Jidgooyooyinka Horyaala Dibudhiska Qaranimada Soomaaliyeed Maqaal
September 2012 waxey Soomaalidu ku guuleysatey iney dib u soo ceshato dowladnimadeeda,
Jidgooyooyinka Horyaala Dibudhiska Qaranimada Soomaaliyeed
September 2012 waxey Soomaalidu ku guuleysatey iney dib u soo ceshato dowladnimadeeda, taas oo ka turjumeysa ismaamul Soomaaliyeed oo ku dhisan madaxbanaani iyo ku dhaqanka gobonimada Soomaaliyeed. Dowladnimada dib loo helay waxey u baahan tahay dibudejin, dibudhisd iyo dhaqangelin, waxey sidoo kale dadka Soomaaliyeed ay sugayaan dibuhabeyn, dibucaymin iyo dibuheshiisiin guud.
Dibudhaqangelinta dowladnimo Soomaaliyeed oo madaxbanaan iyo dibuheshiisiin guud oo dhaba oo dadka la dhexdhigo waxaa horyaala jidgooyooyin ka kala imaanaya dibeda iyo gudaha. Dal marka uu ka soo kabanayo dagaal waxaa dibuheshiisiinta loo mara saddex siyaabood: dibuheshiisiin ku saleysan cafis guud; dibuheshiisiin loo maro cadaalada ama maxkamadeyn; iyo mid isugu jirta cafis iyo maxkamadeyn. Dibudhaqangelinta dowlada waxey u baahan tahay nidaam siyaasadeed oo salka ku haya aragti falsafadeed oo ka turjumeysa mabda' sida ku dhaqanka dimoqaraadiyada hantigoosadka, dimoqaraadiyada hantiwadaaga, shuuciyada iwm.
Jidgooyooyinka horyaala dibudhiska qaranimada Soomaaliyeed waxaa ugu waaweyn kuwa ka imaanaya gudaha sida: siyaasadeynta qabyaalada, siyaasadeynta diinta, kooxeysiga diinta, boobka hantida gaar iyo tan guud ee dadka, ganacsatada burcadnimada u abaabulan, musuqmaasuqa xukuumada, maandooriyaha jaadka, dabhuriyeyaasha dagaalka sokeeye, howlwadeenadii dowldihii kmg oo wada haysta darajooyinka ugu sareeya dalka iyaga oo aysan intooda badan buuxin karin tayadi looga baahnaa darajooyinkaas, maamul-goboleedyo ku dhisan abtirsi beleed, ku dhaqanka hanaanka federaalka ku saleysan qabiilka, meelmarinta dimoqaraadiyada qabiilka, saboolnimada heerka nolosha, gaboodfalka haweenka; waxey sidoo kale jidgooyooyin badan ay ka imaanayaan dibeda sida: ururada caalamka oo magaca Soomaaliyeed deeqda ku hela, UN, AU, IGAD, Kenya, Itoobiya iyo wadamada dagaalka kula jira argagixisada ku suntan wadaadada xagjirka ah ee Islaamka.
Jidgooyada ugu culus gudaha ee ku hor go'an madaxda dowlada cusub waa musuqmaasuqa oo halis geliyey ku dhaqanka sharciga, maalgelinta dalka, iyo iskaashiga shisheeyaha oo dowlada uga xiran tahay deeq, amaah, iyo kaalmo lacageed iyo mid farsamo. Waxaa muuqata sadaasha wanaagsan oo ah in madaxda cusub ay ka go'an tahay in musuqmaasuqa ay kula dagaalamaan awooda cadaalad marsiinta, taas oo ah mariinka ugu haboon ee caalamka lagula dagaalamo musuqmaasuqa. Inkasto baarlamaanka uu yahay mid ku soo dhismay, kuna dhaqangalay, haddana uu yahay mid ku shaqeysanaya hanaankaas, haddana rajada wanaagsan ee laga qabo madaxda cusub ayaa tilmaameysa in baarlamaanka caafimaad qabkiisa dib loo hagaajiyo si tusaale cad ay ugu noqoto caalamka iyo Soomaalida in musuqmaasuqu yahay cadow halis ku ah dhaqangelinta dowladnimada Soomaaliyeed. Ladagaalanka musuqmaasuqa wuxuu u baahan yahay in la adkeeyo hanaanka cadaalada oo garsoorku ka madaxbanaan yahay dowlada si ku dhaqanka qaanuunka iyo meelmarinta sharciga si awood leh loogu meelmariyo madaxda iyo muwaadiniinta si siman.
Jidgooyada ugu culus dibeda waxey ka imaaneysa gunimada dhaqaalaha iyo tuugsiga shisheeyaha, taas oo si toosa iyo si dadbanba uga soo horjeeda madaxbanaanida iyo ismaamulka Soomaaliyeed. Wixii ka dambeeyey markii lagu dhawaaqay dagaalka lagula jiro argagixisada xagjirka Muslimiinta waxaa soo baxayey xeelado cusub oo wadamada horay u maray aysan ugu heelaneyn horumarinta iyo xoojinta dowladaha wadamada Muslimiinta. Bulshada caalamka oo ay ugu horeyso UNka waxey markasta maleegayaan qorshayaal ay ku doonayaan in Soomaaliya ay ku negaato iney ahaato dhibane caalamka loogu tuugsi tago, dhaqaalaha magaceeda lagu soo helana ay ku jirto gacan shisheeye. Waxaa si guud oo caalamiya arrintaas u kabaya Cunaqabateynta hubka ee UNka ku hayso Soomaaliya, taas oo meesha ka saareysa in Soomaaliya ay dhisato ciidan xoogan oo soo celiya amniga iyo kaladambeynta, horseedna u noqda dhaqangelinta awooda dowladnimada Soomaaliyeed. Waxaa la dejiyey qorshayaal heshiis lagula galay dowlada in lala maamulo dhaqaalaha soogala, arrintaas oo meelkadhac ku ah jiritaanka gobonimada Soomaaliyeed. Wadamada ciidamada u soo diray Soomaaliya iyo kuwa deriska ayaa qeyb ka ah qorshayaasha ah in magaca Soomaaliyeed caalamka lacag looga soo yaboohsado si qeybtooda ay uga helaan si toosa iyo si dadbanba. Arrimahaas oo dhan waxey aad u murjinayaan in Soomaaliya ay madaxbanaani buuxdo u hesho in si toosa ay ula xiriirto wadamada caalamka, kana xorodo dhanka dhaqaalaha. Madaxda dowlada cusub waa iney xor ka yihiin dhinaca maskaxda, baahidoodana ay ku jaangooyaan dhaqaalaha u soo xaroonaya. Waxa lama huraan ah in la yareeyo baahida shisheeyaha iyo gacmo hoorsigooda.
Dowlad la'aanta wakhtiga dheer la soo deristey Soomaaliya waxey dhalisay inuu dumo habdhaqankii ay ku dhisneyd bulshada Soomaaliyeed, waxaa bulshada ka sii baxaya awoodi ay dadka ku lahayeen odeyaasha dhaqanka, wadaadada, macalimiinta, iyo waaridka, waxaana soo xoogeysanaya saameeynta ay leeyihiin siyaasiyiinta beelaha, madaxda bulshada rayidka ama NGO-da, iyo maalqabeenada. Muqaalkan soo ifbaxay marxalada dowlad la'aanta wuxuu seef ku yahay dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo xukun wanaagsan ku maamusha guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Kooxda awoodoodu sii dumeyso wuxuu adeegoodu ku saleysnaa tabaruc bulshadeed, kuwa ay muuqato in isbedelkaas ay ku yimaadeen adeegoodu wuxuu salka ku haya danahooda shaqsiga. Soo ifbaxaan cusub ayaa ah kuwa sababta u ah jiritaanka jidgooyooyinka ka jira gudaha sida curinta kooxaha diinta, iibsiga ku dhisan xaaraanta ee hantida qaranka, dhiirigelinta qabyaalad awood ku qeybsiga, musuqmaasuqa iyo u adeegida danaha shisheeye. Madaxda dowlada cusub waxa la gudboon iney si xeeladeysan u bedelaan mowjadahaas ku kacsan hanaanka dowlad wanaaga, lana abuuro xaalad u hiilisa curinta xisbiyo siyaasadeed oo ku dhisan fikir, maalgelinta adeegyada xirfadaha aqoonyahanka, dibuhabeynta ururada bulshada, abaabulida bulshooyinka xirfadlayaasha, xoojinta shirkadaha fanka iyo sportiga sida gaarka ah loo leeyahay, abaabulida naadiyaal kobciya dareenka wadaninimada, howlgelinta hayadaha macaashdoonka iyo kuwa aan faa'ido doonka ahayn oo xeerbeegista dowlada ay xalaaleyso.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )