Wafdi uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhiga oo gaaray Magaalada Jowhar
Safar dhinaca dhulka ah ayay wasiirka iyo saraakiisha la socotay ku tageen degmada Jowhar, wuxuuna sheegay wasiirku inay si nabadgelyo ah ku tageen degmada Jowhar, ayna dadka ku nool si wanaagsan u soo dhaweeyeen.
Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe halkaasoo ay shalay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen xoogaggii Al-shabaab oo heystay muddo saddex sano ah.
Safar dhinaca dhulka ah ayay wasiirka iyo saraakiisha la socotay ku tageen degmada Jowhar, wuxuuna sheegay wasiirku inay si nabadgelyo ah ku tageen degmada Jowhar, ayna dadka ku nool si wanaagsan u soo dhaweeyeen.
Waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in degmada Jowhar uu ku tago safarkiisii ugu horreeyay, wuxuuna xusay in xaaladda degmada ay tahay mid aad u wanaagsan.
Waxa uu Wasiirku sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay u sii gudbeean gobolka Hiiraan ayna qorsheynayaan inay qabtaan degmada Buula-burde oo deris la ah gobolka Shabeellaha dhexe.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo is garabsanaya ayaa shalay labada dhinac ee laga soo galo magaalada Jowhar ka galay iyadoo aanay jirin wax iska cabin ah oo lagala horyimid kadib markii xoogaga Al-shabaab ay isaga bexeen magaaladaas iyagoon dagaalamin.
Dadweynaha ku nool degmada Jowhar ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay mid degan, iyagoo xusay inaysan jirin wax dhibaatooyin ah oo ay ciidamada dowladda kala kulmeen, waxaana maanta dib u furmay goobaha ganacsiga iyo waxbarashada xilli shalay ay goobahaasi xirnaayeen.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )