Xeradii dhadhaab iyo markaan uxusul duubeynay, xuurtada xayeesigu markuu xaalku ku adkaadayţ Gabay
Xaraf adagta xaajadu marbay kula xad dhaaftaaye
Xaraf adagta xaajadu marbay kula xad dhaaftaaye
xeeb iyo marbay kula gashaa xeys wax qaadaahe
xasaasiyo marbay kugu ridaa ood xeerka jebisaaye
anse goorta ay xaadirtaan xasil ku meershaaye
xilliyadii colaadaha wixii xamar kasoo muuqday
xulufeysigi dagaaladi isxigay xinjirihii daatay
xabaalaha waxaan aasnay oon ciid kusii xaarnay
xabbadaha intii laysla dhacay lama xisaabeyne
xulashada shisheeyuhu wuxuu xukun inoo saaray
xigashada wuxuu xeer lagalay niman xamuul qaada
xagxagashada wixii aan in badan wada xabeebeynay
xujo maalki lays qoonsadiyo xilalki reeroobay
naf xakaartay mooyee cidkale uma xisaabneyne
xuduudaha markaan furanayoon xaafad kala oodnay
xalkuna galay xabishidii sida xabiib sheegay
xaanshiyahaan saxiixniyo wixii xaajo daba yaalay
xuub caaro xaasidkeen markuu xashirta nagu aasay
xaalufeynta badihii markuu xoog kuwada qaatay
naf xakaartay mooyee cidkale uma xisaabneyne
xaashaa lillaahiye soow inaan xusaa maaha
xayo iyo kasii xagga markii xero naloo ooday
xaragada markay liidatoon uxusul duubaynay
xuurtada xayeesigu markuu xaalku ku adkaaday
intii xabad uroonayd markay xaadirtee gaartay
xushmo darro wixii naga qabsaday woow xogheynaaye
isximbaarna waatuu xigiyo xeeb kafuul doone
naf xakaartay mooyee cidkale uma xisaabneyne
xaqiraadda bani aadamnimiyo xin wixii muuqday
xamaqnimo kenyaatigaa lala xiriirshaaye
xanna maaha xaqiiqdii jirtay waa xanuun yaale
askar wada xubeyra ah markii nagulasoo xoomshay
xeyn xeyn markii noola xiray xabsiyadii townka
xawilaad kasoo qaad markeey xukun la,aan gaartay
xooleey kasii qaadayeen dumarkay xoogeene
xariiq dab ah raggii lagu shidaan lagaba xaaleyne
naf xakaartay mooyee cidkale uma xisaabneyne
xaashaa lillaahiy soow inaan xusaa maaha
xargag leef markay gaartay iyo xanan lahoos seexdo
xagal liicsan mooyee markay xulusba ay muuqan
xigaaliyo markay kala lumeen xigto walaalaaba
xarbigii xaarxaar lagalay xaano jiif keeda
xishood li,ida beel caalam ay nagu xasuuqeysay
sidii xaabadeey nooshideen nameey xurmeyneyne
xaaraan ugadhiyo wuxuu xasad amxaar geystay
naf xakaartay mooyee cidkale umay xisaabneyne
xaashaa lillaahiye soow inaan xusaa maaha
w/t, xagaleey

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )