Boolice ka aduunku dowlada u soo gacan galiyey Gacan ku dhiigle ay sheegeen in uu horey Muqdisho nin shacab ah ku dilay ( DAAWO SAWIRADA )

1/27/2013 6:21:00 P

iyada oo maxaabiista ku xiran laanta danbi baarista lagu sheegay tiradooda 89 ayaa hadan saxaafada la soo tusay ilaa 25 ka mid ah waxaana ka mid ahaa 7 askari milatariga ah oo boob iyo dhac lagu soo eedeeyey 2 bolice ah halka 4 kale ay shacab ahaayeen kuwaas oo uu taliye maye sheegay in ay isku baheystgeen dhaca hantida shacabka



Warbaahinta Muqdisho ka howlgasha qaarkood ayaa  loo soo bandhigay rag ay ciidamada bolice ku ku sheegeen in ay yihiin rrfrudsmsussl kuess pp tiradoodum dhameyd 25 waxaana ka mid ahaa nin la sheegay inuu hore nin ugu diley Muqdisho kadibna u baxsaday dalka Sudan iyo kale oo si bareer ah nin shacab ah ugu dilay shalay deegaanka gubta .


Ninka lagu eedeeyay inuu hore xamar dad ugu dilay ayaa laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdule ee Magaalada Muqdisho markii laga soo qabtay dalka Sudan oo sida la sheegay uu u baxsaday.
Taliyaha hogaanka danbi baarista ayaa Janaraal Cabdulaahi Xasan Bariise  ayaa saxaafada u sheegay in shaqsi kasta ee dil ka gaysta soomaaliya uusan ku baxsan doonin dalka dibadiisa islamarkaan aduunka meel kasta uu tago dib loogu soo celin doono gacanta Boliiska Soomaaliyeed.


Taliye shariif sheekhunaa Maye ayaa isne tilmaamay in gacan ku dhiiglaha lagu magacaabo C/Raxmaan Ciise Axmed uu ka baxsaday Muqdisho markii uu dhawaan ku dilay Degmada Wardhiigley marxuumka lagu magacaabu jirey Saciid Dhiblaawe Siyaad.


iyada oo maxaabiista ku xiran laanta danbi baarista lagu sheegay tiradooda 89 ayaa hadan saxaafada la soo tusay ilaa 25 ka mid ah waxaana ka mid ahaa 7 askari milatariga ah oo boob iyo dhac lagu soo eedeeyey  2 bolice ah halka 4 kale ay shacab ahaayeen kuwaas oo uu taliye maye sheegay in ay isku baheystgeen dhaca hantida shacabka
 
 

“meel kasta ciidamo ayaa noo jooga maxaa yeelay waxaan xubin ka nahay boliiska Aduunka ee loo yaqaan Interpool, waana la soo qabanayaa cid kasta ee baxsata”ayuu yiri Shariif Sheekhunaa Maye
Waa talaabadii ugu horeysay oo Taliska Boliisku qaado kaasoo ay dib dalka ugu soo celiyaan shaqsi hore dil uga gaystay Muqdisho sida uu sheegay taliyaha boliiska shariif Sheekhunaa maye















 


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com