Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Qurba joogta, ganacsatada shirkadaha dayuuradaha iyo dadweynaha Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu amaanay howlaha kala duwan ee laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Somalia ay ka wado garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho
ka socda garoonka Aadan cadde ayaa sii xoogeysanayey mudooyinkan ka dib markii ay sii kordheen dadweynaha Soomaaliyeed ee u kala goosha dalka gudihiisa iyo dibediisa taasoo keentay in laanta socdaalka iyo jinsiyadsaha ay balaariso howlaha ay ka heyso garoonka.
“Markii aan ka soo baxaayey London waxaan qiyaasayey inaan ka degi doono meel burburtay maadaama dalka dagaalo badan ay ka dhaceen hase ahaatee markii aan ka soo degay garoonka Aadan cadde waxaan la kulmay wixii aan filaayey wax ka bedelan, waxaan arkay meel qurux badan iyo adeegyo cajiib ah” sidaas waxaa yiri C/raxmaan Aasbaro oo ka mid ah qurba joogta dhowaanahan ku soo laabanayey dalka.
Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ee ayaa garoonka ku xirtay qalab casri ah oo isugu jira mishiino lagu baarayo rakaabka dayuuradaha raacaya, kuwa soo degaya iyo alaabooyinka kuwaasoo la mid ah kuwo laga isticmaalo garoomada caalamka ugu horumarsan.
Sidoo kale laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa ku xirtay guud ahaan garoonka dayuuradaha gudihiisa kaamirooyin fara badan oo casri ah, kuwaasoo lagula soconayo dhaaqdhaqaaqa dadka ku jira gudaha iyo hareeraha garoonka si loo sugo amaanka rakaabka iyo dayuuradaha maalin walba yimaada taasoo keentay in kalsooni badan lagu qabo amniga.
Sidoo kale laanta socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa ku xirtay guud ahaan garoonka dayuuradaha gudihiisa kaamirooyin fara badan oo casri ah, kuwaasoo lagula soconayo dhaaqdhaqaaqa dadka ku jira gudaha iyo hareeraha garoonka si loo sugo amaanka rakaabka iyo dayuuradaha maalin walba yimaada taasoo keentay in kalsooni badan lagu qabo amniga.
Dadka safareyda ah ee isticmaala garoonka Aadan cadde ayaa u riqaaqay sida laanta socdaalka iyo jinsiyasadaha ay ugu fududeyso howlahooda marka ay dhoofayaan ama ka soo degayaan, iyagoo xusay in garoonka ay joogaan shaqaale hufan oo loo carbiyey howlaha soo dhoweynta iyo adeega.
Laanta socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa dhowaan ku kordhisay garoonka Aadan cadde dhisme balaaran oo loogu talo galay tababarada shaqaalaha ka howlgala garoonka si howlaha ay bulshada u hayaan y noqdan kuwo lagu qanco sida uu sheegay Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha oo balan qaaday iney sii xoojin doonaan howlaha ay ka wadaan garoonka Aadan cadde

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )