Magacyada Qaarka mid ah tahriibayaal Liibiya shilgaari ugu geeriyooday ( DAAWO SAWIRO NAXDIN LEH )
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya C/qani Maxamed Wacays oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in magacyada dadka la helay aysan qaarkood aheyn kuwo dhameystiran
Magacyada tahriibayaashii Soomaalida ahaa ee ku geeriyooday shilkii baabuur ee ka dhacay dalka Liibiya



\




















Dhaawac

Iyadoo dhawaan gudaha dalka Liibiya ay ku dhinteen tahriibayaal Soomaaliyeed oo saarnaa gaari nooca xamuulka qaada ah oo ku dumay ka dib markii lagu raseeyay dadkaasi qeybta hoose ee baabuurka oo ay dusha sare ka saarneyd shamiinto taas oo ku duntay, keentayna inay dhintaan ku dhawaad 20-ruux.
Safaaradda dowladda Soomaaliya ee dalka Liibiya oo tan iyo markii ay mashaqadaasi dhacday isku howshay sidii ay u heli laheyd magacyada dadkii ku dhintay shilkaasi ayaa waxay shaacisay magacyada dadkii ku dhintay shilka gaari, halka ay safaaraddu sheegtay inay si aad ah u liitaan dadka qaba dhaawacyada.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya C/qani Maxamed Wacays oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in magacyada dadka la helay aysan qaarkood aheyn kuwo dhameystiran, balse ay soo bandhigi doonaan sawiradii laga qaaday si ay waalidiintood u aqoonsadaan sawirrada, wuxuuna safiirku magacyada dadkii dhintay oo gaarayey 15-ruux uu ku kala sheegay sida tan:- Cali Cabdulle Xirsi, Xasan Cusmaan Jeylaani, Maxamed-deeq Barkhad Cali, Cabdiraxiim, Askar, Muuse, Sugaal, Siciid, Axmed, Axmed-khadar, Sacdiya Maxamuud Xasan, labo gabdhood oo watay magaca Saamiya, Yaasmiin, Xaawo, Aasiya Cusmaan iyo Dahabo.
Sidoo kale danjiraha Soomaaliya ee dalka Liibiya waxa uu sheegay inay la socdeen dadka Soomaalida ah todoba qof oo u dhalatay dalka Ertirea, kuwaas oo laba ka mid ah ay ku dhinteen shilka, inta kalena ay dhaawacyo soo gaareen, wuxuuna intaasi ku daray in gebi ahaanba dadka dhaawacmay ee Soomaalida ah lagu dabiibayo hal isbitaal oo ku yaala gudaha dalka Liibiya, wuxuuna qaarkood xaaladoodu uu ku sheegay mid halis ah.
Si kasta oo ay ahaataba shilkan gaari ayaa wuxuu noqonayaa khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka Liibiya, waxaana maydadka dadkii ku dhintay shilka ee Soomaalida ahaa qaarkood shalay lagu aasay deegaankii uu shilku ka dhacay oo 150-km dhinaca bari ka xigta magaalada Tripoli ee ah caasimadda dalka Liibya, wuxuuna imaanayaa shilkan naxdinta leh ee ku dhacay tahriibayaasha Soomaaliyeed iyadoo dowladda Liibiya ay amar ku bixisay in la joojiyo dadka tahriibka ah ee dalkeeda ku soo qulqulaya

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )