Kulankii Horumarka Soomaaliya ee sanad 2012
Kulan Lagu qabtay magaalada Birmingham oo ay soo abaabuleyn qaar ka mid dhalinyarada iyo aqoonyahanada magalada Bristol ayaa maanta oo ay tarikhdu ahayd 30 December 2012 ayaa Looga hadlay Horumarka Soomaaliya laga sameeyay sanadkan dhamaadka ah ee 2012ka. Waxaa kamid ahaa Horumarka laga hadlay dhinacyada :- Siyaasada, amaanka, Arimahabulshada qeybaheeda sida waxbarashada, caafimaadka, sportska iyo wiliba Fanka iyo Hiddaha. Waxaa leysku raacay in uu sanadkaan dhamaadka ah uu ahaa sanad aad iyo aad ugu wanaagsanaaa dadka Soomaalida meel kasta oo eey joogaan. 2012 wuxuu ahaa sanad eey dareemeen in ay leeyihiin dowlad Soomaaliyeed waana sanad ay qaranimada Soomaaliyeed dib u soo bidhaantay. Amaanka Soomaaliya aad iyo aad ayuu u wanaagsanaaday gaar ahaan magaalada Muqdisho (inkastoo ay jiraan qaraxyo mar mar dhaca).. Horumarkan dhanka amaanka laga sameeyay ayaa waxaa la sheegay inay qeyb ween ka qaateen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM. Intaa waxaa dheer in madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu door weyn ku lahaa sugida amaanka maadaama uu la yimid dhiirogelin aad u sareeysa. Dhameestirkii road map ka iyo shirarkii kala duwanaa ee ka dhacay gudaha wadanka sida (Muqdisho, Gaalkacayo iyo Garoowe) iyo kuwii ka dhacay dallka dibadiisa iyana waxaa loo arkay mid wanaagsan maadaama ay soo afjartay nidaamkii kumeelgaarnimada ahaa isla markaana meesha ka saartay tuhunkii ahaa in Soomaaliya maxamiyad la galinaayo iyo warar kaloo kuturokuteen aan raad laheen ah. Sanadkan sii dhamaanaya waxaa la ansixiyay dastuurka kumeelgaarka ah oo ay yeelanayso Jamhuuriyada Federlaaka Soomaaliya. Soo xulistii xildhibaanada iyo afhayeenka baarlamaanka oo u dhacday si diimuquraadiyad ay ku dheehan tahay, ayaa ah waxa lagu xusuusan doono sanadka 2012 ka. Waxaa la soo doortay 275 xildhibaan ka tayo wanaagsan kuwii hore iyo afhayeen baarlamaan (Prof. Maxamed Cismaan Jawaari) aqoon dheer u leh howlaha sharci dejinta, asluub wanaagsan, wadaninim
Kulan Lagu qabtay magaalada Birmingham oo ay soo abaabuleyn qaar ka mid dhalinyarada iyo aqoonyahanada magalada Bristol ayaa maanta oo ay tarikhdu ahayd 30 December 2012 ayaa Looga hadlay Horumarka Soomaaliya laga sameeyay sanadkan dhamaadka ah ee 2012ka.
Waxaa kamid ahaa Horumarka laga hadlay dhinacyada :- Siyaasada, amaanka, Arimahabulshada qeybaheeda sida waxbarashada, caafimaadka, sportska iyo wiliba Fanka iyo Hiddaha.
Waxaa leysku raacay in uu sanadkaan dhamaadka ah uu ahaa sanad aad iyo aad ugu wanaagsanaaa dadka Soomaalida meel kasta oo eey joogaan. 2012 wuxuu ahaa sanad eey dareemeen in ay leeyihiin dowlad Soomaaliyeed waana sanad ay qaranimada Soomaaliyeed dib u soo bidhaantay.
Amaanka Soomaaliya aad iyo aad ayuu u wanaagsanaaday gaar ahaan magaalada Muqdisho (inkastoo ay jiraan qaraxyo mar mar dhaca).. Horumarkan dhanka amaanka laga sameeyay ayaa waxaa la sheegay inay qeyb ween ka qaateen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM. Intaa waxaa dheer in madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu door weyn ku lahaa sugida amaanka maadaama uu la yimid dhiirogelin aad u sareeysa.
Dhameestirkii road map ka iyo shirarkii kala duwanaa ee ka dhacay gudaha wadanka sida (Muqdisho, Gaalkacayo iyo Garoowe) iyo kuwii ka dhacay dallka dibadiisa iyana waxaa loo arkay mid wanaagsan maadaama ay soo afjartay nidaamkii kumeelgaarnimada ahaa isla markaana meesha ka saartay tuhunkii ahaa in Soomaaliya maxamiyad la galinaayo iyo warar kaloo kuturokuteen aan raad laheen ah.
Sanadkan sii dhamaanaya waxaa la ansixiyay dastuurka kumeelgaarka ah oo ay yeelanayso Jamhuuriyada Federlaaka Soomaaliya.
Soo xulistii xildhibaanada iyo afhayeenka baarlamaanka oo u dhacday si diimuquraadiyad ay ku dheehan tahay, ayaa ah waxa lagu xusuusan doono sanadka 2012 ka. Waxaa la soo doortay 275 xildhibaan ka tayo wanaagsan kuwii hore iyo afhayeen baarlamaan (Prof. Maxamed Cismaan Jawaari) aqoon dheer u leh howlaha sharci dejinta, asluub wanaagsan, wadaninimona ay ka muuqato.
Sanadkan 2012 wuxuu noqday markii ugu horeeysay taariikhda Soomaalida ay is isu sharaxaan 24 murashax inay noqdaan madaxweynaha Jamhuuriyada Federlaaka Soomaaliya. Murashixiintaas oo badankooda ka kala yimid wadanka dibadiisa. Waxaana nasiib wanaag ah inuu ku guuleeysto Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa qof aanan ka bixin wadanka intii ay dagaalada ka socdeen, mashaariic badan oo isagu jiro kuwo horumarineed iyo kuwo waxbarasho ka hirgaliyay Soomaaliya. Guusha uu gaaray aad iyo aad ayaa loogu farxay.
Raysalwasaare Saacid iyo golihiisa wasiirada waa waxa aanan marnaba ka go,i doonin xusuusta shacabka Soomaaliyeed. Labada walxood oo sida gaarka ah u baahan in la xuso ayaa ah: laalida nidaamka 4.5 ka oo ahaa nidaaam ku dhisan cadaalad darro iyo doorka dumarka Soomaaliyeed. Raysalwasaare Saacid wuxuu soo dhisay xukuumad yar oo ka kooban 10 wasiir laguna saleeyay nidaam ah shan beelood oo siman (inkastoo ay tahay in Soomaaliya ay ka gudubto nidaamka ke saleeysan in beel beel wax lagu qebsado). Xukuumadan ayaa noqotay mid ay dumarka ku yeeshaan door muuqda maadaama la siiyay labo wasaaradood oo miisaan leh sida Wasaarada arimaha dibada oo loo magacaabay Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Dr.Maryam Qaasim oo loo magacaabay Wasiirka Wasaarada Hormarinta Adeega bulshada.
Ugu dambeyntii ayaa talooyin kala duwan loo jeediyay hay'adaha kala duwan ee dowladda soomaaliyeed waxaan Illahay Looga wada baryay in uu sanad 2013 uga dhiga sanad wanaagsan oo Horumarka iyo cadaalada la wada gaarsiyo dhamaan umadda soomaaliyeed Inshallah

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )