Beelaha Maxamuud Hiraab iyo Reer Xaaji Salebaan oo ku kala baxay shareecada islaamka iyo xukun maxkamadeed. ( DAAWO SAWIRADA MAGTA )

1/8/2013 4:34:00 AM

Kadib markii Maxkamada Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud ay soo saartay Xukun Sharci ah Taariikhdu markii ay ahayd 7/2/1434H kuna beegnayd 21/12/2012, kaas oo lagu kala xukumay Diyada dadkii ku dhintay Dagaalkii Safaynka/labada saf ahaa ee dhexmaray Labada beelood ee kala ah Maxamuud Hiraab iyo Reer Xaaji Saleebaan






 
 

ÈÓã Çááå ÇáÑÍãä ÇáÑÍíã
Taariikh: 04/2/1434H. kubeegan 17/12/2012.
Ujeedo: Baaq Nabadeed Kasoo baxay Beelaha Maxamuud Hiraab iyo Reer Xaaji Salebaan.
Kadib Kulan ballaaran oo ay iskugu yimaadeen Ugaasyada, Nabadoonada iyo waxgaradka Beelaha Reer Xaaji Saleebaan iyo Maxamuud Hiraab, kulankaas oo ka dhacay Deegaanka Laanta maraayo ee Gobolka Galgaduud, kaas oo looga hadlayay Dagaalkii Labada Beelood ee Walaalaha ah ku dhexmaray deegaanka Baalladheer taariikhdu markii ay ahayd 16/1/1434H halkaas oo uu ka dhashay Khasaare Naf iyo maalba leh.
Kulanka Labada beelood oo ay Garwadeen ka ahayd Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud ee Xarakada AlShabaab Almujaahidiin isla markaana wajigiisii koowaad uu socday mudo Afar maalmood ah ayay Waxay labada Beelood ee Walaalaha ah isku afgarteen Arimaha Soo socda:
1: In  Dhamaan wixii dhibaata ah ee Beelahaas Walaalaha ah kala gaaray lagu xalliyo Shareecada Islaamka isla markaana si deg deg loo qaado tallaabooyinka soo scoda:
A: in Labada beelood ay dib iskugu soo celiyaan wixii hanti ama hub ah oo ay dagaalka ku kala qabsadeen.
B: In Nabadoonada iyo waxgaradka labada beelood ay ku baaqaan in Nabad laga gaaro Dagaalkii goobtaas ka dhacay.
C: In labada beelood ay si rasmi ah u kala diraan wixii Ciidama ah oo ay dagaalka usoo uruiyeen.
D: In wixii dhiig ama dhul ah oo ay labada beelood isku haystaan loo bandhigo Garsoorka Shareecada Islaamka.
FG. Dhamaan go’aamadii la isla afgartay si rasmi ah ayay u fuleen iyadoo ay beeluhu wixii Hantii iyo hub ahaa isku celiyeen, ayna ku baaqeen Nabad  in colaada laga gaaro, dhamaan Ciidamadiina ay kala direen, Waxaana hada loo ballansanyahay in wixii dhiig ama dhul ah oo ay labada beelood isku haystaan loo bandhigo Garsoorka Shareecada Islaamka.
 
Mahad celin:
Beelaha Maxamuud Hiraab iyo Reer Xaaji Saleebaan waxay ugu horey mahad u celinayaan Allaah Subcaanahu Watacaalaa oo u suurtageliyay in wajiga koowaad ee kulanka uu si guul ah ku dhamaado isla markaana dhamaan qodobadii laga wada halday ay hirgalaan.
Sidoo kale Labada beelood waxay mahad gaar ah u celinayaan Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud ee Xarakada AlShabaab Almujaahidiin oo lahayd taabagelinta kulanka, dadaal aad u baxaad weyna ku bixisay sidii Labada beelood ay isku afgaran lahaayeen, hadana u taagan in wixii ka dhiman heshiiska ay dhamaystirto.
Wabillaahi Tawfiiq.
Saxiixayaasha Bayaanka:
Reer Xaaji Saleebaan.
1: Nabadoon CabdiWahaab Sheekh Aadan Cosoble
2: Nabadoon Cali Cismaan Luudo
3: Nabadoon Cabdi Cali Xayle
4: Nabadoon Cali Axmed Xayle
5: Nabadoon Aadan Faarax Axmed
6: Nabadoon Cumar Maxamad Kaahiye
7: Nabadoon Maxamuud Carab Cali
8: Nabadoon Cali Xassan Xuseen
9: Nabadoon Cabdi Geelle Yuusuf
10: Nabadoon Cali Yuusuf Cabdi.
Beesha Maxamuud Hiraab:
1: Nabadoon Abshir Kaariye Culusoow
2: Nabadoon Maxamed Warsame Mataan
3: Nabadoon Siciid Cali Maxamuud
4: Nabadoon Sheekh Cali Faarax Khayre
5: Nabadoon Daahir Shirwac Guure
6: Nabadoon Saadaq Axmednuur Tarabi
7: Nabadoon Sheekh Cabdullaahi Maxamuud Maxamed
8: Nabadoon Axmed Dheere Xassan
9: Nabadoon Maxamuud Maxamad Jimcaale
10: Nabadoon Axmad Jimcaale Cawaale.
 
Ujeedo: Go’aan Maxkamadeed.
Kadib markii Maxkamada Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud ay soo saartay Xukun Sharci ah Taariikhdu markii ay ahayd 7/2/1434H kuna beegnayd 21/12/2012, kaas oo lagu kala xukumay Diyada dadkii ku dhintay Dagaalkii Safaynka/labada saf ahaa ee dhexmaray Labada beelood ee kala ah Maxamuud Hiraab iyo Reer Xaaji Saleebaan, dagaalkaas oo ka dhacay Deegaanka Baaldheer ee Wilaayada Galgaduud halkaas oo ay Beesha Reer Xaaji Saleebaan kaga dhinteen 28 nin halka Beesha Maxamuud Hiraab uu kaga dhintay Hal nin.
Xukunka Maxkamada Islaamiga ah oo ahaa in Beel walba oo labadaas beelood kamid ah ay bixiso Diyada dadkii ay dishay oo Muqallado ah, ahna 100 halaad oo Geel ah nin walba, Qiimaha halka neefna uu yahay Sagaal Milyan oo Shilin Soomaali ah ayay waxay Maxakamadu Go’aamisay in Labada beelood ay diyada ku bixiyaan muddo SHAN IYO TOBAN BILOOD AH GUDAHEED oo ka bilaabanaysa Taariikhda uu soo baxay Xukunka Maxakamada Islaamiga ah.
Sidoo kale Maxkamada Islaamiga ah waxay Xukuntay in Diyada lagu bixiyo saddex Marxaladood, taas oo macneheedu yahay in Shantii Bilood oo walbaba ay beeluhu bixiyaan Seddex-meelood Meel ka mid ah Diyada lagu leeyahay isla markaana ay keenaan Maxkamada Islaamiga ah ee Wilaayada Galgaduud si halkaas ay beeluhu ugula kala wareegaan.
FG: Beesha Maxamuud Hiraab waxay bixisay 280 halaad oo geel ah oo ka mid ah Diyadii lagu lahaa, halka Beesha Reer Xaaji Saleebaan ay bixisay 10 halaad oo geel ah oo ka mid ah Diyadii lagu lahaa.
 
 
 
 

Warar kale oo xiiso leh halkaan ka aqriso.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

Fikirkaaga hoos kadhiibo:





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com