Jaamacad loogu magac daray Somali International University (SIU) oo looga dhowaaqay Muqdisho ( DAAWO SAWIRADA )
Xaflada furitaanka Jaamacadan cusub ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan dowlada Somalia, qaar ka mid ah ardayda iyo macalimiinta wax ka dhigta Jaamacadaha kale ee Muqdisho ku yaala, aqoonyahano, masuuliyiin ka socotay shirkadaha ganacsiga iyo dad kale oo fara badan.
Xaflada furitaanka Jaamacadan cusub ayaa waxaa ka qeyb galay madax ka tirsan dowlada Somalia, qaar ka mid ah ardayda iyo macalimiinta wax ka dhigta Jaamacadaha kale ee Muqdisho ku yaala, aqoonyahano, masuuliyiin ka socotay shirkadaha ganacsiga iyo dad kale oo fara badan.
Munaasabad lagu furayey Jaamacad cusub oo la magac baxday Jaamacada caalamiga ah ee Soomaaliya (Somali International University) ayaa maanta lagu qabtay xarunta cusub ee Jaamacadaas oo ku taala Ex-dugsigii H/dhexe ee Muuse Galaal ee degmada H/wadaag.
Ugu horeyn waxaa goobta laga akhriyey war saxaafadeed ka soo baxay maamulka jaamacadan cusub kaasoo sidan u qornaa:-
War Saxaafadeed
Bismillaahi Raxmaani Raxiim. 7/01/2013
Ujeedada xafladan waa furitaanka:
1.Ururka Waxbarashada iyo Horumarinta Bulshada Soomaaliyeed ama (Somali Education & Social Development Organization) oo loo soo gaabiyo SESDO.
2.Somali International University (Jaamacadda Caalamiga Soomaaliyeed) oo loo soo gaabiyo SIU.
A) Ujeedada ururka SESDO loo aasaasay waa in ay ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigto:
1.Waxbarasho (heer Jaamacadeed, kuleejo laga barto farsamo lagu shaqo galo, iyo tacliinta dadka waaweyn) oo u dhigma heerka wadamada kale ee caalamka.
2.Isbitaal iyo adeeg caafimaad oo ku heer ah wadamada kale ee caalamka.
B) SIU (Somali International University) waa mashruucii u horeeyay ee ururka SESDO ay fulisay. Maanta (7/01/2013) ayeyna SIU si rasmi ah u bilowday howlaheeda. Barnaamijyada waxbarasho ee SIU waxay ku qotomaan LIX TIIR oo kala ah:
1.Dhisidda akhlaaqda, asluubta, iyo damiir wanaaga
2.Dhisidda aqoonta, garaadka, fikirka, iyo farasama aqoon
3.Dhisidda aqoonta adeegsiga aaladda kombuyuuterka & Internetka.
4.Dhisidda codkarnimo iyo xirfad soo bandhigista fikrad/ barnaamij
5.Dhisidda bulshanimo iyo dad la noolaashaha
6.Dhisidda karti cilmibaaris
SIU waxay xoogga saareysaa in ay ardada ka dhisto ku hadalka iyo qoraalka afka Ingiriisiga (English Language), farsamada gacanta iyo adeegsiga kombuyuuterada. Maamulka Jaamacadda SIU & SESDO.
Ka dib waxaa kulankaas ka hadlay agaasimaha Wasaarada horumarinta adeega bulshada xukuumada Soomaaliya Muuse Faarax Xeyd oo soo dhoweeyey furitaanka Jaamacadan cusub isagoo ka codsaday maamulka Jaamacadda in ay xoogga saaraan soo saarida dhalinyarada Soomaaliyeed ee xirfadleyda ah.
Prof. Ismaaciil Cali Siciid oo ah gudoomiyaha Jaamacada caalamiga ah ee Soomaaliya oo isna ka hadlayay munaasabadaas ayaa sheegay in Jaaamacadan ay bixinayso waxbarsho sare, College lagu barto shaqada farsamada gacanta iyo waliba waxbarshada tacliinta dadka waaweyn, isagoo xusay in jaamacadan ay hirgalisay Mu’asasada waxbarashada iyo Horumarinta bushada Soomaaliyeed ee SESDO.
“Ujeedada loo asaasay Jaamacadan waxaa ka mid ah dhisida, aqoonta, akhlaaqda asluubta, damiir-wanaaga garaadka, fikirka iyo adeegsiga aalada Komputerka iyo internetka iyo waliba qodobo kale oo faaiido u leh ardayda” ayuu yiri Prof. Ismaaciil Cali siciid.
“Ujeedada loo asaasay Jaamacadan waxaa ka mid ah dhisida, aqoonta, akhlaaqda asluubta, damiir-wanaaga garaadka, fikirka iyo adeegsiga aalada Komputerka iyo internetka iyo waliba qodobo kale oo faaiido u leh ardayda” ayuu yiri Prof. Ismaaciil Cali siciid.
Agaasimaha Wasaarada horumarinta adeega bulshada xukuumada Soomaaliya Muuse Saalax iyo madax kale ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Jaamacadan oo ka mid noqonaysa Jaamacadaha dhawaanahan laga hirgaliyay Magaalada Muqdisho.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )