Qaraxyada ka dhacayo gudaha dalka kenya oo lagu eedeeyey in ay ka danbeeyaan ciidamo iyo saraakiil tababaro ku qaatay gudaha dalkaas
Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ka mid ahaa dowladdii uu hogaaminayey Sheekh Shariif oo tababaro ku qaaday gudaha dalka Kenya si ay qeyb uga qaataan dedaalo ay dowladda Kenya ku dooneysay inay ku taageerto dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya ayaa haatan waxay ku soo jeesteen dowladda Kenya, waxayna fowdo ka bilaabeen gudaha Kenya, dhalinyaradaas iyo saraakiisha la socota ayaa fuliya qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya gudaha dalka Kenya
Dowladda Kenya ayaa markii ugu horeysay ku eedaysay saraakiil ka tirsan dowladdii KMG aheyd ee uu hogaaminayey Shariif Sheekh Axmed inay ka dambeeyaan dhibaatada ka taagan dalkeeda, gaar ahaan qaraxyada, dilalka iyo weerarada joogtada ah ee dalkeeda ka dhaca, gaar ahaan dhacdooyinkii ka dhacay magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi-bari.
Guddoomiyaha degmada Gaarisa Maxamed Macalin oo wareysi siiyey Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in rabshadaha iyo qaraxyada ka dhaca magaalooyinka waa weyn ee Kenya oo ay ku jirto Gaarisa ay ka dambeeyaan sida uu yiri dhalinyaro u dhashay dalka Kenya oo ka mid noqday ciidamada dowladda Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in dhalinyaradaasi ay tababaro horay ugu qaateen gudaha dalka Kenya, isagoo ku eedeeyay inay mas’uul ka yihiin falalka ammaan-xumo ee ka dhacaya Gaarisa oo ah xarunta gobolka Soomaalida-Kenya degaan.
“Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ka mid ahaa dowladdii uu hogaaminayey Sheekh Shariif oo tababaro ku qaaday gudaha dalka Kenya si ay qeyb uga qaataan dedaalo ay dowladda Kenya ku dooneysay inay ku taageerto dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya ayaa haatan waxay ku soo jeesteen dowladda Kenya,
waxayna fowdo ka bilaabeen gudaha Kenya, dhalinyaradaas iyo saraakiisha la socota ayaa fuliya qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya gudaha dalka Kenya” ayuu ku yiri Guddoomiye Macalin wareysiga uu siiyey Wargeyska The Daily Nation.
waxayna fowdo ka bilaabeen gudaha Kenya, dhalinyaradaas iyo saraakiisha la socota ayaa fuliya qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya gudaha dalka Kenya” ayuu ku yiri Guddoomiye Macalin wareysiga uu siiyey Wargeyska The Daily Nation.
Sidoo kale Guddoomiyah degmada Gaarisa waxa uu sheegay in dhaliyaradaas dhibka ka wadda gudaha Kenya ay ku adkaatay inay sii dagaalamaan ayna dib ugu laabteen Kenya iyagoo hubeysan, isagoo xusay inay dhalinyaradaas qabaan tababaro heer sare ah, ayna iyagu yihiin kuwa ka dambeeya dhibaatada Gaarisa iyo guud ahaan Kenya ka taagan.
Magaalada Gaarisa ayaa waxaa tan iyo sanadkii hore ka dhacayey rabshado ay ka mid yihiin qaraxyo, weeraro iyo toogasho toos ah oo lala beegsanayo ciidamada iyo kaniisadaha ku yaala dalka Kenay, waxaana dhamaadkii sanadkii hore lagu dilay magaaladaasi 11 askari oo sideed ka mid ah ay ahaayeen booliis iyo seddex ka mid ahaa milateriga Kenya, waxaana xusid mudan in saraakiisha ciidamada dalka Kenya ay ku eedeeyeen weeraradii ka dhacay dalka Kenya sida degmada Gaarisa iyo Nairobi inay ka dambeysay Xarakada Al-shabaab, laakiinse hadalka Guddoomiyaha degmada Gaarisa ayaa taas meesha ka saaraya.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )