Ra'iisal Wasaaraha oo xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q/midoobay arrimaha Siyaasada
Shir jaraa'id oo ay wadajir ugu qabteen Warbaahinta ayay ku faah faahiyeen natiijada kulanka iyo waxyaalaha la isla gartay.
Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q/midoobay arrimaha Siyaasada Jeffrey Feltman waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin, dowrka ay dooneyso in Q/midoobay ay ka cayaarto geeddi socodka Nabadda Soomaaliya iyo dhinacyada ay ka taageeri karto sida Garsoorka, Amniga iyo Dib u dhiska dalka.
Shir jaraa'id oo ay wadajir ugu qabteen Warbaahinta ayay ku faah faahiyeen natiijada kulanka iyo waxyaalaha la isla gartay.
Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Saacid ayaa xusay in kulankoodan ay uga wadahadleen sidii Q/midoobay ay u taageeri laheyd Dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaana taabagelinta qorsheyaasha Dowladda ee dhinacyada Garsoorka, Sugida Nabadgalyada dalka iyo weliba guud ahaan Dib u dhiska.
"Waxaanu si qota dheer uga wadahadalnay qodobo badan oo ay ugu horeyso aragtida Soomaaliyada cusub, iyo sidii Q/midoobay uga taageeri laheyd sidii Soomaaliya ay awood ugu yeelan laheyd sugida Amniga iyo dib u dhiska dalka" ayuu yiri R.wasaaraha oo xusay in booqashada Kaaliyaha Xoghayaha guud ay caddeyn u tahay sida Caalamku u doonayo inuu u garab istaago Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Kaaliyaha Xoghayaha guud Mr. Jeffrey Feltman ayaa dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu kulan la qaato R.wasaaraha Xukuumada Rasmiga ah Mudane Saacid, isagoo tilmaamay in kulankani uu daba socdo kulan dhowaan dalka Itoobiya ku dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo Xoghayaha guud ee Q.midoobay Mr. Ban Ki-moon.
"Runtii wuxuu ahaa kulankani kulan muhiim ah oo aanu ka gaarnay isfaham iyo natiijo wanaagsan" ayuu yiri Feltman oo xusay in Q.midoobay ay u muuqato fursad wanaagsan oo ay ku garab istaagi karto Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee iyagu go'aansaday inay aayahooda hagaajiyaan, doortayna dowlad rasmi ah.
Kaaliyaha ayaa sidoo kale xusay in go’aan ka gaarista Aayaha Soomaaliyeed uu ku jiro gacanta madaxda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, Q/midoobayna ay uga dambeyneyso go'aamadooda, isagoo dhanka kale xusay in ay taageero u hayaan Dowladda iyo qorsheyaasheeda lixda ah oo haddii la taabageliyo keeneysa Horumar weyn oo dhinac kastaba leh.
Kulankan R.wasaaraha iyo Kaaliyaha waxaa kale oo ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C.kariin Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud X. Faqi, Wasiirka Garsoorka Mudane C.llaahi Ebyan Nuur, iyo dhanka Q.midoobay oo uu ku wehliyay Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud Amb. Augostine Mahiga.
-----DHAMAAD-----

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )