Dowladaha Somaliya iyo Ethiopia oo heshiis kala saxiixday

1/30/2013 1:49:00 P

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arimaha dibadda iyo xiriirka iskaashiga caalamiga, marwo Fowsiya Yusuf Xaaji iyo wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya Dr. Tedros, munaasabad heshiiska lagu saxiixay


Magaalada Addis Ababa waxaa qalinka lagu duugay heshiis lagu macneeyay is af-garad dhex maray Somaliya iyo Itoobiya, heshiiskan oo ah kii ugu horeeyay ee dhex mara labada dal ayaa waxaa kala sixiixay, Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arimaha dibadda iyo xiriirka iskaashiga caalamiga, marwo Fowsiya Yusuf Xaaji iyo wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya Dr. Tedros, munaasabad heshiiska lagu saxiixay kadib oo ay laba masuul la hadleen saxaafadda, ayay Fowsiya sheegtay inay abaal badan u hayaan Itoobiya. “garab ayaad noo ahaydeen xiliyadii qalafsanaa ee na soo maray, abaal ayaanu idiinka haynaa” ayay tiri Fowsiya.

Ubucda heshiiska waxaa ku jira gudi heer wasiiro ah oo ka kooban labada dal kuwaasi oo kulankooda ugu horeeya la sugaayo inay ku yeeshaan xarunta dalka ee Muqdisho, wasiirka arimaha dibadda Itoobiya ayaa asna dhankiisa ka tibaaxay in taariikh cusub ay u bilaabatay labada dal. “saxiixa heshiskan maanta wuxuu bog cusub u furi doonaa xiriirka labada dal” ayuu yiri Dr. Tedros.

Warar kale oo xiiso leh halkaan ka aqriso.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

Fikirkaaga hoos kadhiibo:





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com