" />

Xasuuq ay geysteen Ciidamada AMISOM iyo xildhibaan Canbaareeyey Naladaawo VIDEO Arintas Muujinaya

1/26/2013 8:28:00 A


Inta la ogtahay ku dhawaad 10 ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyooday 10 kalana dhaawacyo kala duwan  ayaa soo gaaray kadib markii ciidamo ka tirsan AMISOM ay rasaas ku fureen araday Dugsileey ah  iyo dad ree guuraa ah oo ku dhaqan Jiiro yaasiin oo ku dhow deegaanka leego ee Gobolka Shabeelaha hoose sida ay xaqiijinayaan dad goobjoogayaal ah oo iyagu ka bad baaday goobta rasasta lagu furay.

dadka dhinay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badanaa caruur aad u da’ayar  iyo dad waayeel ah iyadooona dhaawacyada oo iyagu intooda badan u ahaa  kuwa adag lasoo gaarsiiyay  isbitalka madiina ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay Xsauuq daran waxa ay ka geesteen Deegaan lagu Magacabao Jiiro Yaasiin oo hoostaga Degmada Leego ee Gobolka Sh/Hoose.
Ciidamada AMISOM oo ka dhaqaaqaty Leego ayaa xili aroor hore ah waxa ay Xasuuq daran u geesteen Dad Reer Guuraa ah oo Qaarkood Hurdayay halka kuwa kalana oo u badnaa Cauur ay kujireen Dugsi ay Quraan ku baranayeen.

Qaar kamid ah dhibanayaasha ay dhaawacyadu soo gaareen gaar ahaan kuwooda hadali karay iyo waalidiin ilamahoodu ay ku geeriyoodeen goobta dhacdadau ka dhacaday ayaa wax ka weydiinay qaabka ay wax u dhaceen
Waxayna cadeeyeen sida ay wax u dhaceen iyo tirada dhimasho iyo dhaawac 

owliyo sheikh ayaa sidoo kale iyada oo murugeysan ka hadashay goobta waxayna raacisay in 8 arday iyo laba qof oo waayeel ah la dilay xili salaadii suabax laga soo Waxay uusan jirin wax iska hor imaad ah
Owliyo ayaa saxaafada u sheegtaay in arigii la laayey gaari dameeradiina luga laga burburiyey Owliyo waxaa horteeda  laga dilay ninkeedii

.Xildhibaan Daahir Amiin jeesoow oo ka mid ah xildhibaanada baarlamnka fedraalka Soomaaliya oo isna soo gaaray isbitaalka kana qeyb qaadatay in dhawaacayadani lasoo gaasiiyo Muqdisho ayaa mar uu saxaafada la hadalayay wax uu canbaareeyay dhacdadani isagoona ka codsaday dowlada soomaaliya in ay arintaani gudi u saarto.
Xidhibanka ayaa hadalkiisa ku darey in ciidamada AMISOM ay diideen in meydadka iyom dhaawacyada laga qaado goobtii uu falku ka dhacay iyaga oo sheegay in ay laayeen Ciidamo alshabaab ah taasina uu si buuxdo u beeniyey
Xildhibaanka ayaa isaga oo careysan saxaafada u sheegay in mudo gaaban ay jawaab ka sigayaan dowlada iyo madaxda AMISOM
Saraakiisha howgalka midowga Africa ee AMISOM ayaa sheegay in la baari doono dad shaley ciidankooda ay ku laayeen deeganka Leego ee gobalka Shabellaha Hoose.
War-saxaafadeed taliska AMISOM ka soo baxay ayaa lagu sheegay in wixii ka
dhacay Leego la baari doono.
Ciidamada AMISOM ayaa dad rayid oo u badan carruur iyo haween waxa ay ku
laayeen deeganka Leego ee gobalka Shabeellaha Hoose.
Waxa kaloo jira dad ku dhaawacmay dhacdadaas kuwaasoo hadda lagu daweynayo
isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
AMISOM waxay sheegtay dagaal ka dhacay Leego oo ay la gashay Al-Shabaab kaliye ay ogtahay in uu ka dhacay halkaas.
"AMISOM way fahasan tahay waajibaadka ka saaran yaraynta saameynta khasaaraha la soo gaari kara howlgalladeeda dadka rayidka. waxaan ururinaynaa macluumaad la xiriira duruufaha dhaliyay dhacdadan murugada leh," ayuu yiri ku simaha taliyaha ciidanka AMISOM, Jeneraal Salvatore Harushimana oo war-saxaafadeedka soo saaray.
Wuxuu Mr. Harushimana tacsi u diray qoysaska dadka ku dhintay dhacdadii Leeg isagoona kuwa ku dhaawacmay u rajeeyay caafimaad
degdeg ah.


Si kastaba, AMISOM ayaa shaley dad rayid ah ku leysay deeganka Leego ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxana la laayay ku jira carruur dugsi qur’aan dhigaanayay oo rasaas ay ku fureen.
Arrintaas ayaa aad loo cambaareeyay, mana ahan markii ugu horreysay ee ciidamada AMISOM dad rayid ah ku leyso Soomaaliy

Warar kale oo xiiso leh halkaan ka aqriso.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

Fikirkaaga hoos kadhiibo:





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com