Shirkii u socday wasaarada arimaha dibada iyo safiirada Soomaalida ee dalalka caalamka oo warsaxaafadeed laga soo saaray
Wasiiru dowluhu waxa uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga aaney marnaba cafin doonin shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda , lana soo qaban doono
Kulan balaaran oo maanta ka dhacay hoolka shirarka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga , kana soo qeybgaleen inta badan diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradaha Soomaaliya ee looga yeeray 10-ka bishan January Xarunta Wasaaradda , ayaa waxa ay wasaaraddu ku shaacisay go’aan rasmi ah kadib markii madaxda sare ee Wasaaradda ay falan-qeeyeen tala-soojeedinta guddiga dib u habeynta Wasaaradda.
Fadhigan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Wasiir ku xigeenada, Agaasimaha guud iyo Xubnaha guddiga dib u habeynta ayaa hadal kooban oo soo dhoweyn ah oo uu jeediyay Ambassador Yuusuf Xasan ibraahim “ Yuusuf Dheeg” oo ah gudoomiyaha guddiga ayaa waxa uu ku sheegay in howlaha ay wadaan uu yahay mid horumar u horseedaya geedi socodka cusub ee siyaasadda dibadda Soomaaliya .
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa hadal uu ka jeediyay kulanka ku sheegay in dib u habeyn ay ku sameeyeen shaqaalaha gudaha ee ka howlgala Wasaaradda , lana waafajiyay sharciga , waxa uuna yiri “ xubnaha guddiga dib u habeynta shaqo badan ayey qabteen , waxa ayna daraasadeeyeen dukumintiga, iyagoo is arag la sameeyay dhammaan diblomaasiyiinta looga yeeray xarunta”.
Wasiiru dowlaha waxa uu intaa ku daray “ tallaabada xigta ee aanu qaadeyno ayaa ah sidii fariin rasmi ah oo wicitaan ah loogu diri lahaa Safiirada, Siihayayaasha safaaradaha iyo Qunsulada guud si ay u yimaadaan xarunta Wasaaradda, sida la ogsoon yahay howlaha aan wadno waa dadaal aan qofna lagu beegsaneyn ee qofkii ka gudba ama buuxiya shuruucda iyo shuruudaha Wasaaradda ayaa noqonaya howlwadeenka rasmiga ah”.
Wasiiru dowluhu waxa uu sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga aaney marnaba cafin doonin shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda , lana soo qaban doono , lana horkeeni doono cadaaladda .
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Cabdidaahir Cabdiraxmaan Cabdi ayaa ka aqriyay madasha qodobada la go’aamiyay , kuwaasoo kala ah:
1- Diblomaasiyiinta aan ku imaan Xarunta Wasaaradda Xilligii loo qabtay , soona gudbin cudur daar la aqbalay , waxaa loo aqoonsaday inay ka tanaasuleen howshii ay Wasaaradda u hayeen .
2- Diblomaasiyiinta aan weli ka howlgelin , kana imaan goobaha ay ku qoran yihiin , waxa ay joogayaan Xarunta Wasaaradda .
3- Waxaa loo aqoonsaday diblomaasiyiinta loo yeeray , 67 ka mid ah inay buuxiyeen shuruudihii Wasaaradda , ayna yihiin shaqaalaha Wasaaradda .
4- Waxaa la go’aamiyay 28 diblomaasi in dib loogu celiyo Wasaaradda Horumarinta adeega bulshada ( Shaqada iyo Shaqaalaha) .
5- Wasaaraddu waxa ay dib ka soo sheegi doontaa Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha guud ee la xiri doono , iyo kala badalka diblomaasiyiinta iyo howlwadeenada .
6- Waxaa la farayaa diblomaasiyiinta la ogolaaday inay dib ugu laabtaan goobahooda shaqo .
—— DHAMMAAD ——–

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )