Xasuuq ay geysteen Ciidamada AMISOM iyo xildhibaan Canbaareeyey Nagadaawo VIDEO Arintas Muujinaya

1/15/2013 5:18:00 P


Inta la ogtahay ku dhawaad 10 ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyooday 10 kalana dhaawacyo kala duwan  ayaa soo gaaray kadib markii ciidamo ka tirsan AMISOM ay rasaas ku fureen araday Dugsileey ah  iyo dad ree guuraa ah oo ku dhaqan Jiiro yaasiin oo ku dhow deegaanka leego ee Gobolka Shabeelaha hoose sida ay xaqiijinayaan dad goobjoogayaal ah oo iyagu ka bad baaday goobta rasasta lagu furay.

dadka dhinay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badanaa caruur aad u da’ayar  iyo dad waayeel ah iyadooona dhaawacyada oo iyagu intooda badan u ahaa  kuwa adag lasoo gaarsiiyay  isbitalka madiina ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah dhibanayaasha ay dhaawacyadu soo gaareen gaar ahaan kuwooda hadali karay iyo waalidiin ilamahoodu ay ku geeriyoodeen goobta dhacdadau ka dhacaday ayaa wax ka weydiinay qaabka ay wax u dhaceen

Waxayna cadeeyeen sida ay wax u dhaceen iyo tirada dhimasho iyo dhaawac

 owliyo sheikh ayaa sidoo kale iyada oo murugeysan ka hadashay goobta waxayna raacisay in 8 arday iyo laba qof oo waayeel ah la dilay xili salaadii suabax laga soo Waxay uusan jirin wax iska hor imaad ah
Owliyo ayaa saxaafada u sheegtaay in arigii la laayey gaari dameeradiina luga laga burburiyey
Owliyo waxaa horteeda  laga dilay ninkeedii

.Xildhibaan Daahir Amiin jeesoow oo ka mid ah xildhibaanada baarlamnka fedraalka Soomaaliya oo isna soo gaaray isbitaalka kana qeyb qaadatay in dhawaacayadani lasoo gaasiiyo Muqdisho ayaa mar uu saxaafada la hadalayay wax uu canbaareeyay dhacdadani isagoona ka codsaday dowlada soomaaliya in ay arintaani gudi u saarto.
Xidhibanka ayaa hadalkiisa ku darey in ciidamada AMISOM ay diideen in meydadka iyom dhaawacyada laga qaado goobtii uu falku ka dhacay iyaga oo sheegay in ay laayeen Ciidamo alshabaab ah taasina uu si buuxdo u beeniyey

Xildhibaanka ayaa isaga oo careysan saxaafada u sheegay in mudo gaaban ay jawaab ka sigayaan dowlada iyo madaxda AMISOM



FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com