baarlabaanka cusub waa safaarad wadareed ay beesha caalamku u sameysatay dalka soomaaliya,waxaana taa cadeyn u ah arimaha hoos ku qoranţ
Baarlabaankii oo jira ayeey beesha caalamku cusbooneysiineysaa maandheytka ama joogitaanka ciidamada AMISOM.
Haddii aan waxyar dib ujalleecno baarlabaankii hore ee jabuuti lagusoo dhisay wuxuu kakoobnaa laba kooxood iyo bar aan isku raad iyo asalba ahayn balse ay isu keentay dhismihii ujeeddo badan ee beesha caalamka.labada kooxood waxay kala ahaayeen qabqablayaashii dagaalka ee dalka burburiyey iyo maxaakiimtii islaamiga ahayd ee kadhicinayey kana adkaaday ugu dambeystii,barkuna wuxuu ahaa xoogaa odayaal dhaqameed ah oo ayaga laftoodu labada dhinac kala raacsan.iskudarkoodu waxaan filayaa inuu ahaa 550 xildhibaan.
Waxay ahaayeen laba qeybood oo aan weligoodba wadashaqeyn karin laakiin sababta laysugu daray ayaaba ahayd inaysan wada shaqeyn.Qabqablayaashu waxay matalayeen beesha caalamka laba sababood dartood.Tankoobaadi waa inay ahaayeen niman weligoodba uhiilanaa danaha shisheeye oo ay ugu horeyso burburinta kudhaqanka shareecada islaamka iyo iibgeynta culumada soomaaliyeed iyo suuqgeynta hubka lagu laayo shacabka masaakiinta ah ee soomaaliyeed IWM.Taasoo markii dambe keentay in looga hiiliyo wadaadadii jebiyey.
Qeybta wadaadada ah oo tiradoodu ay kabadnayd 200 xildhibaan ayaa lafilayey inay shacabka meteli doonaan inkastoo ay kudhaarteen dastuurkii beesha caalamka balse taasi maysan dhicin.Si kastaba ha,ahaatee baarlabaankii noocaa ahaa ayaa xilkii iska qaaday kadib markaii ay saxiixeen heshiiskii kambala accord bartamihii 2011 kadhacay isla magaalada kambala ee dalka uganda.
Baarlabaankan cusub hadda wuxuu kakooban yahay isla kooxdii hore ee qabqablayaasha dagaal ahaa iyo qurbajoog laga keenay dalalka reer galbeedka ah.waxaa xusid mudan inay qurbajoogtu ahayd dadkii qabqablayaasha dagaalka eedeyn jiray markii hore.Laakiin qurbajoogtani ma,aha kuwaa ee waa qurbajoog kooxeed lamid ah kuwa qabqablayaasha ah,waa wax afka qalaad lagu yiraa sekulaare afsoomaaligana lagu yiraahdo qunyarsocod,ama dabacsane.intooda badan ma,aha dad diin shaqo kuleh ama kudhaqma sida ay fartay.Qoladani waxaa lagu bedelay booskii wadaadada.Halkii wadaadada laga filayey inay shacabka matali doonaan,waxaa kuwaan laga filayaa inay wadamadii ay kayimaadeen metelaan.
CADDEYN
B) Wadamadii ay kayimaadeen ayaa weli biil uga socdaa reeahoodiina lacagtii ceyrta weli kaqaataan, ayadoo uu wadamadaasi sharcigoodu dhigayo in qof dibadda joogaa uusan cayr qaadan karin.
T) Muddadii uu baarlabaanku jiray waxay kadoodayeen arimaha dhaqaalaha oo kaliya iyo qarashaadka dowladda taasoo hadda umuuqata inay usii gogol xaarayeen hayadda maaliyadda ee ay beesha caalamku usoo diraneyso dalka soomaaliya. seddex bilood ayeey howshaan wadeen ,laba bilood oo fasax ahna way qaateen.weli waxaa inoo dhiman dal dagaal kujiro oo baarlabaankiisii siduu udhamaa fasax galay laba bilood kudhan.
j) waxaa amar lagusiiyey inaysan kahadlin maamulgoboleedyada iyo arimaha federaalka gaar ahaan maamulka loodhisayo kismaayo.yacni baarlabaan ahaan uma fariisan karaan mana uga hadli karaan ilaa amar dambe?.
x) Weli kama aysan hadlin xuduudaha soomaaliya xagga badda iyo xagga berigaba.
kh) Baarlabaankii oo jira ayeey beesha caalamku cusbooneysiineysaa maandheytka ama joogitaanka ciidamada AMISOM.
d)Dib u eega wadamada ay kakala yimaadeen xildhibaanada,waxaan filayaa inay badankoodu kayimaadeen mareykan iyo canada oo iskumid ah iyo ingiriiska waa dhici kartaa halhal kayimid wadan kale oo reer galbeed ah.waxa soo raaca kuxigeenada oo ayaguna suudaan iyo pakistaan ubadan.markii laga reebo r/wasaaraha oo kenyaati ah.
Waddamada hadda safaaradaha xamar kulasoo ordaya waxaa ugu badab kuwa xildhibaanada keensaday markii hore.
Baarlabaanka , ciidamada, iyo hayadda maaliyadduba waa ajaaniib.waana tankeentay aqoonsiga mareykanka.
w/Q, xagaleey

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )