Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo Muqdisho safar ku gaarey

12/12/2012 7:00:00

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo ka hadlay xarunta Golaha shacabka ayaa sheegay inuu ku yimid casuumaad uu ka helay dhigiisa Dalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, xildhibaano, saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo dadweyne kale.


Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdule ee Magalaada Muqdisho waxaa Maanta ka soo degay wafdi uu hogaaminayo guddoomiyaha baarlamanka Jabuuti Idiris Cali kaasoo durba gaaray xarunta Golaha sahacabka Soomaaliyeed halkaasuu uu kula kulmay dhigiisa iyo golaha dhamaan.

 Wafdiga reer jabuuti waxaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha markii ay soo caga dhigatay diyaaradii siday waxaana ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyay Gudoomiyaha baarlamaanka Prof.jawaari oo ay garbihiisa socdeen ku xigaanadiisa iyo xildhibaano kale.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti oo ka hadlay xarunta Golaha shacabka ayaa sheegay inuu ku yimid casuumaad uu ka helay dhigiisa Dalka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari, xildhibaano, saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti iyo dadweyne kale.
 Sidoo kale Gudoomiye Jawaari ayaa isna sheegay inay ku faraxsan yihiin imaanshiyaha wafdiga reer jabuuti isagoo xusay inuu yahay wafdigaani kii ugu horeeyay ee afrika ka socda oo yimaada Muqdisho,jawaari wuxuu tilmaamay inay soo dhaweynayaan imaanshiyaha wafdigaani.
 labada dhinac waxaa ay muujiyeen inay ka wada hadli doonaan iskaashiga iyo wax wada qabsiga labada gole ee walaalaha ah si mudanayaasha soomaaliyeed ay gacan uga helaan kuwa reer jabuuti.

Warar kale oo xiiso leh halkaan ka aqriso.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

Fikirkaaga hoos kadhiibo:





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com