Hey’adda WFP Oo dib Uga Shaqa Bilaawdey Magaalada Kismaayo
Waa wax aad muhiim u ah inaan mar kale awoodno inaan Kismaayo ka shaqeyno, iyadoo qiimeynteennii dhowaan aan ku sameynay xaaladda cuntada iyo nafaqada ay muujineyso inay jirto baahi weyn," Ayaa wax ka wareesatey Somalisan.com. Stefano Parrett, oo ah wakiilka WFP ee Soomaaliya
Hay`adda QM ee cuntada ayaa dib u billowday in gargaar cunto ay gaarsiiso magaalada Koofurta Soomaaliya ku taalla ee Kismaayo, markii ugu horreysay muddo afar sano ah. Isku dhacyo iyo amaan darro ayaa ka hor istaagay WFP iyo hay`ado kale oo gargaar inay deegaankaas ka shaqeeyaan, balse amaanka oo haatan soo wanaagsanaaday ayaa suurto gal ka dhigay in la gaaro dadka ugu nugul ee Kismaayo ku nool.
Qiimeyn dhowaan la sameeyay ayaa tusineysa in heerar sare ay gaareen cunno yaraanta iyo nafaqo darrada ka jirta magaalada. WFP ayaa halkaas gaarsiineysa cunto diyaarsan dad gaaraya ilaa 16,000 oo qof iyo taageero nafaqeyn gaar u ah 7,000 oo hooyooyin iyo carruur ka yar da`da shanta sano ah.
"Waa wax aad muhiim u ah inaan mar kale awoodno inaan Kismaayo ka shaqeyno, iyadoo qiimeynteennii dhowaan aan ku sameynay xaaladda cuntada iyo nafaqada ay muujineyso inay jirto baahi weyn," Ayaa wax ka wareesatey Somalisan.com. Stefano Parrett, oo ah wakiilka WFP ee Soomaaliya.
"Qiimeyntuna waxay tusisay in kala bar dadka deggan Kismaayo ay u halgamayaan helidda baahiyaha nolol maalmeedkooda, boqolkiiba 24 carruurta ka hooseysa shanta sanana ay nafaqo darro heysato." Ayuu mar kale yiri.
WFP ayaa shan xarumo quudin gaar ah ka sameysay agagaarka Kismaayo, halkaasoo haweenka uurka leh, kuwa kalkaalisooyinka ah iyo carruurta yar yar loogu sameynayo baaritaan dhanka nafaqo darrada ah. Haddii lagu arko nafaqo darro aad u daranna waxaa hore laga siinayaa nafaqooyin diyaarsan oo ay maalin walba qaataan. Saddex meel ka meel dadka daryeelka u baahann ee carruurta yar yar ah
WFP waxay haatan saddex xarumo oo lagu qeybiyo cunto diyaarsan ku leedahay Kismaayo, mid walbana waxay cunto diyaarsan siisaa ilaa 5,000 oo qof maalin walba. Tan iyo intuu barnaamijku billowday horraantii bishan, tiro badan oo dad ah ayaa xarumahaas yimaada, in la siiyo cunto la kariyay oo diyaarsanna waxaa loo arkaa mid badbaado u ah intii la siin lahaa cuntooyin qalallan oo laga yaabo in dad tuugo ah ay ka xadaan.
Iyadoo u diyaar garoobeysay dib uga bilaabidda Barnaamijkeeda gargaarka cunto ee Kismaayo, WFP waxay tababareysay la howl-galeyaasheeda gudaha waxayna 1,100 mitrik tan oo cunto ah kusoo daabushay magaalo-dekadeedka-isla markaana ku filan barnaamijka cuntada karsan ee diyaarsan muddo saddex bilood ah iyo barnaamijka nafaqeynta muddo lix toddobaad ah.
WFP waa Hay`adda gargaar ee ugu weyn caalamka ee la dagaallanta gaajada dhammaan dunida. Sanad kasta, celcelis ahaan, WFP waxay quudisaa in ka badan 95 milyan oo qof oo ku nool in ka badan 75dal.
Somalisan.com

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.



VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )