VIDEO Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo lagu dilay magaalada Garoowe iyo qaabkii loo Qabtay nin dilkiisa lagu tuhmayo Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
Daawo VIDEO laga soo duubay ninka la sheeegay in uu dilay sheekh
War goor dhow soo gaaray ayaa sheegaya in Sh. C/qaadir Nuur Faarax oo ka mid ah Culumada ugu waaweyn dalka Soomaaliya lagu dilay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland. ayaa waxaa lagu dilay masjidka ku yaal garawe sida warar hordhac ah ay nagu soo gaarayaan.
.
Xaalada magaalada Garowe ayaa aad u kacsan waxaan dadku hadalhayaan dilka Sheekh C/qaadir oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Jameecada Ictisaam (Al Itixaadkii hore) oo si weyna looga yaqaano guud ahaan dalka.
Wararka ugu horeeya ayaa sheegaya in Sheekh C/qaadir lagu dilay afaafka hore ee masjidka Beder ee ku dhow gurigiisa bartamaha magaalada Garowe waxyar ka dib markii uu soo tukaday Salaadii Casar.
Warar kale ayaa sheegaya in Sheekh C/qaadir lagu dhex dilay masjidka Beder oo uu Salaada lagu jiray, isla markaana ninka toogtay Sheekha uu kula jiray masjidka.
Labo ruux oo kale oo ah wiil iyo gabar ayaa la sheegayaa inay goobta ku dhaawacmeen ka dib markii ninkii dilay wadaadka uu rasaas badan ku furay.
Meydka Sheekh C/qaadir Nuur Faarax ayaa loo qaaday gurigiisa, waxaana goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland dilka Sheekh ka dib.
Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdi Xersi Cali “Qarjab” oo goordhow Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in lagu hayo ninkii dilka geystay ka dib markii dadkii meesha joogay ay ku xoomeen ninkaasi oo watay bastoolad.
Goob jooge ku sugnaa goobta dilku ka dhacay ayaa sheegay in ay ku baraarugeen Dhawaaqa Xabada iyo orodka nin uu ku tilmaamay in uu 19sani jir yahay kaasi oo waqtigii uu ordayay Xabado sii ridayay si aysan dadku gacanta ugu dhigin kadib markii uu hubsaday in uu dilay sheikh C/qaadir Nuur Faarax.
“ Anagoo xabada maqleyna ayaa waxaan aragnay nin gacmaha ku sita 2ba biskoolado aadna u neef tuuraya uuna eryanayo wiil uu dhalay sheikh C/qaadir kaasi oo lahaa ii qabta wuxuu dilay aabahay, markii baan ninkii dhinacyada ka marnay inagoo badan oo dhawr dhalinyaro ah wuxuu nagu riday rasaas badan waxaana ku dhaawacmay haween oo xabadu caloosha ka haleshay wiil ay lugta kaga dhacday iyo mid kale oo isagana ay gacanta ka heshey xabadu, waxaan isku taxluujinay in uusan naga fakan alle ayaa inoo hiiliyay oo rasaastii baa ka dhamaatay kadibna waan qabanay oo dhalinyaradii baa caradii kula dul dhacay oo dhagxaan la dhacay isagoo qeylinaya, ayuu Yiri Mustafe .
Ma jirto illaa hadda cid si gaar ah loogu eedeeyay inay ka dambeyso dilka Sheekh C/qaadir. Hase yeeshee waxaa horey u jirtay digniino fara badan oo Al Shabaab ay u jeediyeen Sheekh C/qaadir oo marar badan si muuqata u weeraray dagaalka Al Shabaab ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Goob joogahan ayaa sidoo kale sheegay in intii Dagaalka kula jireen ninkan aysan ciidanku u imaan balse ay iyagu ku dadaleen in uusan baxsan oo ay ku hareereeyeen Xaafada Hodan aga gaarka Masjid Badar oo ah meesha Shiikha lagu dilay.
“ Markiiba isagoo Qaylinaya oo ku haya ha idilina ayaan gaari Caanoole ah saarnay si aan Ciidanka ugu Wareejino laakiin Markiiba waa ay yimaadeen waxaana la wareegay Ciidanka Dowlada guud ahaanah isku gadaamay halka uu shilku ka dhacay, Ninkuna wuxuu u muuqday nin 19jir ah wuu casaa foolna wuu ka jabnaa Cabsi iyo argagaxna wuu ka muuqday oo ma uusan is lahayn waa lagu qabanayaa, ayuu Mustafe hadalkiisa sii raacshay.
Shiikha ayaa iminka yaala isbitaalka weyn ee Magaalada Garoowe alle ha u naxariistee waxaana la filayaa in uu halkaasi gaaro Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole sida ay wararku nagu soo gaarayaan si uu uga tacsiyeeyo Geerida ku timi Shiikh C/qaadir Nuur Faarax iyadoo aan idinla soo socod siin doonno hadba Wararkii ku soo kordha Dilka Shiikha
Ma jirto illaa hadda cid si gaar ah loogu eedeeyay inay ka dambeyso dilka Sheekh C/qaadir. Hase yeeshee waxaa horey u jirtay digniino fara badan oo Al Shabaab ay u jeediyeen Sheekh C/qaadir oo marar badan si muuqata u weeraray dagaalka Al Shabaab ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.
Xaalada magaalada Garowe ayaa aad u kacsan waxaan dadku hadalhayaan dilka Sheekh C/qaadir oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Jameecada Ictisaam (Al Itixaadkii hore) oo si weyna looga yaqaano guud ahaan dalka.
Waa Sheekhii labaad oo ka mid culimada Puntland oo la dilo, iyadoo 5-tii Disembar 2011magaalada Boosaaso lagu dilay Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan oo isaguna culimada caanka ka mid ahaa ahaana macalin wax ka dhiga jaamacadda Bariga Afrika ee Boosaaso.
Allah ha u naxariisto Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.

FG:
Shabakada Wararka ee Somalisan Mas'uul kama ahan Cidii ku xadgudubto
Shaqsi Raalina kama noqonayso Somalisan.com.

VIDEO Xiirey Xuuriye Dhuxul iyo dhooblow xersi taraarax iyo Muqaalka Sheekadii lacala
VIDEO Madaxweyne Xasan Shiikh oo booqday degmada dayniile tan iyo markii la doortay 05 05 2013 .
VIDEO Xeer ilaaliyahay guud ee qaranka 3dii garsoore laba ayaa ahlu naar ah ciidamda dowlada ciyaalka dugsiyada oo sunadu ka muuqato ayey xirxiraan maxkamad la.aana sidey doonaan ka yeelaan hadalo cajiib ah
VIDEO Mursal Muuse iyo heestii Run u sheeg naftaaduna, ha i raadsan IYO Cabdiqaboojiye iyo heestiisii riyaan kugulo noolahay iyo fanaaniin kale
VIDEO Xayawaanada Qarada Africa oo is cunaya iyo sida uu yahay dhaqankooda
VIDEO Sheeko la yaableh haween rumeysnaa in ay isqabeen oo midood tii kale hoyadeed mindi kala daashay ilaa ay ka dhimato
Filim kii The Good. The Bad. And The Ugly.Full Movie 1 oo dhameystiran Daawasho wacan Il poono il puruto ila katiivo
Maxkamada Gobolka Banaadir oo Edeysanayaal lagu helay danibyo ay ka mid ahaayeen dil iyo Burcadbadeednimo ku riday xakuno kala duwan ( DAAWO SAWIRADA )
VIDEO Abwaan Sugaal Cabdulle oo si la yaab leh ugu duceeyey dalka Somaliyeed dalbadayna in aysan dan inoo aheyn yuu ku deyn adne hadayn
Marwo Caasha X. Cilmi oo haween iyo caruur kula dabaal degtay xero barakacayaal, maalinta haweenka There must be an end to violence against women, Prime Minister declares on International Women’s Day ( DAAWO SAWIRADA )
Qarax Dhimasho iyo dhaawac burbur hantiyadeed dhaliyey oo ka dhacay Liido Sea food and restourant magaalada Muqdisho
(DAAWO SAWIRDA )
Dr. Maxamed Nuur Gacal wasaaradda arrimaha Dibadda mrnaba ma cafin doonto shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda.. ( DAAWO SAWIRADA )
Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu amaanay howlaha ay ka qabato garoonka Aadan cadde ( DAAWO SAWIRADA )
Kumanaan arday oo maanta u fariisatay imtixaanka kama dambeysta ah ee Jaamacadda Somalia ( DAAWO SAWIRADA )