Imisa wariye ayaa la dilay lana dhaawacay sanadkii tagay Guud ahaa tirada la dilay

1/1/2013 5:16:00 PM

weriye ajnabi ah ee lagu dilo Soomaaliya, magaalada Muqdisho ayaana lagu dilay 1993-kii, wuxuuna dalkeedii dhaliyay dood fara badan waxaana arintaas ilaa iyo haatan u xiran Xaashi Cali Cumar oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo aan helin cadaaladii uu u baahnaa, halka Duniya Muxudiin Nuur ay ka noqotay gabadhii ugu horreysay oo wariye Soomaaliyeed ah oo la dilo 5-tii Juun 2005-tii ayaana magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose lagu dilay iyadoo shaqadeedii suxufinimo gudaneysa.


Wariyihii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee lagu dilo Soomaaliya waxaa noqday JEAN CLAUDE JUMEL oo u shaqeynayay FT-1 kaas oo la dilay 18-kii juun 1993 -kii, waxaana lagu dilay magaalada Muqdisho,

Burburkii dowladdii dhexe ee uu hoggaaminayay jen. Maxamed Siyaad Barre kadib waxaa gebi ahaan dalkeena Soomaaliya ku habsaday dhibaato aad u culus, suxufiyiintuna waxay noqdeen bartilmaameed si gaar ah loo ugaarsado 22-kii sano ee la soo dhaafay 1991-2012, baal madow ayaa suxufiyiinta Soomaaliyeed u furmay kadib markii horaantii sanadkii 1991-kii dilkii ugu horreeyay loo geystay 4-tii weriye ee kala ahaa Cabdi Sheekh Cali?, Mahad Aadan Xasan (Mahad Cadde), Maxamed Cali Xaange iyo Abuukar Maxamed Nuur kuwaas oo loo dilay qabiilkooda awgii, iyadoo aan wax talaabo ahna laga qaadn gacan ku dhiiglayaashii geystay dilkaas waxashnimo, isla sanadkaas waxaa la dilay Cabdulqaadir Cali IIdle madaxii Radio Nuqdisho, iyadoo aan sidoo kale wax talaabo ah laga qaadin shakhsigii dilay.

Wariyihii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee lagu dilo Soomaaliya waxaa noqday JEAN CLAUDE JUMEL oo u shaqeynayay FT-1 kaas oo la dilay 18-kii juun 1993 -kii, waxaana lagu dilay magaalada Muqdisho, maalin kaliya ayaa magaalada Muqdisho lagu dilay 4 weriye oo ajnabi ah, wuxuuna noqday dilkii ugu badnaa oo weriyayaal ajnabi ah loogu geysto Soomaaliya 22 kii sano ee aynu soo dhaafnay 12- kii July 1993dii ayaa la dilay iyagoo howshoodii saxaafadeed ku dhex jira.

Ilaria Alpi ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay oo weriye ajnabi ah ee lagu dilo Soomaaliya, magaalada Muqdisho ayaana lagu dilay 1993-kii, wuxuuna dalkeedii dhaliyay dood fara badan waxaana arintaas ilaa iyo haatan u xiran Xaashi Cali Cumar oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo aan helin cadaaladii uu u baahnaa, halka Duniya Muxudiin Nuur ay ka noqotay gabadhii ugu horreysay oo wariye Soomaaliyeed ah oo la dilo 5-tii Juun 2005-tii ayaana magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose lagu dilay iyadoo shaqadeedii suxufinimo gudaneysa.

dhinaca kale Maxamed Muxudiin Cali oo ahaa Tifaftire wargeys todobaadle ah oo kasoo baxa magaalada Muqdisho ayaa noqday weriyihii ugu horeeyay ee qarax lagu dilo 29-kii Disember sanadkii 2007 ayaana lagu dilay magaalada Muqdisho , Xasan Subeyr Xaaji Xasan, Maxamed Amiin iyo Cabdi qafaar Cabdulaahi ayaa noqday weriyayaashii ugu horeeyay ee loo geysto xasuuq wadareed 3-dii Disember 2009 ayaana qarax lagula beegsaday Hotelka Shaamow oo ku yaala magaalada Muqdisho oo ay xiligaas ka dhaceysay xaflad ay ku qalin jebinayaan arday soo dhameysatay kuliyadda caafimaadka ee jaamacada Banaadir.

Sanadkii 2009-kii 10 weriye ayaa la dilay kuwaas oo 7 kamid ah lagu dilay Mqdisho halka 3 -da kalana lagu kala dilay Afgooye, Beledweyn iyo Kismaayo, dilkaas wuxuu sababay in tiradii ugu badneyd oo weriyayaal ay mar kaliya dalka ka yaacaan si ay uga badbaadaan xasuuqaas waxeyna dantu biday in qaxootinimo ku joogaan dalalka dariska nala ah.

Sanadkii tagay 2012 ayaa wixii hore u dhacay oo dhan isku fuuqsaday waxaana lagu tilmaami karaa SANADKII XASUUQ WADAREEDKA IYO GOWRACA WARIYAYAASHA waana sanadkii ugu xumaa ee abid soo mara? taariikhda saxaafada Soomaaliya, 18 wariye ayaa la dilay iyadoo Cabdi raxmaan Maxamad Cali uu noqday wariyihii ugu horeeyay ee la qalo ( LA GOWRACO ) 27/09/2012.
Magacyada 18-kii wariye ee la dilay sanadkii naga tagay 2012 waxay kala yihiin:

1.Maxamed Maxamuud Tuuryare
2. Axmed Saakin Faarax
3.Cabdi Raxmaan Maxamed Cali
4. Axmed Cabdulaahi Faarax
5. Xasan Yuusuf Absuge.
6. Liibaan Cali Nuur
7. Cabdisataar Daahir Sabriye.
8. Cabdi Raxamaan Yaasiin Cali.
9. Zakariye Maxamed Maxamuud
10. Maxamed Cali Buneyste.
11. Yuusuf Cali Cusmaan? (Farey)
12. Cabdi Jeylaani Malaaq (Marshaale).
13. Mahad Salaad Aadan.
14. Axmed Caddow Canshuur.
15. Farxaan Jeemis Cabdule.
16. Cali Axmed Cabdi
17. Abuukar Maxamed Kadaf.
18. Xasan Cusmaan Cabdi (Fantaastik).

Dhinaca kale 12 wariye ayaa iyana la dhaawacay sanadkii tagay 2012 kuwaas oo kala ahaa:

1. Suleymaan Sheekh Ismaaciil.
2. Axmed Cabdi Kaahiye.
3. Ayaan Cabdi Guure.
4. Deeqo Maxamed Axmed.
5. Xamdi Maxamuud Xiis.
6. Axmed Cali Shuuriyaako.
7. Cabdulqaadir Cumar Cabdule.
8. Maxamed Nuur Naxamed (Shariifka).
9. Maxamed Xuseen Gentelman.
10. Cabdullaahi Suldaan.
11.Cabdikariin Xuseen Guutaale.
12. Cabdirisaaq Shiino.

Guud ahaan 64 weriye ayaa lagu dilay Soomaaliya 22-kii sano ee aynu soo dhaafnay iyadoo 49 ka mid ah weriyayaashaas lagu dlay Muqdisho, halka 15 -ka kalana lagu dilay AFGOOYE (SHABEELADA HOOSE ), JOWHAR(SHABEELADA DHEXE), BELEDWEYN (HIIRAAN), GAALKACYO (MUDUG), BAYDHABO (BAY), KISMAAYO (JUBADA HOOSE ) BAARDHEERE (GEDO) iyo LAASCAANOOD (SOOL), dhinaca kale muddo 7 sano ah ayay weriyayaashu Soomaali iyo Ajnabiba ka badbaadeen dilkii lagu hayay 1996, 1997, 1998, 1999, 2001, 2002 iyo 2004,waxaase murugo leh in 5-tii sano ee ugu dambeysay 2007-2012 uu dilka weriyayaasha uu kor u kacay 49 weriye oo 48 ka mid ah ay Soomaali ahaayeen, midna uu ajnabi ahaa ayaana la dilay, waxaana marnaba la iloobi doonin xusuusteenana marnaba ka tirmeyn GOWRACII waxashnimada ahaa ee loo geystay Cabdiraxmaan Maxamed Cali, wariyihii ugu dambeeyay ee la dilo sanadkan 2012 wuxuu noqday Maxamed Maxamuud Tuuryare, kaas oo dhiigiisii weli sii qoyan yahay.

Haddaba 22 sano kadib maxaa la gudboon suxufiinta Soomaaliyeed? ma waxay ku sii jirayaan xaaladdan murugada leh oo aysan jirin cid uga diir naxeysa mise waxay u istaagayaan in ay helaan isku duubni iyo midnimo u horseeda ugu yaraan in ay helaan hab ay ku mideysan yihiin oo ay dib ugu soo dhacsadaan xaqooda maqan isagana difaacaan cadowyadooda kala duwan.

International Press Istitute IPI iyo Reporters Without Borders RSF ayaa sanadkii tagay 2012 ku tilmaamay sanadkii geerida Suxufiyiinta caalamka,wuxuuna noqday sanadkii ugu xumaa ee abid soo mara suxufiyiinta caalamka, tan iyo markii ay hay’adda wariyayaasha aan xuduuda lahayn RSF bilowday ururinta jaantuus sanadeedka ay kaga warbixineyso dhibaatooyinka soo wajaha
Suxufiyiinta caalamka sanadkii 1995-kii sanadkii tagay waxaa la dilay 141 wariye, 879 wariye iyana waa la xiray halka 1993 weriye la handaday ama la weeraray, dhinaca kale 33 weriye ayaa la afduubtay halka ay 73 weriye ay iyana dalalkoodii ka soo carareen
Sanadkii tagay wuxuu hogaanka dilka weriyayaasha kala wareegay sanadkii 2007 oo la dilay 87 weriye, sanadkii 2009 waxaa la dilay 75 weriye halka 2010 la dilay 58 weriye, 2011 waxaa la dilay 67 weriye , waxayna IPI iyo RSF sheegeen in dilka weriyayaasha caalamka ay geystaan kooxo ku xiran raga daroogada ka ganacsada maleeshiyooyinka Islaamiyiinta iyo saraakiil laaluush qaatayaal ah.
Labadii sano ee ugu dambeysay 2010 iyo 2011dilka weriyayaasha caalamka waxaa hogaanka u hayay dalka Pakistaan hase yeeshee dalka SYRIA ayaa noqday kan ugu badan ee sanadkii tagay lagu dilo weriyayaasha caalamka 65 weriye ayaana lagu dilay, halka Soomaaliya lagu dilay 18 weriye waxayna RSF 2012 ku tilmaantay sanadkii madoobaa ee Suxufiyiinta Soomaaliya, sidoo kale dalalka Pakistan, Brazil iyo Mexico ayaa iyana lagu dilay.
FG:. XUQQUQDA QORAALKAMN WAXEY U DHOWRSAN TAHAY QORAHA.

Qalinkii Qoraa sare, Muse Mohamed Osman.
muusekiimiko@gmail.com

Warar kale oo xiiso leh halkaan ka aqriso.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

Fikirkaaga hoos kadhiibo:





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com