Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo sheegay in dowlada somaliya aysan matali karin Somaliland
Ictiraafka Mareykanku siiyey dowladda cusub ee Soomaaliya, arrintaasi ma aha wax Somaliland khuseeya
Madaxweyn aha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay labada gole ee Baarlamaan iyo Guurtida ee maamulkiisa ka jeediyay khudbad sanadeedka 2013-ka, kaas oo uu kaga waramay wixii u qabsoomay mudadaasi iyo mustaqbalka waxa u qorshaysan, isagoo sidoo kale ka hadlay aqoonsiga Mareykanku siiyey Soomaaliya, wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya u socday iyo qodobo kale oo ay ka mid yihiin hadalkii dhawaan ka soo yeeray dowladda Ingiriiska oo ku baaqday in dadka u dhashay dalkeedu ay deegaanada Somaliland isaga soo baxaan.
“Dowladda cusub ee Soomaaliya waxaan jecelahay inay inoo dhaxeeyso cilaaqaad fiican, waxaanu cid walba u sheegaynaa inaysan dowladda Soomaaliya ka jirtaa aysan Somaliland dowlad u aheyn , mana xukunto, waxaynu dowladnimadeenii dib ula soo noqonay sanadkii 1991-kii, maanta waxaynu ku howlanahay horumarinta dalkeena iyo aqoonsi aynu ka helo dunida, dowladda Soomaaliya iyo dadkeeda waxaynu ka rajeynaynaa inay garwaaqsadaan inaynu u tashanay masiirkii ummadeena xaqna u leenahay, mana jirto cid jujuubi kartaa” ayuu yiri Siilaanyo.
“Ictiraafka Mareykanku siiyey dowladda cusub ee Soomaaliya, arrintaasi ma aha wax Somaliland khuseeya, mana aha wax cusub ee weligeedba dowladda Mareykan way ictiraafsaneyd Soomaaliya, balse waxay hadda agolaadeen maamulkan cusub, anaguna kama xumin xasadna kuma nihin wixii dadka Soomaalida u kordhaya iyo inay nabadgelyo iyo horumar gaaran oo wax dhistaan” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland mar uu ka hadlayey aqoonsiga Mareykanku siiyey Soomaaliya, waxaanu sheegay inaysan aqoonsigaasi waxba ka bedelin xiriirkii Somaliland iyo Mareykanka ka dhexeeyey.
“Dowladda Ingiriiska waxaa inoo dhaxeeyay xiriir soo jireen ah oo taariikhi ah, waxa inaga dhexeeyay iskaashi heer fiican marayey, waxaanse ka xumahay dhawaaqa arrimaha dibadda Ingiriiska ka soo yeeray ee lagu sheegay in Somaliland ay ka jirto xaalad nabadgelyo xumo ahi, dhawaaqaasi muu aheyn mid u qalma oo ku haboon xiriirka labada wadan, waxaanan u arkaa mid lagu degdegay,
qarankan waxaan usoo maray halgan dheer, waxaan usoo sabray wakhti dheer, waxaan u dhaartay dantiisa, waxaanan u hurayaa wax kasta oo suurtagal ah, waxaan idin waydiisanayaa taageeradiina. Waxaanad ku kalsoonaataan waayo aragnimadayda iyo aqoontayda siyasadeed in aanay maanta xaajo iseegayn, in aan qofna iga jeclayn in dalkan iyo dadkiisu wax noqdaan” ayuu yiri markale.
qarankan waxaan usoo maray halgan dheer, waxaan usoo sabray wakhti dheer, waxaan u dhaartay dantiisa, waxaanan u hurayaa wax kasta oo suurtagal ah, waxaan idin waydiisanayaa taageeradiina. Waxaanad ku kalsoonaataan waayo aragnimadayda iyo aqoontayda siyasadeed in aanay maanta xaajo iseegayn, in aan qofna iga jeclayn in dalkan iyo dadkiisu wax noqdaan” ayuu yiri markale.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )