Shirkada Hormuud oo macaamiisheeda u soo bandhigtay adeeg cusub ( DAAWO SAWIRADA )

12/29/2012 2:58:00

SHIRKADDA ISGAARSIINTA SOOMAALIYEED EE HORMUUD War-Saxaafadeed. 29/12/2012


 

 


Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia , oo ku caan baxady in ay macaamiisheeda iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeedba u soo bandhigto  hadba adeegyada  casriga ah ee dunida ka jira,
 

waxay xilliyadii u dambaysay soo bandhigtay adeegyo ay ka midyihiin, E-Voucher, EVC,   EVC Plus, GPRS, iyo adeegga Dalmar “ International Rooming “.
 
 Sidaa awgeed   Hormuud Telecom , oo marwlaba ku dadaalaysa qancinta macaamiisheeda iyo la socodka   horumarka Technology-da caalamka, waxay soo bandhigaysaa adeegga 3 G. 

Adeeggan cusubi wuxuu macaamiisha u sahlayaa , in ay helaaan Internet ku filan,   maqal iyi muuqaal { Video Conference} kaas oo     jaamacaduhu uga faa’iidaysan karaan   adeegga waxbarashada , iyaga oo Macalimiin  ku sugan Caalamka daafihiisa ku xidhaya ardayda ku sugan waddanka gudihiisa .



Haddaba Maamulka   Shirkadda    Hormuud Telecom , iyo dhammaan shaqaalaha Shirkadduba waxay bogaadinayaan daahfurka adeeggan cusub.
  
 waxayna ugu baaqayaan Macaamiisha Hormuud inay    ka faa’iidaystaan   adeeggan kaabaya noloshooda. 
 
Sidoo Kale Shirkadda Hormuud Telecom waxay u ballan qaadaysaa dhammaan macaamiisheeda , in ay marwalba u sahaminayso adeegyo hufan oo ay ku raaxaystaan.
  
 
"Hormuud Telecom, waa haqabtiraha baahidaada isgaarsiinedd.”
 
 
Guddoomiyaha Hormuud Telecom Somalia .
Axmed Maxamuud Yuusuf 
Mogadishu
 
 
 
 
 
 

 

 

 

Maanta oo taariikhdu tahay 29/12/2012, waxaa sharaf u ah Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom Somalia Inc.  in ay ku dhawaaqdo adeegga 3 G “ Third Generation “.

Warar kale oo xiiso leh halkaan ka aqriso.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

Fikirkaaga hoos kadhiibo:





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com