmaamay isbaarooyinka ay dowladu ka qaaday jidadka hase ahaatee ay muuqato inuusan jirin qorshe amni oo ciidamo la isku haleyn karo lagu geynayo goobihii laga qaaday.
“Dowladu waxey baabi’isay isbaarooyinki yiilay qeybo ka mid ah Muqdisho, waa talaabo wanaagsan oo loo baahnaa laakiin waxaa muuqata inuusan jirin qorshe loogu talagalay amniga goobihii laga qaaday isbaarooyinka oo aan la dhigin ciidan amniga ilaaliya si uusan u iman (Security Vacuum) sidoo kale ma jiro qorshe lagu dhaqan celinayo maleeshiyooyinkii isbaaradu u tiilay” ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan.
“Dowladu waxey baabi’isay isbaarooyinki yiilay qeybo ka mid ah Muqdisho, waa talaabo wanaagsan oo loo baahnaa laakiin waxaa muuqata inuusan jirin qorshe loogu talagalay amniga goobihii laga qaaday isbaarooyinka oo aan la dhigin ciidan amniga ilaaliya si uusan u iman (Security Vacuum) sidoo kale ma jiro qorshe lagu dhaqan celinayo maleeshiyooyinkii isbaaradu u tiilay” ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan.
Gudoomiyaha Isbaheysiga nabada Soomaaliyed ayaa ugu dambeyn u soo jeediyey madaxda dowlada iney sharciga ku saleeyaan talaabooyinka ay qaadayaan, isla markaana ilaaliyaan inaan lagu xad gudbin dadka iyo dalka bulshadanan ugu adeegaan cadaalad iyo daacadnimo aysana luminin fursada dowladnimo ee hadda ay Soomaalida ku horkacayaan

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )