Madaxweynaha shaqo u gaaray Londonþ ( DAAWO SAWIRADA )

2/1/2013 5:07:00 AM

Safarka Madaxeynaha ayaa wuxuu qeyb ka yahay safarro kala duwan oo dib loogu soo nooleynayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi sare uu hogaaminayo ayaa waxeey ka dageen caasimadda dalka Ingriiska ee London.

Waxaa safarkan Madaxweynaha ku wehliyo R/Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, la taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.
Madaxweynaha booqashadiisa ayaa imaanayso kadib markii ay dowladda Ingriiska casuumaad rasmi ah u fidisay.” Cilaaqeed-keenii jiray ayaan rabaa in-aan dib u soo celino” Madaxweynaha ayaa safarkiisa wuxuu kula kulmi doonaa R/Wasaaraha Ingriiska Mudane David Cameron iyo madax kale oo ka tirsan dalka Ingriiska .
Safarka Madaxeynaha ayaa wuxuu qeyb ka yahay safarro kala duwan oo dib loogu soo nooleynayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka

Warar kale oo xiiso leh halkaan ka aqriso.


FG: Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

Fikirkaaga hoos kadhiibo:





Nagala Soo Xiriir: +252695576666/+252615576666//+252699907666 somalisan@hotmail.com / somalisan@gmail.com