Kalfadhigii 4aad ee xisbiga SPDU oo Muqdisho lagu soo gebagebeeyey iyo xildhibaano ka qeyb galay (DAAWO SAWIRO)
gabagabadii aya awaxa agoobta shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay tv-ga Somali channel iyo qaar kale oo kamid ah warabaahinta ka howl-gasha magaalada muqdisho iyadoona
Hotelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu soo gebagebeeyey maanta shirweynihii 4aad ee xisbiga Nabada iyo Dimoqraadiyada oo ka mid ah asxaabta siyaasadeed ee ka jirta Somalia.
Waxaa munaasabada gebagebada ka qeyb galay, xubnaha golayaasha iyo hogaanka xisbiga SPDU, xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia, madaxda axsaab kale iyo bahda saxaafada gudaha iyo dibeda.
Waxaa xafladaas hadalo furitaan ah ka jeediyey xoghayaha guud ee Xisbiga Nabada iyo Dimoqraadiyada C/salaan Maxamed Siyaad oo ka hadlay taariikhda iyo marxaladaha uu soo maray xisbiga, isagoo xusay in xisbiga Nabada iyo Dimoqraadiyada lagu aasaasay magaalada Bermingham ee dalka Ingiriisa sanadkii 2010-kii, wuxuuna tilmaamay in ka dib xisbiga loo soo raray Muqdisho sanadkii 2011-kii.
“Qaab dhismeedka xisbiga waa gole heer Qaran ah, waxaana uu ka kooban yahay, hogaan leh gole dhexe iyo guddi fulin, wuxuuna leeyahay laamo heer gobol iyo heer degmo ah, SPDU maaha Xisbi qabiil iyo xisbi goboleed waa xisbi Soomaali oo dhan ay ku jirto, kuna shaqeeya mabaadi’ u degsan oo ku dhisan nabad, cadaalad iyo horumar, ma hubeysna hase ahaatee waa mucaarad u taagan wax toosin” ayuu intaa ku daray xoghayaha guud ee SPDU.
Waxaa sidoo kale ka mid ahaa xubnaha ka hadlay xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Baarlamanka Somalia kaasoo sheegay inuu ku faraxsan yahay ka soo qeyb galka xafladan, wuxuuna xusay in xisbiga SPDU uu ka mid yahay xisbiyada ugu horeeyey ee dalka ka bilaabay dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo isbaheysiyo aan hubeysaneyn oo ujeedadiisu tahay in wax la toosiyo, talada dalkana laga wada tashado.
“Madaxweynaha hadda xilka haya waxaa uu ka soo jeeda Isbaheysiga uu ka tirsan yahay xisbiga SPDU, waxaana ka dalbaneynaa inuu ka soo baxo balanqaadkiisii ahaa inuu axsaabta siyaasadeed ee dalka siinayo muhiimad gaar ah, maadaama la soo wada halgamay, haddii laga waayo inuu qabto wixii uu shalay balanqaaday in la mucaarado oo la tusiyo qaladaadja ha ogolaado” ayuu intaa ku daray xildhibaan Prof. Dalxa.
“Haddii lagu yiraahdo shaatigaaga toosiso ama meeshaasaa kaa qaldan macnaheedu maaha in cadow lagugu yahay ee adigaa lagu toosinayaa si aad isu saxdo, marka mucaarad aan hubeysneyn haduusan jirin, dowladnimo fiican lama gaarayo, sababtoo ah mucaaradka meesha ay wax ka qaloocan yihiin ayuu wax farta ku fiiqaa” sidaa waxaa tiri xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye oo iyana halkaas ka hadashay.
Ubax Tahliil oo gudoomiye u ah garab ka mid ah labada garab ee uu kala jabay ururka haweenka Qaranka Soomaaliyed oo iyana halkaas ka hadashay ayaa sheegtay in iney wanaagsan yihiin xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka abuurmaya ayna aad u soo dhoweynayaan in xukunka lagu raadiyo iyadoo codka dadweynaha lagu raadinayo si nabad ah.
“Xisbiyada dalka ka abuurmaya haweenku waa ku yar yihiin, waxaan kula talinayaa iney siiyaan boqokkiiba 50 xubnaha xisbiyada maadaama haweenku ay kaalin hore kaga jiraan nabadeynta iyo xaslinta dalka” ayey intaa ku dartay Marwo Ubax Tahliil.
Sidoo kale waxaa munaasabadaas ka hadlay xubno ah ka mid ahaayeen abwaan Cismaan C/llaahi Guure, xildhibaan Khaalid Cumar Cali, gudoomiyaha xisbiga Sahan Qaran, Axmed Dheere, Ex.xildhibaan Cali Seeko oo ka mid ahaa Baarlamankii hore gudoomiyaha golaha bulshada rayidka Soomaaliyed Muxyadiin Xasan Afrax Gudoomiyaha ururka haweenka Qaranka ubax tahliil iyo xubno kale, iyadoo xisbiga SPDU xafladaas ku gudoonsiiyey shahaadooyin qaar ka mid ah warbnaahinta Soomaalida.
Gudoomiyaha Xisbiga nabada iyo Dimoqraadiyada SPDU C/llaahi Shiikh Xasan oo ugu dambeyntii munaasabadaas ka hadlay ayaa marka hore xusay in shahaadooyinka ay siiyeen warbaahinta gudaha aysan macnaheedu aheyn iney xisbiga si gaar ah ula taageeraan, hase ahaatee ay u siiyeen arrimo la xiriira shaqadooda, wuxuuna xusay in warbaahinta aan la siinin xumaan u arkin.
Dhinaca kale, C/llaahi Shiikh Xasan ayaa hambalyo ku aadan sanadka cusub ee miilaadiga 2013-ka u diray ciidamada dowlada Somalia iyo kuwa AMISOM ee dalka u jooga iney difaacaan qaranimada umadda Soomaaliyeed, wuxuuna ka codsaday dowlada Somalia iney ciidamada AMISOM ay ku darto diiwaanka taariikhda Soomaaliya.
“Waxaan ka digeynaa ciidamada aan ka tirsaneyn Booliska, nabad suigida iyo milateriga ee xukuumadu sheegtay in loo sameeynayo sugida amaanka Muqdisho, maxaa yeelay dastuurku ma qaray iney jiraan ciidmo kuwaas aan aheyn, waxaana qabnaa taas bedelkeed in ciidamada booliska iyo nabad sugida la tayeeyo” ayuu intaa ku daray C/llaahi Shiikh Xasan.
Gudoomiyaha Xisbiga nabada iyo dimoqraadiyada SPDU C/llaahi Shiikh Xasan ayaa ku amaanay golaha wasiirada ee lagu dhisay nidaamka 5ta beelood oo siman xilli dowladu ay ku dhisan tahay 4.5, sidoo kale baarlamanka ayuu ku amaanay sida ay dib ugu celiyeen miisaaniyada ayna u ansixiyeen markii laga soo bedelay waxyaabihii ay ka doodayeen.
“Waxyaabaha dhaliisha ah ee weli miisaaniyada nooga muuqda waxaa ka mid ah sida loo yareeyey lacagaha loo qaoondeeyey adeegyada bulshada sida waxbaarshada, caafimaadka, biyaha iyo nadaafada, waxaana haboonaan laheyd in adeegyadaas dhaqaaler badan lagu bixiyo maadaama aad loogu baahan yahay” ayuu intaa ku daray C/llaahi Shiikh Xasan.

gabagabadii aya awaxa agoobta shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay tv-ga Somali channel iyo qaar kale oo kamid ah warabaahinta ka howl-gasha magaalada muqdisho iyadoona xubno ka socday xildhibaanada baarlamnka uruda bulshada rayidka iyo haweenka qaran uu shahaadii loogu tal galay Somali shannel uu ka gudoomiyahay agaasimaha Somali channel ee xarunta magaalada muqdisho maxamed siciid axmed sh aadan
gabagabadii aya awaxa agoobta shahaado sharaf lagu gudoonsiiyay tv-ga Somali channel iyo qaar kale oo kamid ah warabaahinta ka howl-gasha magaalada muqdisho iyadoona xubno ka socday xildhibaanada baarlamnka uruda bulshada rayidka iyo haweenka qaran uu shahaadii loogu tal galay Somali shannel uu ka gudoomiyahay agaasimaha Somali channel ee xarunta magaalada muqdisho maxamed siciid axmed sh aadan

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )